In Aad Qof Nacdo Ayaa Ka Fudud In Aad Qof Jeclaato

4
4670

In aad qof nacdo oo aad xumaan ku xukunto ayaa ka fadud in aad qofkaa jeclaato una riyaaqdo. Qofka aad jeclaatay in aad haysato oo aad daryeeshaa iyadu na waxa ay ka dhib badantahay in aad qunyar wax iska jeclaato. Intan in aad akhrido oo aad igu raacdo waxa ka mihiimsan oo ka adag in aad fuliso oo aad noloshaada ku dabbaqd

Sidan waxa i baray dharaaraha iyo cimriga kooban ee aan noolaa. Dadyow badan oo wanaagsanaa ayaan qunyar xukumay oo aan ka dhaqaajiya. Gadaal ayaan ka ogaaday in naftu dhibsanaysay jacaylkooda iyo ka war hayntooda. Dadyow badan oo wanaagsanaa ayaan jeclaaday se daryeelkooda iyo xidhiidhintooda naftu ka gaabisay sidaa na kaga baxay noloshayda.

Ma ogid ma na arkaysid in aad maal gelinayso naftaada marka aad qof la jaalayso. Ma dhaaddanid go’aannada yaryar ee aad la qaadanayso ama ay kaa hor joogsanayaan in aad qaadato. Waa se maxsuul shakhsiyaddaadu haddii aad ogsoontahay. Waa maxsuulka iyo celceliska shanta qof ee aad la qaadato wakhtiga ugu badan.

Hawada, nafta iyo shaydaanka oo ay diintu inoo sheegtay ba si bay isu shabbahaan. Mararkanoo kale waa marka ay tahay in aad ogaato waxa dhibka lihi in uu yahay waxa dheefta le. Badanka na xeerarka iyo sunnaha nolosha ayaa sidaa ah. Markasta oo fal aad ku dhaqaaqayso is weydii ma dhabbadii fududayd ayaad maraysaa? Ma tii abaal marinteedu degdegga ahayd ayaad jidkeedii haysaa? Maxaa tii kale kaa soo weeciyay? Labada ma is barbar dhigtay midka raandhiis badan?

Su’aalahani kuma laha dariiqa adag markasta mar. Se haddii ay ta fududi cidhib xuntahay fudayd ha ku dooranin. Haddii ay ta adagi ka mustaqbal wacantahay na adayg ha ku nicin. Go’aan qaadashadaadu ha noqoto mid caqligu miisaamayo. Haddaan caqli wax miisaama inagu jirin aniga iyo adigu ismaynaan af garanneen.

 

Xayasiis

4 COMMENTS

  1. Erayo kooban iyo farshaxan cajiib ah. Hadii aanu xigmad ka dhex tuujino nolol maalmeedkeena waxaa soo baxaya wax quruxsan

  2. Masha allah good point weeye kala doorashada inaad waddada adag umarto iyo ina ta kula fudud u marto kaliya waxa weeye qofna hawada nicin qofna hawada heclaan

Comments are closed.