Astaan ka mid ah jaahilnimada!!

0
4766

Astaan ka mid ah astaamaha jaahilnimadu waa astaanta isku wada qaadidda. “Reer hebel waa qolo aan waxba ku filnayn”, “Dalkaasi waa dal dadkoodu cunsuriyiin wadayihiin”, “Wadaadu waa dad danbeeya”, “Dadka fanka iyo suuganta ku jiraa waa dad aan aakhiro meel ku lahayn” iyo odhaahyo kale oo la mid ah.

Adiga iyo walaalaha kula dhashay sida aad hal aabbo u wadaagtaan haddana u kala duwantiin ayay ummadu u kala geddisantahay. Si kasta oo ay magac qaran, mid qabiil iyo mid mihnadeed u sitaan, haddana aadmi waa kuwii kala duwan. Ummad dhan oo wada xun ayaa laga yaabaa in Raxmaan hal qof oo wanaagsan ugu naxariisto. Maxaynu u xusi la’nahay qofkaas iyo qofafkaas wanaagsan ee aynu dadka u wada xumaynanaa kolkasta?

Xayasiis