Heestaydaay laguma qaado

miisiga laxan laguma saaro

lab iyo dhadig kuguma jaaso

iblays hadba kuguma laabo

lurkiyo danbigiyo dhibtiisa

lilaahada kuguma seejo

heestaydaay laguma yeesho

ma lehe abid kuma lahaado

nin lumay adi kuguma faylo

fanaan libin kaama eegto

hantida lacag kuguma doono

laafyaha adi kuguma faano

intuu xaqa danbi ku laaqo

ka laaco waxaan u jeeday

anooy geeridu I laabtay

anoo luxud iil ka yaala

sharkiyo libin-laab falkeeda

lahaanshaha erey abwaanka

hadhaw ani layma sheego

hadhaw qoomamo ma leedo

hadhaw lahashada ma eedo

 

dareen labxadiyo kashayda

dareen dhuuxiyo laftayda

ku laaban hankayga maanka

murtida ku lamaan xiskayga

markaan laba laba u sheego

sdii leeb ganay jidhkayga

lasoo go’a jiidhka uurka

nimaan garanayn lurkeedu

shucuur garanayn ladhkeedu

nimaanba fahmayn lafteedu

luuqiyo dhayal kuguma qaado

 

laxawsiga maanka qaawan

laamida garandaha mirqaansan

Meelaha laqwigiyo danbaabka

meelaha lulustiyo mirqaanka

meelaha laabtiyo isaarta

meelaha laantiyo caqaarta

meelaha sharku laba labeeyo

meelaha baadhiga layaabo

xafiisyada luuq iblayska

intooy laba kugu ciyaarto

heesteydaay laguma qaado

 

ladnaantiyo caafimaadka

nabadda leexadiyo raynta

lugaha xubnahani dhamayska

liskiyo ereyada kaskayga

lisaan carrabkiyo afkayga

hibada eebahay ku laalay

waxbuu uga gole lahaaye

intoon dadka faro liibaanta

lifaaqa ilaah ayaadka

ku laasima dhaho xadiiska

haddana liddi kuma ahaado

 

xuduudda nin liidka eebbe

ka loofaray amar la siiyay

laggeeda si uu adduunyo

u shaac baxo una ladnaado

amaba laan sare u fuulo

lac yidhi dabadeed ku seexday

ma lado hurdaada ma tooso

heestaydaay laguma qaado

 

lingaxa ereygiyo tixdaydan

haddaad sii daba lugayso

ma leefin addoon ahaansho

ma laadin abwaan xiskiisa

manaan liqin garashadiisa

liciif kama dhigin afkayga

ma badin loollida soomali

manaan kala lulin hankooda

kaskuna loox maaha taagan

wuxuunbaan ka laaban waayay

lulada hurdo igu illawday

si uu dadku kuugu laalmo

u loog diintaada suubban

 

 

 

 

Xayasiis

5 COMMENTS

  1. walal yahye ilaahey hakaa raali noqdo waxaan kugu amanayaa sidaad wanaaga uun ugu hadasho
    dhalinta somaliyeed dhamaan iney waxku qaatan iyo abwanada ayan filayaa

  2. mansha allah masha allah ilaahhii swt ku garansiyey aya mahad leh inaad nimcada eebe ku siyey ilen sugantu wa nimcoyinka mid ka mida inaad dhinaca fican u adegsato runti inankan yar iyo wedhihiisu aadbay ukala weynyihin masha allah alle ha kaa raali noqdo akhiro iyo adunyaba

Comments are closed.