(12/12/2013)

Dhanqalnaanta uurkaaga qaday, dhan u higgoodkaaga

Dhafandhaaf ujeeddada la gabay, kala dhantaalnaanta

Is xaq-dhawrka noloshaan ku dhafay, iinta dhagaraysay

Fahan dhoofay maagguu dalbaday, dheygag ku hilaabtay

Ku dhawaaqa erey aan damqaday, aahda dhinacayga

Badhkaliyo in aad dhaaftaayoo, dhiiri kugu diiday

Murugada sidii dhebi baxdee, qaylo dhuguc saydhay

Dhul shishaan ka maansoonayaa, dhaawac kugu yaale

Hanti kale ma dhaabtoon ahayn, tuducyo dhiibsoone

Judha aan dhigaabay qalbiga, dhiifi ba’aysaaye

Dawo kale ma dheegtoon ahayn, gabay dhextaalkiise

Malahayga dhudiyeey is idhi, way ku dhuganuune

Mar dhegayso adigay dibnuhu, kuu dhololoyaane

 

Wakhtigiyo ayaamaha dhidbani, way dhib badanyiine

Dheef iyo wanaag iyo kolkale, way dux dhilanyiine

Kolalbaad galiilyada dhahdaa, “yaa ku dhalan doorsha”

Kolkalena dhexdeedaad tidhaa, “yaa ha dhiman sheega”

Imtixaanka Rabbibaa dul dhigay, duunyo dhammideede

Barashada intay ruux dheg wacan, kuugu dhakab siiso

Qalbigaaga goortuu ku dhego, ama se dhuuxaaga

Kolka uu u dhaadhaco boggiyo, dhuunta iyo laabta

ayuunbay dharaar aanad filan, kaa dhufsanaysaa !!!

 

Haddii dumarku dhawr kala yihiin, dhoocil iyo gaari

Dheddigaad u tahay raaliyiyo, dumar dhabeeshoode

Dheehaagu Soomaalibuu, dheegga ku hayaaye

Xishood hooyo kugu soo dhaqdaad, dhab u falaysaaye

Dhudhunbaad haween dheertihiyo, badh iyo dhiidhiiye

Dhaqankaagu diinbuu wataa, garasho dhaadheere

Asurtnaantu Waa ku dhar iyo, sededka dhiibsoone

Dhaashigaagu Waa daacad iyo, dhaxalka diimeede

Hadalkaaga ruuxii dhugtaa, wuu la dhacayaaye

Nin dhiggaaga cayn kula ahoo, dheegsan baad heliye

Rejadaadu yey u dhiman, taydan dhega beeshay

 

Qof dhammaysi duunyada ma jiro, dhaadmo badaneeye
Qofba dhinac madawbuu sitaa, gudcur dharaartiise
Aniguna dhiggaasaan ahoo, Waa kal dhimanuune
Qirashaan astaan dheerihiyo, huuno iga dhaafe
Raalidayda dhiilkaan is idhi, dhaaxa ugu buuxi
Kol haddii abaalkaan dhanbalay, saaka dhidar qaatay
Kol haddii dhawaaqaan idhaa, boogo dhalinaayo

Kol haddaan dhanaan kuu noqdiyo, ruuxa ku dhilan waayay

Aamuskaan dhaqaaqiyo shibtaan, talo ku dheegdheegay
Dheelmashadu waxay iga ahayd, dhawro Bilantaaye
Dhacdhacayguu beerkuu galiyo, ii dhay qalbigaaga

 

Haddii dhabanka ilmadii badnayd, iimo dhaxalsiisay,

wadnahaygu dhagax maaha iyo, walax dhaadhaabeede

Dhakafaarka waan kula qabaa, dhabana hayskaase

Dhifdhifbaan haweenkaba dugsaday, naadir iyo dhawre

Dhinacayga geestaad jirtay, dhaxantu haysaaye

La jooggaagu hadduu dhaami karo, waan is dhigan laaye

Dhengeddaa xanuunkeed ba’daa, saacad dhererkeedee

Saw weli dhawaaqaad I tidhi, dhuuxa kama taahos

 

Dhado maaha wacadkaan galiyo, dhaartu idileeye

Dhigaalkaygu Waa kuu tixraac, maalin dhacameede

Haddi guri dhismaha loo ayyido, dhaabbad iyo seeska

Ma ogtahay dabaylaha dhacaa, dhayal ma xaaqaane

Runtu Waa dhex roorkii cishqiga, udub dhexaadkiiye

Dhalanteed haddii loo yabyabo, male la dhoobdhoobay

Sida dhayda caanaha haddaan, waarig lagu dheehin

Dhalo iyo waxay soo baxdaa, shay dhash kaa odhane

Inta aanay beladaasi dhicin, yaan dardaar dhahaye

Hayga dhigin sidii ruux ku nacay, waan dhibsanayaaye

 

 

Xayasiis

2 COMMENTS

Comments are closed.