Maalmuhu isniin iyo

Axad iyo salaasiyo

Arbiciyo mid weeyaan,

Iyagay isku uruuro

Hadba wiiga ugubiyo

Bilo aadmi sheegtiyo

Cimrigiyo awaashiyo

Qarniyada amaamuda.

Ayaamaha laftooduna

Afarqaadka mirirkiyo

Saacadaha idlaadiyo

Sikin kaa ordaayay

Abtirsiinta sheegtaan

 

Ha-yeeshee Ifraaxeey

Nin intaa is dhawraa

Aakhiro badbaadoo

Sida aad adduunyada

Uga eed baxdaabaa

Rabbi kuu ilaashaa

 

Wakhtiguna ayaantaad

Farxad ubax barwaaqada

Ku il-doogsanaysuu

Orod iyo xawaaraha

Kabti kugu ag dhaafa

Marka aad se urugiyo

Murugiyo assay iyo

Aramida guraysuu

Kolba aadyar luudaa

 

Ifku waa sir iyo caad

Intan aad arkaysana

Inta aad ilduuftee

Ishu dhaadi waydaa

Afar laab ka badanoo,

Uurkuna dareenkuu

Afka sheeg idhaahdaaa

Inta uu ka oodmee

Ereyada u waayaa

Kollay aad u badanoo

Aamusniduba waa hadal

La adeegsi bido goor

Hadal kuu istaadhmayn!

 

Anna saaka beerkaan

Muddo seexo idhibaa

Igu laba kacleeyoo

Markuu aamu diidaan

Tixda arar la sheegiyo

Maansada abuuraa,

Marka uurku ooyaa

Gabayguna ilmeeyaa

 

Sababbuu ilaahay

Muslin qira arkaantiyo

Kaaga dhigay Islaamoo

 

Sababbuu ilaahay

Soomaali awr-liyo

Kaaga dhashay abkaaso

 

Sababbuu ilaahay

Ruux iskii u nool iyo

Iinsaan kas diririyo

Karaamada qof aadmiya

Kaaga duway aboor iyo

Abeesiyo dugaagee,

 

 

Dadka oo iimaankiyo

Ashahaadda qirayaa

Marka ay kun iiniyo

Kuman eexa dhaartaan

Ibna aadan sheekiyo

Anigiyo anaan odhan

Ku illaabo garashada

Xaqqu waa alliyo nebi

Ka adkoow odhaahdood.

 

Marka gaal itaashado

Inta nool jidhkaagee

Agabkuu sameeyaa

Adigoo kobtaadiyo

Arabsiyo kolkaa degay

Waxa jira Almaaniya

Kugu eegmo geeyaan

Indhow-garaad layaabiyo

Argagaxa la saro kaco

Sirtu waa aqoontiyo

Alif iyo wax maalaha

 

Asalkay lahayd iyo

Dunjigay ku ahabtee,

Marka qolo asqawdaa

Usha qabato diintee

Qolo kale ayaan iyo

U awoodo sheegtaan

Qolo kale iftiin iyo

U astaamo sheegtaan

Inkiraadda qolo kale

Ku awaajji faafshaan

Ninba gaar si araggii

Aayadaha u kala guro,

Duco waa allow sahal

istiqfaartu waa diin

 

Iglan waa maraykane

Kolka ay israa’iil

Labadaba afkood tahay

Carabtiyo imaaraad

Inta laysu daba maro

Midba agab kasoo gado

Iiraanna lagu diro

Falasdiin la iibsado

Afrikaanna sheekiyo

Ictiraafka lagu sabo

Waa been nin aakee (A-K)

Kugu yidhi itaashee,

Jihaad waa af xilashada

Akhriskiyo qoraalkiyo

Qalinkiyo adeegsiga

 

Ururada qabiilkee

Loogu eexdo beeluhu,

Kolka gelin axsaab iyo

Qaran loo abaabulo,

Duqaydiyo islaamaha,

Ubadkiyo caruuraha,

Inta loo tollaay dhaho,

Anbabaxa daraddii

Ammin loo dedaal falo,

Kolka loo ansixiyee

Xilka loo agaasimo,

Iskaddaa cid kale oo

Abtigiis dharaartuu

Inyar oo caddaalada

Idilkeed ka laayahay,

Hays odhan is-biimee

 

Duul wada asqoobaa

Kaa awtay dhegehee

Ashtakada hasii badin

Aadna haw calaaclin

arligiyo dhulkaagana

oday kaa tegaayiyo

haw nicin afmiinshaar

abidkaa ha niyad jabin

mabda’aaga ku adkow

 

Axda iyo xanuunkiyo

Alwadkiyo baroortaa

Dadka qaar u iidoo,

Markaad Aah tidhaahdeed

Igaddaa dhawaaqday

Usha kula dhacaanoo

Looma ooyo ruuxaan

Ilmadaada dhabankiyo

U qalmaynin urugada

 

Xayasiis

6 COMMENTS

  1. Ashtakada hasii bdin aadna ha u calaacalin arligiyo dhulkagana oday kaa tagayiyo ha u nicin af miishaar mabda’aaga ku adkow yaa salaam allaha kuu ziyadiyo abwane

  2. ayadaha ukala gura
    ducadu waa allow sahal
    istiqfaartu waa diin
    mnzha allh abwaan yaxye abdi ali ( yebash) dhabkahadal

  3. Waa maansada aan aadka uga helo wana qaysanahay idilkeed maansadan, dhawr maw duucna waan u adeegsaday runtii, jasaakalaah walaal, ♡

Comments are closed.