Layaab weli shay ma yaabtay

U yeedhay nimaan layaabin

Markaad tidhi waa layaabna

Layaabka ma kuu xambaaray

Adoo libin-laab layaabban

Dushaada layaabka saaran

Maansada ma layaab dhawaaqday

 

Layaabkan layaab layaabay

Haddaad adiguna layaabto

Layaabka waxaa lahaaday

Layaabbadan kii u yeedhay

 

Naftaydu qof ay layaabtay

Layaabtay markay ka yaabtay

U yaabtay markay layaabtay

Ayaan wali ruux layaabban

La arag lana maqal layaabye

 

Adduunyadan aan layaabay

Dadbaa jira aan layaabin

Layaabka markaad layaabto

Dadbaabaa layaab ka qaada

Layaab sababtaad u yaabtay

 

Waxaa jira ruux layaabban

Aduunyadan aan layaabay,

layaabka markaan abbaaro

Ku sheego layaab layaabo

Ka yaaba sidaan layaabka

Layaab ugu qaab tilmaamo

 

Waxaa jira ruux layaable

Layaab u yaqaan layaabka

Si aan dadku uba layaabin

Layaab dafiroo yidhaahda

Layaab maba arag layaable

 

Layaabbadu kala layaabsan

Dadkuna kala goor layaabban

Ha yaabin markaan layaabka

Ku sheego layaab aan yaabay

 

layaab badan maansadaydan

Layaab male kii layaabay

Kolay adiguba layaabtay

Layaabadan aan dhuraayo

Layaab se waxaa lahaaday

Layaabba nimaan ka qaadin

Layaabka wixii mar keenay

 

Layaab iga yaabka baaji

Ii hiili layaab mar uunbal

Layaab ila yaab hadduun bal

Ha yaabo dadkuye layaabbal

Layaab isu sheeg layaabkan

Layaaban naftaydan yaaban !!

 

Alleylehe waa layaabay

layaab kala jooji yaabka

U jooji dad aan layaabku

Ahaynba layaab kashooda

 

 

Xayasiis

10 COMMENTS

  1. allah jecliyaa gabayadaadu wixii laga gabyaaba waarun la iskama gabyo wlle ciyaar looma gabyo waxaasaa inana

  2. Masha allah wlh waa gabay aad u macan run ahantii inta badan gabayada abwan yaxye wa gabayo an aad u qadariyo sameeyn wayne igu yeesha masha allah markale il cadsw allaha kaa dhawro abwaan

  3. abwaane yeebaas wallahi waxaa tahay abwaan aan jeclahay lkn mid makaa codsadaa abwaan in aan gabetadaada isticmaalo oo aan sii gudbiyo oo bulshadad aan la wadaago kawaran abwaan

Comments are closed.