Farsamo

7
3262

Fooraha gugoo soo curtiyo, feded la jaanqaaday

Cirka oo daruuraha fudfuday, waqal kasoo faytay

Fallaadhaha cadceedo ku dhacay, dhibic firaynaysa

Jeegaanta bari foof ku timi, midab ku feeraaray

Mahiigaan toggaasoo fatahay, daadka falaqleeyay

Foodhidu hadday joog u tahay, ruuxa dhaga fiiqan

Gabaygani farriinbuu u yahay, gaarri fahan dheere

Feedhaha dhexdoodiyo hankaan, kuu fadhfadhayaaye

Figta sare inaad taabsatood, dhaafto farahooda

Faa’idana waan kula rabaa, inaad mar foostaaye

Fure guushu leedaan hibooy, kuu fasirayaaye

Faahfaahinteedaan is idhi, gabay ku faalleeye

Fa’da maanso ereygaan ku faro, feegar hadalkayga

 

 

Waxa fiday waxaa faafayee, filiqsan ee baahay

Inta gabadh facaagaa la hoday, ee la furay saaka

Fuudkooda nimanbaa caboo, feentay lafihiiye

Tusaalaha waxaa kuugu filan, dumar filkaagiiye

Xiisaha faquuqmiyo jacayl, foos burburay saaka

Kalgacaylka soo fuqa markaad, fiidka la cawayso

Ma faliidhmo caashaqu haddii, loo fadhiyo jeere

Falka guur tallaabada horteed, waa la fikiraaye

Xaajada ku food saartay ee, foolka dhaqanaysa

Haddii aanad fiirsanin adduun, waad fashilantaaye

Marka faalku hawshiisa gabo, fooxna kala guuro

Fajac iyo layaabbay ilmadu, kaa dul fakataaye

Filanwaaga qoomamo hadhaw, way ku fanataaye

Fursad iyo haddaad haysataa, faayo qurux roone

Inta aad fayowdahay talaan, kuu falkaniyaaye

Ka farxalo jacayladu haddeer, way fasaqayaane

 

Fiilaanta yurubtiyo dhulkaa, barafku fuuq siibay

Rag dhafoorka feedhoo timaha, fooda kala reebay

Badh surwaalku hoos u fiday, foorar kala jeeda

Faambaayar khaakh iyo sarcaad, loo furfuro maanka

Fiicnaantu dhulalkay u tahay, filin la raacraaco

Jonh-kuba dhulkuu faan u yahay, faasidkiyo gaalku

Kol hadduu fagaaraha ka yimi, aaga faransiiska

Fiisaha ha guursane asmaay, fiiri dhaqankiisa

 

Habeen fiid la boodiyo aroos, maalin fara gaaban

Odayaal fadhiistiyo adduun, faraqa loo buuxshay

Fooq sare hadduu kuu dhisiyo, faalal guri qaydan

Foolaadka xoolaha hadduu, boqol ku fuushiiyo

Farxad iyo dareenkaa ka wayn, idil fihiimaaye

Kala taga haddaydaan is fahan, haatan filanaynin

 

Allaa faxane guurkuna ma aha, faran la qaataaye

Mana aha faqrigu maalka iyo, furin la gooyaaye

Fikir qaniya, maan fataha, ficil raggeen yeesho

Fahankiyo garadkuu faqiir, faaruq ka ahaaye

Fulay jiimta dhawr soo galiyo, feedho kala jiide

Wax ma fale wuxuun filaha, fiiqan dagalkeena

Fusuq wade xilkiis furaha, fiiga dhaqankiisa

Farsamiyo sibay kugu dagaan, kuguna faytaane

Farabadan tubtoodiyo habkay, kuu fadhanayaane

Foolxumo marbay quruxda, falal ku dhaantaaye

Fagaaggiina adigoon ka tegin, mariyo foodsaarta

Feejignida adoo qayd u xidhay, dookhna kula faagay

Adoo food u qaado qalbiga, ruux kuwada foofshay

Faraj abid la dhawrtiyo raggaa, maanku fikiraayo

Janno doon fardawsada ragaan, faralku seegseegin

Faataxa quraankiyo wattiin, lama fogeeyaanka

Mid ku fara ayaadkiyo wanaag, faxal gayaanka ah

Ka fagoow aduunyada nimaan, diinta falanqaynin

 

Hooyanimo fudayd maaha iyo, faarax dhala uune

Fool iyo xanuun iyo dhibbay, kuu far gelisaaye

Fadhi barad dhalaanbaad u korin, inuu mar foofaaye

Faracaagu waa qayb kamida, feedha gudahaaye

Marna waa fariid kuu dhashiyo, midaad ku faantaaye

Marna waa fin kaasoo bixiyo, gaatir iyo fiixe

Hadba waa farriintiyo murtida, taad u fidisaaye

Hadba waa filnaanshaha kartida, faylkaad gelisaaye

Fasal iyo aqoonbaad u tahay, fasax la’aantoode

Ubax fiilay meeshuu ka fulo, wuu fadhiyaaye

Hooyadu furaashbay u tahay, aadmi fara wayne

Ha fudaydsan doorkaad rabtaa, waa figtaa sare’e

Xayasiis

7 COMMENTS

  1. masha allah , yaxye yeebash allah ha ku dhawro ciilmiga ha ku ziyasho , halkaga ka sii wad wllaky

Comments are closed.