Ujeedkii Ka Danbeeyey Habeenka Jacaylka iyo Dareenka Jiilka

4
9158

Ujeedkii ka danbeeyay Habeenka Jacaylka iyo Dareenka Jiilka

Waxa aan muddo afar bilood ka hor ah bilaabay habeen suuugaaneed aan ula baxay Habeenka Jacaylka iyo Dareenka Jiilka. Waxa aan isku deyey inuu ka dawanaado bandhigyada lagu qabto dalka dhammaantood. Ka sakow suugaanta aan goobtaas ka marinayay, dhawr qodob iyo dhawr ujeed oo kale ayaan isleeyahay wuu kaga geddisanyahay;

  1. Badanka kolka barnaamij la qabanayo waxa muhiimadda la saaraa magaca qofka martida loo yahay. Kani se sidaas ma ahayn, hal boodh magacaygu kuma qornayn. Waxa aanu xoogga saarnay magaca ama hal ku dhigga barnaamijku inuu ka xoog bato magacayga. Taasi waxa ay sahlaysaa in beri ka maalin qof kale isticmaali karo isla barnaamijkan isaga oo ku soo bandhigaya suugaantiisa.

  1. Barnaamijkan guud ahaan xayasiintiisa, duubistiisa iyo qaabaynta gooobta lagu qabanayayba waxa ay siyayaabo badan uga duwanayd barnaamijyada kale ee dalka lagu qabto. Taasi waxa ay naga sii saacidday in uu noqdo kulan is wada arag ah oo loo heelanaado imaantinkiisa.
  2. Mid ka mid ah ujeedkayagu waxa uu ahaa in aanu isku xidhno, ama tusno in dhalintu ay  iyagu is hurranyihiin. Sidaaasi darteed , ciiwaanka iyo qaabka loo sii shaaciyay aawadeed, barnaamijkan waxa idil ahaantiiba aad moodday in uu khaas u ahaa dhalinyarta. Waxa aanu ku dedaalnay in iyagu ay ka dhex muuqdaan oo ay kaga yar nastaan madaddaaladii qalaad ee ay ka fiirsan jireen telefiishannada.

  1. Kulankan ama barnaamijkan kuma uu eegayn Hargeysa oo qudha, bal se intii itaalkayga ahayd waxa aanu gaadhsiinay magaalooyinkii kale ee aanu gaadhsiin karanay. Wax ka mid ahayd magaalooyinkaas Boorama, Burco iyo Berbera.

  1. Intii uu socday Barnaamijku waxa lagu soo daahfuray CD ama cajalad ay ku duubantahay  alban suugaan ihi. Waa markii ugu horaysay ee suugaan hal-abuur lagu soo duubo agabkaas CDga ah. Taasi waxa ay saamaxaysaa in si dhib yar loogu dhegaysan karo baabuurta, telefiishannada iyo kombuyuutarada.

Intaasi waa qodobadii aan is idhi waa la taaban karayay ee aan ka dhaaday kulankaas.  Ujeeddooyin badan oo kale waanu ka lahayn bal se nasiib daro may suuragalin. Wax badan oo waayo aragnimo ah waanu ka kororsannay,  Ilaahay mahadi ha ka gaadho e. Waxa jirta magaalooyin karaankayagu gaadhi kari waayay. Kuwaas laftarkooda haddii martiqaad munaasib ihi nooga yimaaddo in aanu ku soo qabanno ayaanu ku rejo weynnahay. Dhammaan waxa aan u mahadnaqayaa dhalinyaradii barnaamijka ila abaabushay, gaar ahaan Musawi Cabdalle oo laf dhabar u ahaa barnaamijkan. Waxa kale oon u mahadnaqayaa dhalintii tirade badnayd ee kolkasta soo buux dhaafinaysay hoolka lagu qabanayay barnaamijka iyo dhammaan ciddii af iyo addinba naga taageertay.

 

Guul iyo gobonimo

Yaxye Yeebaash

 

Xayasiis

4 COMMENTS

Comments are closed.