Dal-lahaansho

4
4701

Dal-lahaansho

Dubai kuma lihi cimaarad
Ma lihi daaraha Maraykan
Ma dego xeebaha Miami
Dahraan kama qodo saliida
Docdaa Philipin ma aadin
Dadkana lama korin Spanish
Cid kale uma dudo wexeeda
Waxaan ahay ruuxdalkiisa
Dulqaad u leh oo dhexjooga

Intaan dhoofoon ka duulo
Daaliyo herer iyo hargeisa
Xiisuhu London ima dul geeyo

Haddaanan duleedka awdal
Aagaa dila yawmam joogin
Dabeed bari iyo gunteeda
Kusoo arag baarqa bdoobsha
Gaaroodi u doonan caano
Miyaan u aqaan dalxiisba

Anoo midho daraya goostaa
Maxaan ugu dudi Qasaacad
Anoo danbarkayga laaca
Miyaan ku dibiri Maraaci ?
Anoo hela Deeqa luula
Maxaan ka dayaa Rihanna ?

Anoo gudin daabka haysta
Miyaan dawaraa facayga
Miyaan gaal caydh u doonan ?

Eedaan dacwaddiyo salaadda
Anoo maqla daakiraadda
Miyaan karayaa durbaanno
Inaan ka dul kaco kaniisad

Fooqyada dheeree dahaadhan
Daaraha Norway ku yaalla
Kumaan doorteen habeenna
Kharaabad duntoo ku taalla
Daammiyo shacabkii Hargeysa

Dhulkiyo degelkayga waxayga
Walaw qashin daadsan buuxo
Hoggaanku intuu dar-jiidhay
Qabyaalad walaw dirsoocday
Dugsiyo gurigaan dhex seexdo
Walaw daf tidhaa abeeso
Fulaa digo rogo yaqaanne
Ka guur hanku dooran maayo

Diyaarado mooto guuxa
Dabbaabado gaadhi roora
Ma curin miig iyo wax duula
Ma tegin samadaa dusheena
Dagaarana maan cagaynin
Markaan se dabuubahayga
Duntiyo gabay maansadayda
Dux iyo hal-abuurka sheegto
Ayaan faanaa in doora

Tanay dihatoo i dhawrtay
I deeqday tanaa i deeqday
Tanaan degel degel u qaybay
Tanaa lixle loo danqaabay
Koosaar loo dilay qabboono
Tanaa Axmed guray u dooday
Darwiish ku adduunyo seegay
Tanaan taariikho duuga
Ilaa dura soo yagleeshay
Ilaah ka sakow dusheeda
Tanaan leeyahay duleedba

Xayasiis

4 COMMENTS

Comments are closed.