Maalmuhu isniin iyo
Axad iyo salaasiyo
Arbiciyo mid weeyaan,
Iyagay isku uruuro
Hadba wiiga ugubiyo
Bilo aadmi sheegtiyo
Cimrigiyo awaashiyo
Qarniyada amaamuda.
Ayaamaha laftooduna
Afarqaadka mirirkiyo
Saacadaha idlaadiyo
Sikin kaa ordaayay
Abtirsiinta sheegtaan
Ha-yeeshee Ifraaxeey
Nin intaa is dhawraa
Aakhiro badbaadoo
Sida aad adduunyada
Uga eed baxdaabaa
Rabbi kuu ilaashaa
Wakhtiguna ayaantaad
Farxad ubax barwaaqada
Ku il-doogsanaysuu
Orod iyo xawaaraha
Kabti kugu ag dhaafa
Marka aad se urugiyo
Murugiyo assay iyo
Aramida guraysuu
Kolba aadyar luudaa
Ifku waa sir iyo caad
Intan aad arkaysana
Inta aad ilduuftee
Ishu dhaadi waydaa
Afar laab ka badanoo,
Uurkuna dareenkuu
Afka sheeg idhaahdaaa
Inta uu ka oodmee
Ereyada u waayaa
Kollay aad u badanoo
Aamusniduba waa hadal
La adeegsi bido goor
Hadal kuu istaadhmayn!
Anna saaka beerkaan
Muddo seexo idhibaa
Igu laba kacleeyoo
Markuu aamu diidaan
Tixda arar la sheegiyo
Maansada abuuraa,
Marka uurku ooyaa
Gabayguna ilmeeyaa
Sababbuu ilaahay
Muslin qira arkaantiyo
Kaaga dhigay Islaamoo
Sababbuu ilaahay
Soomaali awr-liyo
Kaaga dhashay abkaaso
Sababbuu ilaahay
Ruux iskii u nool iyo
Iinsaan kas diririyo
Karaamada qof aadmiya
Kaaga duway aboor iyo
Abeesiyo dugaagee,
Dadka oo iimaankiyo
Ashahaadda qirayaa
Marka ay kun iiniyo
Kuman eexa dhaartaan
Ibna aadan sheekiyo
Anigiyo anaan odhan
Ku illaabo garashada
Xaqqu waa alliyo nebi
Ka adkoow odhaahdood.
Marka gaal itaashado
Inta nool jidhkaagee
Agabkuu sameeyaa
Adigoo kobtaadiyo
Arabsiyo kolkaa degay
Waxa jira Almaaniya
Kugu eegmo geeyaan
Indhow-garaad layaabiyo
Argagaxa la saro kaco
Sirtu waa aqoontiyo
Alif iyo wax maalaha
Asalkay lahayd iyo
Dunjigay ku ahabtee,
Marka qolo asqawdaa
Usha qabato diintee
Qolo kale ayaan iyo
U awoodo sheegtaan
Qolo kale iftiin iyo
U astaamo sheegtaan
Inkiraadda qolo kale
Ku awaajji faafshaan
Ninba gaar si araggii
Aayadaha u kala guro,
Duco waa allow sahal
istiqfaartu waa diin
Iglan waa maraykane
Kolka ay israa’iil
Labadaba afkood tahay
Carabtiyo imaaraad
Inta laysu daba maro
Midba agab kasoo gado
Iiraanna lagu diro
Falasdiin la iibsado
Afrikaanna sheekiyo
Ictiraafka lagu sabo
Waa been nin aakee (A-K)
Kugu yidhi itaashee,
Jihaad waa af xilashada
Akhriskiyo qoraalkiyo
Qalinkiyo adeegsiga
Ururada qabiilkee
Loogu eexdo beeluhu,
Kolka gelin axsaab iyo
Qaran loo abaabulo,
Duqaydiyo islaamaha,
Ubadkiyo caruuraha,
Inta loo tollaay dhaho,
Anbabaxa daraddii
Ammin loo dedaal falo,
Kolka loo ansixiyee
Xilka loo agaasimo,
Iskaddaa cid kale oo
Abtigiis dharaartuu
Inyar oo caddaalada
Idilkeed ka laayahay,
Hays odhan is-biimee
Duul wada asqoobaa
Kaa awtay dhegehee
Ashtakada hasii badin
Aadna haw calaaclin
arligiyo dhulkaagana
oday kaa tegaayiyo
haw nicin afmiinshaar
abidkaa ha niyad jabin
mabda’aaga ku adkow
Axda iyo xanuunkiyo
Alwadkiyo baroortaa
Dadka qaar u iidoo,
Markaad Aah tidhaahdeed
Igaddaa dhawaaqday
Usha kula dhacaanoo
Looma ooyo ruuxaan
Ilmadaada dhabankiyo
U qalmaynin urugada
Amusniduba waa hadal Masha Allah Allah yasiidaka wll
Ashtakada hasii bdin aadna ha u calaacalin arligiyo dhulkagana oday kaa tagayiyo ha u nicin af miishaar mabda’aaga ku adkow yaa salaam allaha kuu ziyadiyo abwane
nnshaa allah wll waa mnso qaaliya
ayadaha ukala gura
ducadu waa allow sahal
istiqfaartu waa diin
mnzha allh abwaan yaxye abdi ali ( yebash) dhabkahadal
Waa maansada aan aadka uga helo wana qaysanahay idilkeed maansadan, dhawr maw duucna waan u adeegsaday runtii, jasaakalaah walaal, ♡
Uurkuna dareenku afka sheeg idhaahda, axlaaa hadal macaan iyo xikmadaysn
Comments are closed.