Tixdan gabayga ah waxa aan u sameeyay walaashay oo ila dhalatay, waxa aan u hibaynayaa gabadhkasta oo soomaaliyeeed oo la dhalatay inamo, iyada oo inamadaas had iyo goor u dedaasha una danqata.

 

[wp_ad_camp_1]

Naruuro

Aabbahay nimcadii uu dhalaay, naallo igu soora
Naruurooy adaan kula koroo, waad I nasisaaye
Naxdintaada anigaw dhintoo, neceb dhibtaadaase
Nud wadnaha ku yaalbaw damqada, nabaradaadiye
Walaashaanu naas wada jaqnaay, hayga nugux siinin
Kuu nooli waan kula dhashee, nacabka haw liicin
Naftaydaad nalkeedii tehee, naaqus ha ahaanin

Naxariista waa loo dhashaa, nooca aad tahaye
Marka aan xanuun naasilmee, nabar isoo gaadho
Sidaad iila nooshahay sidaad, iigu nugulaato
Sidaad iila naaqishi taqaan, deriska aan naawo
Nabdigayga kama saarayoo, way ku nabantuune
Nafbaxaaga waan kuu ogee, hayga nacasoobin

Naamuuska adigay boqroo, waan najaxayaaye
Nafhurkaagu sharaftaydanuu, naaxiyaa abide
Nafacaagu haddii aanu jirin, neefsi ma kareene
Naqdintaadu maryahaan xidhay, qurux ku nuurtaaye
Inta aad nasteexada waddeed, maanka nasinayso
Waa intaan nasriga taabayeen, guul ku negayaaye
Waxkastoon noqdo ba waad tehee, samirka ii nuuji

 [wp_ad_camp_2]

Nacfi badan haddaan leeyohood, caawa igu nooshay
Murugadan ku noogtaan ilayn, kaa nasilan laaye
Waxaan gabay caawaw naqilay, waan ku nefisaaye
Nabsigaaga uunbaan rabaa, inaan ku naaraaye
Nus ma gudin xaqaad igu lahayd, mana naqtiimayne
Walaashaanu naas wada jaqanaya, hayga nugux siinin
Kuu nooli waan kula dhashee, nacabka haw liicin
Naftaydaad nalkeedii tahee, naaqus ha ahaanin

Waxa ina rag naanaabayee, midiba nooc sheegto
Ee nuqsaanta haweenkooda bila, naago u yaqaana
Naruurooy adaan kaa jeclahay, niyad ahaantiiye
Garan maayo nimaan kuu xuloon, kuu naqayn karo e
Dharaartuu nasiibkaagu helo, midaad la noolaato
Naf ku tebaysa baa igu jirtoon, nabad ahaanayne
Nikaaxaagu muruguu I gelin, neecaw udugeey

Nimco Eebe igu deeqayoo, ii naxdaad tahaye
Nabdigaaga ruuxii leh baan, naadir u aqaane
Naxli iyo nuxuus iyo ma lihid, gocosha naareede
Nasab aabeheen baad caqliga, noole shabahdaaye
Hooyaan indhaha nuurayana, niyad xasuustaaye
Naq xalaala baad daaqdayoo, waad nawiraysaaye
Walaashaanu naas wada jaqnaay, hayga nugux siinin
Kuu nooli waan kula dhashee, nacabka haw liicin
Naftaydaad nalkeedii tehee, naaqus ha ahaanin

[wp_ad_camp_3]

Xayasiis

1 COMMENT

Comments are closed.