Iga raali noqo

0
9492

Waan reemayoo
Rarankii jacayl
Waa i riiqayoo
Waan rafaadsane
Iga raali noqo

Kaama reebi karo

Ruuxdii shalay

Ku rejeysatee
Iga raali noqo

Riix udgoon le iyo

Hawo raaxo loo

I ruxdaad tehee

Iga raali noqo

Kaama riixi karo
Run ahaan qalbiga
Rakadaad kortee
Iga raali noqo

 

Rubucaad maqnayd
Waan ku raadiyoo
Waan ku raagsadee
Iga raali noqo

 

Heedhe raasamaal

Raxan dumar haddii

Ta u roon xuliyo

Mid ka raac la dhaho

Kuma raynayee

Iga raali noqo

 

Raga waan nacaa
Ka ku raaca ee
Ku rafiiqiyoo
Ruuneey anaa
Isla kaa rabee
Iga raali noqo

 

Waxan raajacaa

Ra’yigeenniiyoo,

Riyadaan lahaa

Waan rumaynayaa

Wadnahaw rahmane

Iga raali noqo

 

Dareenkii I riday

Markii uu ribbaday

Raxmadaan hirqaday

Raas lagu negiyo

Reerbaan lahaa

U yagleel ruglee

Iga raali noqo

 

Rabitaanka iyo

Rasmi baa macaan

Kala raarmaayoo

Rar kolkaan is idhi

Ratigay gabee

Iga raali noqo

 

Roob igu da’aa

Qalbigii rarnaa

Radin waayayoo

Caqli soo rogmaa

Rusheeduu is yidhi

Wadnihii rujiyay

Rubucaad degtaye

Iga raali noqo

 

Rasaastii jacayl

Rukinkii hayiyo

Ruugbay heshee

Iga raali noqo

 

Runtii aan nacneen

Jar ka raaridniyo

Waa risaalad tani

Xabsi igu riddoo

Rumaan ii jartee

Iga raali noqo

 

Kuma ruufayoo

Rabbibaa qoree

Iga raali noqo

 

Rucubtaan cunniyo

Shalay raaxadii

Raxanraadka xigay

Waa rasiidh cishqiye

Iga raali noqo

 

Go’aankaan rogrogay

Kuma raacayoo

Ma raxlayanayee

Raaf-dilaacanaan

Ku qasbane rajooy

Iga raali noqo

 

Rayskii da’aba

Ramadkii kolkale

Rimi waayayoo

Gefka raaliyaay

Tunka waw ritee

Iga raali noqo

 

Rookaysniyoo

Koomo raagtaybaa

Ridiqdoo xiskii

Raq naflaan ehee

Iga raali noqo

 

Raandhiis qofloo

I rabbaysataay

Iga raali noqo

 

Ruqsad maan ka helin

Rubaddaan jantaye

Iga raali noqo

 

Kaama roorayee

Rafad baan ehee

Iga raali noqo

 

 

Xayasiis