Waxaa is jeclaada dadka is nici kara!

2
6460
Roobka da’a dhibicda adiga kugu dhacda ayaa ka nasiib badan dhibcaha kale. Dhulka halka aad cagta saarto ayaa cawo le. Neecawda dhabata ee wejigaaga daarta ayaa ayaan le. Waxaad farxad u tahay tixahayga oo had iyo goor ku ammaana. Erey kasta oo aan kugu cabbiraa ereyada kale ayuu u hoodo sheegtaa. Habeenkasta waxa aan ka seexan kari waayaa ereyga “Dhabeel” oo u faanaya ereyga ‘Raaliya”.
 
Wakhtiga yar ee aad ila joogto inaan ku daawado iyo inaan kula hadlo ayaan isku hayaa. Aakhirka isha oon qancin iyo dibnaha oon si wacan u gaaxan ayaad iga dhaqaaqdaa. Dabeed dhaayahaa qabsada bishmaha iyagoo le “Maxaad wakhtiga nooga qaadaysay haddaanad hadli karayn waanu ka bogan lahayn araggeedee?”
Waxaan ogaaday in Af-soomaliga iyo afkastaa iga hiiliyay. Waayo lammaane kastaa waxa ay haystaan weedho metela dareenkooda. Anigu waan ka dhex waayay ereyadii aan dareenkayga saari lahaa. Waan ka waayay erey aan ahayn “Waan ku jecelehay” Ereygaas adeegsigiisa na kama helo. Waayo anigu kuma jecli. Waxaa is jeclaada dadka is nici kara!
 
Afkalaan samaystay kolkaa. Af kale oo le tamar uu ku qaado dareenkayga. Nasiib xumo se hadda na qeexdintii afka ayaa iga hiilisay. Waayo waxa la yidhi Af waa wixii ummad meel wada deggeni ay isku fahmi karaan. Kan aan samaytay na iskaddaa ummad e, adigaan ila fahmayn! Kuma lihi i guurso aniga. Kuma lihi ragga iga fariidsan iga so dhex xulo. Waxaan se ku leeyahay kaalay afkaas aan ku baro adna aad dadka aad sii bartide. Kaalay aynu afkaas ku darno afafka adduunka e.
Xayasiis

2 COMMENTS

  1. What a words!!!! Amazing…..
    Qormooyinkaaga iyo tixahaaga aad ayaan u xiiseeyaaa.
    Aad ayaana kuu salaamayaa.

Comments are closed.