Farqiga u dhexeeya “Abwaan” iyo “Hal-abuur”

10
1334

Farqiga u dhexeeya ereyga “Abwaan” iyo “Hal-abuur”

Kadib markii aan badweynta suugaanta sannado kooban ku jiray, waxa aan yar dareemay in labadan erey dawakh badani ka taaganyahay. Taasi aniga ayay mararka qaar I saamaysaa oo maalin aan waraysi siinayay mid ka mid ah warbaahinteenna ayaa gabadhii weriyaha ahayd I tidhi “Ma hal-abuur Yaxye ayaan ku idhaahdaa mise abwaan Yaxye?”
Waxa aan sidoo kale dhawr jeer arkay walaalo inta ay saluugeen aragti aan qabo ama aragti aan qabo si kale u fahmay, dabadeed in doora I duray iyaga oo ku bilaabaya “Abwaan baad isku sheegaysaa …..” Anna aan ku idhi “Walaal weligay iskuma sheegin ee dadka oo igu sheegaya ayaad aragtay malaha.” Sidaas darteed waxa aan isku deyi doonaa in qormadan hoose aan labada erey aragtidayda ku iftiimiyo, waan saxsanaan karaa waanan qaldanaan karaa.

Ereyga Abwaan mid ka mid ah qeexdimihii I soo jiitay waxa aan ka maqlay Hadraawi. Waxa uu yidhi odhaah la macno ahayd in abwaan lagu sheegi karo qofkasta oo da’ lixdan ah jiray, lixdan ka horeeyay na dhega-dhegeeyay dabadeed lixdan soo socda hilaadin kara ama saadaalin kara. Wax badan ayaa is beddelay hadda, oo qofka akhriya buug ka waramaya 60 sanno taariikhdood , waxa uu ka dhiganyahay nin 60kaas sanno noolaa.

Iyada oo ay sidaas tahay haddana, aniga oo ka shidaal qaadanayna qeexdiintii Hadraawi, waxa aan ku qeexi karaa ereyga “abwaan” haatan , waa ruuxa da’ uu talin karo jira, ha jiro e qaar badan oo ciro le oo haddana madhanbaa buuxa e, waa in uu yahay qof wax badan xog ogaal u ah, intii uu u joogay si qoto dheer wax u rogrogay, intii aanu soo gaadhinna wax badan ka baadhay. Dabadeed ay taasi u sahashay in uu talo iyo tusaaleyn badan ka bixin karo wax soo socda ama waaqic haatan lagu jiro.

Intaas isla garanaye, hadda ba ma qasabbaa in uu abwaanku tiriyo suugaan? Maya qasab ma aha ayaan qabaa. Abwaan waxa lagu sheegi karaa qof kasta oo astaamahaas aynu kor ku soo sheegnay le, se wuu tirin karaa mana tirin karo suugaanta. Nin Soomaali ah ayaa maalin waxa uu si qoto dheer uga hadlay siyaasadda Soomaalida. Waxa uu dhankasta kaga yimi qodobadda saameeya iyo aragtiyaha qaabeeya iyada. Aniga oo la riyaaqsan oo tacajubsan ogaalka intaa leeg ee aan ka faa’iday daqiiqadihii aan daawanayay, ayaa aabahay oo aanu wada daawanaynay igu yidhi “Ninkani waaba abwaan!”
Ogow hadda ba billadda abwaanimo du ma aha xil nin kuu magacaabayo dabadeed “Sacaadatu abwaane” lagu odhanayo. Ereygan iyo taalladan dadka ayaa u garta qofka. Dad gaar ihi uma gartaan weliba ee badi dadku waa in ay u gartaan qofka. Sidoo kale qofku iskuma sheegi karo. Aragtidayda gaarka ahna qofka abwaan isku sheega, ama ereygaas magaciisa ka horaysiiya isagu, waxa aan u aqaan in abwaanimo fig ka saarantahay. Haddii se qof kugu sheego adiga oo is og in aanad ahayn, inaad u mahad celiso ayuunbaa kugu waajibaysa aragtidayda. Se waa mid ka mid ah waxyaabaha iigu adag ee aan la kulmo maalin kasta. Waxa aan ka naxaa wadnaha marka aan xasuusto in aniga iyo rag aanan hawaysan Karin “Abwaan” la noogu wada yeedho!

Aan soo yar daymooda dhanka ereyga “Hal-abuur”, ereygan isaga na sidoo kale waxa xabsi loogu xidhay qolyahayaga suugaanta curisa. Labada erey dhadhan ahaan kan ayaa ka balaadhan kana dhumuc roon. Waxa uu dhabarka taabtaa nooc kasta oo hal-abuur ah; sawirka, qoraalka, ciyaaraha iyo IWM. Hal-abuur waxa la yidhaahdaa marka wax jiray oo meel yaalay aad isu keento si aad uga soo saarto shay cusub oo qurux iyo manaafacaad le.

Ninka suugaanyahanka ihi ereyo jiray ayuu isu keenaa markaasuu tuduc cuddoon ka unkaa. Ninka dawaarlaha ihi, maro waar ah oo duub ahayd ayuu jarjaraa markaasuu toob bilicsan ka sameeyaa. Taayirada gaadhiga waxa laga dhigi karayay bir ama shay adag si uu meel kasta u maro, laakiin ninka gartay in uu ka dhigo walax naqas ku jiro si aanu ciida hore u gelin waa hal-abuur. Gabadha weelka xalaysa ee koobabka iyo falaasadaha foorarinaysa marka ay xasho si biyuhu uga gororaan waa hal-abuur shaqo, si aanay hadhaw midkasta u qalajin. Nolosha oo dhan ayaa hal-abuur ah. Nolosha oo dhan ayaa hal-abuur u baahan si aynu hadba mishkilad u xalinno.

Guul iyo Gobonimo
Yaxye Yeebaash
Hargeysa, Somaaalilaan.

SHARE
Previous articleIga raali noqo
Next articleSuugaan Mayd Ah!

10 COMMENTS

  1. midna waxan u arkay inaad ku saxan tahay midna waa aan faham adkaystay abwaan waxa waagii hore loogu yeedhi jirey dadka wax ka sheega saadasha hawada dayaxa xidigaha moorada iwm kaasoo dadku odhan jireen marka laisku soo duubo cilmi falag ayuu bartay oo ahaa cilmi ay ka tageen muslimiintii hore lkn halkan aad leedahay lixdan sanadood qof jirey kam yaa lixdan jirey oo aan garanayn todobada god ee dayaxa markii dambana waxa dadka loogaga dhaadhicin jirey af ahaan ereyo u dhisan sida gabayga ama maansada iyadoo loogu sheegayo si fahamku u fududaado hadaba qofka hibada alle u siiyey isku habaynta ereyada uu ku sheegayo dhacdooyinka cimilada ayey dadkii ku nabeen abwaan hebel ereyga kale ee cajiibka lihina waa ereyga qaryaan

  2. Aad iyo aad ayaad u fiican tahay runtii walaal. Intaa kadib waxna waan ka faa’iday mahadsanid, ilaahayba mahad leh e, Yaxye

  3. Masha Allah
    Inaad hal abuur dad tahay
    Qaar baa u yaqaan hibiyo
    Inaad howraar taqaan
    Lkn taas waxaad moodaa iney yara is badaleyso

  4. Runtii qof wax badan yaqan ayad tahay waxbadanna wan ka faa’idey horrey usoco ayan kudhihi lava weligaha istaaqin

Comments are closed.