Soomaalinimo

1
5647

­­­­­

Tixi waa sarbeeb

Surin ruux lahaa

Isagoo ku siman

Laga sogordohoo

Dabadeed socoo

Cagta saar la yidhi.

 

Marna waa sifayn

Sugid iyo ilayn

Sixid iyo caddayn

Kolka shay samaw

Sidii qorax ahaa

Caad loo sasabo.

 

Luun kugu sarnaa

Sacabkaaga oo

Subag lagu shubtaa

Sahay kuu noqdee,

Baabbaco-saluug

Surmi kaama tiro

 



Sir ma sheegayee

Waxaan uga socdaa

Soomaalinimo

Ma le saylad iyo

Sicir lagu gadoo,

Han siyaasadeed

Lama siisan karo,

 

Diintaa soshoo

Dhaqankaa u seda

Dharku waa u sumad

Soortaa u cada

Afku waa u sahay

Sabadiyo kobtuna

Saamayn kulehe

Soomaalinimo

Qof su’aalayoow

Calan kuma suntana.

 

Cid ma seeranoo

Qolo kuma sidkana,

Mana aha salaan

Nin siyaasiyi ihi

Meel sare ku koro,

Sirsir maaha oo

Lama sii sarifo

Waa siman u siman

Soomaalidoo

Waa sawrac iyo

Sinji aan ummado

Kaga soocanoo

Ma sariigan karo.

 

Sagaal baasaboor

Ninka sii sitoow,

Soomaalinimo

Lama saydhi karo.

 



Soomaalinimo

Qof ka saar is yidhi

Sibiq iima tiro,

Waa sexeex Rabbigu

I dul saarayoo

Xididkeeda sugan

Uma siibi karo.

 

Haddii lagu sidkoo

Inta lagu subciyo

Gef siyaasi galay

Dawo saxal tirtiyo

Looga dhigo sabiib,

Wax ma saciddee

Sunta iyo ladhkaa

Seedaha gashoo

Dar sanaadha oo

Soomaalinimo

Sas ka qaadayay

Samankaas dhashaa

 

Waxaan uga socdaa

Ereygeeda sami

Waa saxar la’aan

Sifaduu yehee,

Sahan aanay wadin

Magac aanay sudhan

Madax aanay sidin

Yaan lagu sawirin

 

 

Yey saad u noqon

Sed bursiimo iyo

Ninka saa’id raba,

Siddeheeda bilan

Yaan laygu sirin.

 

Salfudaydka jaan

Waan salaw badnee,

Saajin raba dagaal

Yuu igu sasabin.

 

Soomaalinimo

Waa jacayl sadriga

Kaa saaqayee

Mid nacaybku simay

Yaan laygu solin

Yaan siidhi-wade

Koox kale la safan

Qaladkayga sixin!

 

Sababaynta guud

Waxaan saas u idhi,

Way sal guurtayoo

Way sinbiidhayoo

Saxal baa galoo

Waa lagu saxdaye,

Soomaalinimo

Haddii lagu siqoo

Lagu kala sed yahay

Siinaaybaan ku koray!

 

Dugsii sariyo

Kaygii soke ba

Kobtanaan ku sugay,

Saanqaadaayoo

Ilaa saakadaas

Sikin maan ka tegin,

Af soomaaligana

Suugaan duxlaan

Siin kuu marshee

Soomaligee

Soomaalinimo

Sakad iiga xiga?



Xayasiis

1 COMMENT

Comments are closed.