Toddobaadba shaybaa caqliga, taallo ugu yaala

Toddobaadba qawlbaa u taga, maanka tirinaaya

Toddobaadba waayaha tarmaa, tanag kusii saara

Toddoobaadba maluhuu tuntaa, taawi kugu ooda

Toddobaadba melba ku tigan, tiiha kugu reenta

Toddobaadba tigidhbaa u go’an, duun ka tegistaada

Toddobaadba temminbuu I faray, toodibyo waano

Anna heedhe taasaan murtida, kula tacaalaaye

Hadba erey la ii tebiyaybaan, dib u tilmaamaye

Hadba taar la ii soo diraan, dib u tixraacaaye

Bal tacliiq godkaygiyo midhaha, tafetiroo haadi

Baltijaabi gabaygaan is idhi, waabad tirisaaye

 

Tafiirteenu kumanbay martooy, Tirana dhaaftaaye

Tumashada hudheelay tagtaa, waanay tukataaye

Tarbiyada asluubbay helaan, mana tusmaystaane

Tixda gabay Hadraaway bartaan, mana tallaalmaane

Aqoon  iyo tacliintay fahmaan, way tirtirantaaye

Talqiintiyo duruustay dhigtaan, way kuba tahriibaan.

 

Dhabta taal dushoodiyo xaqaan, isu taxaabnayne

Xaqiiqada dul tuullani darsiga, way tarrarisaaye

Shaygaad tidhaahaan ka taga, waad ku tashaataane

Taladaad u sheegtaan markaba, waad ku tumaataane

Tiraabtiina falalkaa liddiya, toojo dhaqankiinne

Ubad waa hal-door kaad u tahay, kuna tusaalaysta

Tubta taad u jeexduu dhibtaba, kaga tallaabaaye

Xaqa laga tarxiiliyo dhallaan, kala takhraaraya

Tafajiidka maraduu xidhiyo, toobka Yurub yaala

Tiiraanyada haddii loo ged-dayo, taaha ubadkiina

Allaylehe hal-door way tebeen, tan iyo waqood

 

Afartaa intoon tiir u dhigay, gabay ma soo taagay

Ma ku tiixay meel aad is tidhi, maalmo lama taaban

Tobankaba da’daydooy gees, toddoba dhaaftay

Ma ku taray wuxuu tari lahaa, kiinna tiro joogay

 

Xadhko teedsan weeyo hidduhu, toosan abdikoode

Nin tix-raac yaqaanna bartiyo, taani ruux qudha e

Tahna maaha dhawrkii caqligu, haatan tu’i yaaye

Maantiyo timaaddiyo shalay, samanka taakaysan

Tartiibbuu idiin qorahayaa, mana taqannaane

Nin taariikh ku reebtuu hadhaw, taag u fidiyaaye

Tamashlaynta ruux aan u hurin, dhidid tiflaynaaya

Ama aan tilmaamaha hadhaw, haatan taxa-naynin

Tamartiisa muruq iyo nimaan, aayo talinaynin

Tahanbaab kol uunbuu lumaa, abid tasoobaaye

Timil iyo kol uunbuu faqdaa, godob la soo tuuray

 

Tolmoonidu mar waa hiddiyo, taran awoowyaade

Marna waa tawaan kaa bixiyo, tab iyo xeeshaaye

Marna waa tahdiid iyo car iyo, xeer ku taabaca ‘e

Marna waa takoor Eebbe iyo, togo Ilaaheede

Adigoon tawaakulin Rabbiga, tawakul xeerkiisa

 

Gadhweedeenku taabkuu hayiyo, amarka tuu gooyo

Talo xumo wanaaggaad tartaba, saw ma kala tuurto

Haddii aan tayaba loo deyayn, ruuxa lagu taamo

Ab-tirsiinta reerkuu galiyo, taajka laba caaqil

Waxba laguma taandhaysan karo,  tuug la soo diraye

Ka tabaabushaystaay qabiil, duunku wada tuurye

 

Afartaa intoon tiir u dhigay, gabay ma soo taagay

Ma ku tiixay meel aad is tidhi, maalmo lama taaban

Tobankaba da’daydooy gees, toddoba dhaaftay

Ma ku taray wuxuu tari lahaa, kiinna tiro joogay

 

Ninna maaha taam iyo dhammays, same taroowe

Mana jiro qof wada tuuris oon, erey tilmaamayne

Iyadooy sidaas tahay khalqigu, ways tirsanayaaye

Ninba taabo libintuu is dhaho, wuu tabcanayaaye

Wuxuu toosh u qaataa nin ragi, dhab u tacbiiraa

[wp_ad_camp_4]

Suugaantu beel uma taxniyo, reero tu’ yaaye

Odayaashu gaar uma tidcaan, meelna uma taale

Tawaabba hibada qaybiyoon, cidi tagaabayne

Waxyi maaha kagu soo tarmood, gooni tolaataye

Tobannaan qofbaan hoosba dayin, maanso tirinteedee

Dhiiranaantu waa taag la helo, tiilka dabadiiye

Tafa-xaydka ruuxii ku daya, jiifto kala taala

Tabantaabinbuu doonayaa iyo, hoga tusaalayne

Tacab iyo dhibbaa loo huraa, talo ku biirbiirin

Hayinkuba tilmaamaha marbuu, layli ku tusnaaye

Haddii aad tidhaahaan malaha, midho ku taataabta

Ama aad ku tiiqtiiqsataan, wuu tallamayaaye

Wuu tarsaasay goortaad tidhaa, waad tacaddiyaysaaye

Wuu turunturoodaa haddaad, tookha badisaane

Suugaanta togan buu karhaa, tix iyo geeraare

Berribaad tawaawaca go’daa ,dhaqan u tiihiise,

Wax qof taray hadduu ruux ka tiro, wuu is tebayaaye

Lama toocsho maankii fikira, tiigsi iyo hiigsi

Ku tixgeli dedaalkuu huriyo, tiilka dhafarkiisa

 

Afartaa intoon tiir u dhigay, gabay ma soo taagay

Ma ku tiixay meel aad is tidhi, maalmo lama taaban

Tobankaba da’dooy gees, toddoba dhaaftay

Ma ku taray wuxuu tari lahaa, kiinna tiro joogay

 

Dugsiyadu tukaamay noqdeen, layska tegayaaye

Tartankiyo anaa kaa badshiyo, toban anaa haysta

Sida ruux tamaandhada gaday, isugu tookhaane

Mana oga waxay tababaraan, waa tus ummadeede

Doolar kooda mooyee tu kale, waanay tirinayne

Kol haddaanay raad iyo ka tegin, dhiiri lagu taamo

Kol haddaanay fikirkii tirtirin,  haybtu talinaysay

Micne ma le waxaan tumi karaa, teeb la daabaco e

Micne ma le tiraab aad xifdiday, waad tigtigantuune

Qalinjabini tiirkii ma laha, loo tubnaan jiraye

Tirsi ma le shahaadadi hadday, tahay waraaquune

Ardayahow tayaa kaa maqane, talo ku raadraadi

Tusmo iyo jihaa kaa lunsane, taabac hammigaaga

Tacab iyo dhibbaad soo hurtaye, gaar u tirakoobo

Qaladkana tacliin iyo kasbaa, lagu tan-dhaafshaaye

Xaqiiqadu hadday taal riyana, way tol badisaaye

Iskutaara labadaas qorshaha, waysku tegayaane

Tisqaadkiisa shaygaan la garan, samir ku taageera

Isku toyda maan iyo garaad, garasho taakaysan

Is tilmaama goortaad luntaan, libini waa taase

 

Xayasiis