Rabboow waxaan ahay ddoon

Islaam muslinoo xamdiya

Arkaantiyo tiirarkiyo

Qiroo ashahaadda falay

Rasuul malag aakhiriyo

Janniyo aaminay cadaab

Ku caabuday keli ahaan

Cid iyo soo marin abbaan

Ammaanaan kuu sidaa

Ayaankaygiyo hadhaw

Umuurana waan rabaa

Xabaalana waan arkaa

Wed iyo iil waan hubaa

Dharaara jashaydu bixi

Kob iyo arligaan ku gu’i

Rabboow ma aqaan middaas

 

Rabboow waxaan ahay addoon

Dhoobiyo laga uuumay ciid

Makhluuq eexliyo addoon

Iinsaan ceebliyo addoon

Addoon kugu yidhi “ilaah

Kalbaan ahay eedo sudhan

Qofbaan ahay iimo badan

ilawshuhu way astaan

ilduufkuna way aqoon

ibbaa igu taal waswaas

ka ulo damacayga falan,

Haddaanad ahayn Qafuur

Raxmaan danbi dhaaf isiin

Abuur baan noqon addoon

Khasaariyo eeday naar

 

Qiyaamuhu Waa ayaan

Dharaar ashtaakoyin badan

Nimciyo ikhtiyaaro gudhan

Awlaaddana aan la tirin

Anfaacina aan la tebin.

 

Hadduu kun lahaa adduun

Markuu eber taaganyahay

Dharaar arrad baahsanyahay,

Kulayl qorrax oomanbaa

Rabboow na idlaynaysee

Carshiga toddobada addoon

Hadhkiyo idinkaaga hela

Na keen Rabbiyoow agtood

 

 

Rabbow jannadaada udug

Indhaan sawirkeeda hayn

Dhegaan maqalkeed ekayn

Afkaarbaan lagu cabbirin

Waxaa ku dhex nool anbiyo

Udgoonoow nebi Maxamed

Caliyo Abubakar Siddiiq

Ansaartii madiina iyo

Asxaabtii baan rabaa

Inaan la jiroon arkee

Adaa karayee Rabboow

Abaajahal hay dhawayn

 

Af iyo carab iyo qoraal

Tixdiyo arartaan ka dhaho

Hadday tahay same adeeg

Adaan rajo kaaqabaa

Fadliyo ajar kaa filaa

Amaan iyo baan I hoda

Adduun iyo maalka gudha

cid kale kama sugo amaah

 

Qofkii ooyaan dartaa

Kulayl olol iyo cadaab
Jaxiima il-saarahayn,
Rabbow iga keen ilmada
Idaajaa iyo Wattiin
Kolkaan Araxmaan akhriyo

Rabbow iga keen ilmada

Kolkaan eegmada dhulkiyo

Abuurtiyo dheehdo buur

Cir iyo uunkaagan dedan

 

Eeboow labadii I bilay

Aabiyo hooyadii I dhalay

Siday anba ii korsheen

Rabbow adna iigu dhawr

Dharaar weeyaan ifkuye

Jaliil  ha I oofsanuun

Anoon weli gudin abaal

Axsaantay ii faleen.

 

Haddaan anbadoon mugdiga

Ku lumo oogli’ habeen

Rabboow ii daar ilays

Iftiin iyo nuur cilmiya

 

Haddaan dhaldhalaal adduun

Ugbaad iyo moodo abid

Ormada sheydaanku wado

Qaraabiyo moodo ehel

Ogaan ma ehee Rabboow

Albaabka hanuunku jiro

Abbaar igu soo hadee

Falkayga ikhlaas ku deyr

Caqiidiyo diin ku ood

Asluub iyo dhaqan ku beer,

Rabboow iga dhawr iblays

Ishiyo ruux yu’asho kulul.

 

Xayasiis

10 COMMENTS

  1. Raboow ducadiisa maqal
    Il iyo cawrina ka dhowr
    Adaan kuu beryee Raxmaan
    Rasuulka jaar uga dhigoow
    Allow jahannaba ha gayn.

    Aamiin

  2. aamin aamin aamin ilaahay ducadaa ha kaa aqbalo Cilmiga Caafimaadka Caqliga iyo Cimrigana alle ha kuu siyaadiyo

  3. Allaha aqbalo inshlh aad ban u jecelahy gabayadaada yaxye inkasto anan qaarkod horay ka fahmin 3 ama 4 markan aqriyo ama dhagesto ayan fahma mashlh allow kuu ziyaadi

  4. rabow kii galad daada gala
    guhaad ciil iyo cadaab
    rabow jahanmo maglo
    gasiin anfacuu cuno
    gacal iyo xigta jcl
    rabow marna ma waaya ye
    rabow gargaar aduun
    adoonkan tixtiyo
    oraaah tii qurxon
    tartiib ku nazahay
    rabow sugaalki aaqirana
    xural cayn tii janaad
    rabow gacliki ka yeel

  5. Masha allaah masha allaah
    Yaxye zxp walaahi xaqiiqatan aad baan uga helaa gabayadaada
    Alle hakuuu siii siyaadiyo
    Abwaan jira allow ku daaaaa

Comments are closed.