Balwaddayda!!!!

2
8894

Balwaddayda

Ereyga bawlad walaw aynu qaadka iyo sigaarka u adeegsanno, haddana micnaha rasmiga ah ee uu leeyahay waa waxkasta oo aad la qabatinto. Waxaasi wuu samaan karaa waanu xumaan karaa.  Mid ka mida balwadaha san ee aan leeyahay waxa ka mida safarka iyo dalxiiska.

Waxa aan aad u jeclahay inaan dhul cusub iyo dad cusub la kulmo. Ma ilaabo kolka aan magaalo kale imaaddo, dabadeed aan sakadeheeda iyo luuqyadeeda garan waayo, dabadeed la ii sharaxo “Halkani waa sidaa, halkaasi na waa sidaa!”

 

 

<script async src=”//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js”></script>
<ins class=”adsbygoogle”
style=”display:block; text-align:center;”
data-ad-layout=”in-article”
data-ad-format=”fluid”
data-ad-client=”ca-pub-5941842558311965″
data-ad-slot=”8920440654″></ins>
<script>
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
</script>

Socodka iyo safarku waa balwad aan la qabatimay. Wakhti yar oo firaaqo ah haddaan helo, shandaddayda ayaan diyaarsadaa gaadhi na waan ku boodaa. Meesha aan  tegayaa badanka iima kala soocna, se muhiimmaddu waa in ay ahaataa meel aanan hore u arag ama aanan hore u tegin. Dalxiiska dhulkaaga ama waddankaagu isagu wuu ka geddisanyahay, waxaaanan u aqaanna faral.

 

Walaw aan u da’yarahay inaan dhul badan maro, haddana ilaa hadda goobaha ugu quruxda san ee aan u dalxiis tagay waxa ka mid ahayd jasiiradda Sacaadadiiin, Gacan libaax iyo Ceerigaabo. Haddii aad awooddo ha dhayashan in aad magaalooyin kale u dalxiis tag. Waxa aad arki adiga oo dhiigga dal jacaylku kuu siyaaday. Waxa aad arki adiga oo niyad jabsanaa oo haddana faraxsan. Waxa aad arki adiga oo dardar cusub la yimi kolka aad ku so noqoto magaaladii aad degganayd. Waxa aad arki adiga oo bisha ku xigta oo dhan si farxad le ku shaqeeya ama wax ku barta.

 

Guul iyo gobonimo

Yaxye Yeebaash

 

Xayasiis

2 COMMENTS

  1. Masha allah dhulka hooyo oo aad barataa waxay dhalisaaa jaceyl iyo xiiso bdn oo kuu qabto dhulkaagaa

Comments are closed.