Maxaa  curri Land-ta jooga

Dadkoo casar gaaban seexday

intuu caanaha dhammeeyo

Cad iyo hilibkana idleeyo

Ciddii fashay goor la-yaabay

Indhaha intuu soo caddeeyo

Cakuye ku idhaa ma joogin

Manaan cunin jiidh ayaamo

 

Maxaa curri Land-ta  jooga

Markuu curri kale dilaayo

Intuu afka uun ka caayo

Rasaastiyo qoriga caaggan

U dhiga wadhatada cadkooda

Hadhaw godka goor la ciiray

Islaantuna curadka wayday

Ku caan baxa way dileene

Cutiya tacsidayda qaado

 

Maxaa curri Land-ta jooga

Aroortii suudh ku ceesha

Caawiyo fiidkeena gaaban

Cimaamad intuu hagoogto

Beeshiisa caways la qaato

Suldaan iyo caaqil sheegta

 

Maxaa curri Laan-dta jooga

Dad caawi markaad tidhaaho

Ee aad cabashana u sheegto

Caydhiyo filin mooda gaajo

Abaarta ciyaar u haysta

Ku ciida dhibtaad ka oydo

 

Maxaa curri Land-ta jooga

Intuu bisadaha canaanto

Dadkana caammada kaxaysto

Caqaar iyo jaad ku keeno

I doorta kusoo cabaado

Kuwiiyoo caleemo saarka

Ku heesaya caawiyoow

Adaa naga hayya colkoo

Adaa caadila halyey

Cod iyo taageero buuxda

mujaahid curroow ku siinay

Kollay cadka waad badhaaye

Adaan naga cunin bariiska

 

Maxaa curri Land-ta jooga

Ciddiyo miciyaha libaaxle

Cir iyo dalqadiisu wayntay

Haddana genayow codkiisa

Marku ciyo aad qushuucdo

 

Maxaa curri Land-ta jooga

Caruurtisiyo gurboodka

U diray carabaha dalkooda

Ciyaalkagana gadoodsha

 

Maxaa curri Land-ta jooga

Kitaabka cadiim quraanka

Sagaal cisho gacanta saaray

Ku dhaartay casiiska uunka

Haddana cakisaaya diinta

Caantaynkiyo quud idlaada

Ka door biday eebe ceeshka

 

Maxaa curri Land-ta jooga

Ciyaarta garoon la buuxo

Da’diisoo gabaw ku ciiray

Kasoo bax markuu colaadshay

Huruuddana lagu ciqaabay

Markuu weli sii ciyaaray

Cassaan goortii la siiyay

Intuu ciilkii gadooday

Tollaay sawmuu cabaadin

 

Maxaa curri Land-ta jooga

Curriga bisaddiisu qaado

Casaysooy dhaga barjayso

Hadduu caasiyo falkeeda

Amaba camalkeeda diido

 

Curriga dawarsada ficiisa

Haddana carshigeena seexda

 

Curriga xulashada ku faana

Talada u yaqaana cayda

Ammaantana caadi moodaa

Dhalliishana ceeb u haysta

 

Curriga sawirkiisu yaalo

Gidaarada lagu caweeyo

Laabtiyo caqligii dadkiisu

Intooy karahdooy ka caagtay

Cidkale sudhatooy ku faanto

 

Curriga currinimo ku baaqa

Haddana curriyada layaaba

Markay ku daydaan cagtiisa

 

Curriga Engineer ka sheegta

Siyaasiyo ruug caddaaga

Dhul iyo cirmareenka buuxa

Cilmina ab-tiirsiin yaqaana

Ku caashaqa reer heblaayo

Ku doorta caddaalad waarta

Caynaanka u dhiiba tuugga

Islaan laba canbaa gadaysa

Gaajada laba cunug la goohsan

La baayicin caawo oo dhan

Xammaal iyo kuuli cawlan

Cashuurta saboolku dhiibo

Cir-weyne kusoo hagaaja

Baloodhka agoon ku ceesho

Dillaal iyo waalid caaqa

Cokane ugu geeya fooqa

 

Caddaanka madaw ka yeela

Cassila dacaaddo gumeeya

Dacaayad usoo cantoobsha

Ku caawiya beenta faafta

Cagkira oo kala dhantaala

Cadaadis culayska saara

Hanjaba oo caga jugleeya

Cabbaar suga mahadniqiina

 

Xayasiis

2 COMMENTS

  1. asc wr wb saaxib anigoo ah magaca kor ku qoran waxaan ku waydiinayaaaa su,aaal ah xageed ku nooshahay? ama joogtaa? ma suuugaanyahan soomaaliyeed oo soo baxay wakhtigan ayaad tahay? maadaaaaaaaaaaa curiyey gabaygan aan soo arkay? hadaba waxaan si sharafi ku dheehantahay kaaga codsanyaa wwiwnaad iiga soo jwbto dhamaan su,aalahan
    mahadsanid

Comments are closed.