Indhahaagu (Hees)

0
2584

Indhahaaagu waa weel

Waa wabi kalgacaloo

Waabayda caashaqu

Ruuxay wax yeeshaa

Looga weyso qaadaa

 

Indhahaagu waa wiig

Wakhti iyo dharaaroo

Labadii is waayee

Tabasahda wareeraad

Isu soo waddaayood

Axdaha wax siisaa

 

Indhahaagu waa way

Wadhi iyo colaadoo

Caqli waalan gaadhiyo

Rabitaan wanjalanbaa

Isku weeraraayoo

Wabtu waa is haysiga.

 


Indhahaagu walaw ay

Wejigaaga yaalliin

Waxaan moodi jiray abid

Inay waax boggaagiyo

Wadnahaaga sheegtaan

 

Indhahaagu waa weedh

Wiglo weeye baanloo

Rabbigeenna weyn iyo

Waduudbaa abwaanka ah

 

Indhahaagu waraceey0

WAreeggeey kor eegaan

Cadceedday wacaanoo

Waqalkiyo dagaarbaa

Midba weyrax sheegtaa

Waar anay I eegtiyo

Anaa laygu wayday taas.

 

Indhahaagu waa wadhaf

Iyo waran cid lagu gano,

weli ruux aad eegtoo

Wed haleeli gaadhoo

Weer qaadan waayaa

Laga waayay dunidoo

Maad waaban hogashee

Dhagarbaanad wacaneey

Wahankeeda doonayn.

 


Indhahaagu waab iyo

Waaceeno doogliyo

Waa waadi beerloo

Waaheen ku yaalloo

Waraabkoodu eegmiyo

Waa jalleeco waafiya

 

Indhahaagu weheshiga

Waa waraaq qoraalloo

Wadcigaad ku sugantiyo

Werwerkiyo dhibtaadaa

Laga waayo dheehdaa

 

Indhahaagu waaqood

Widhwidhkiyo dhalaalkay

Sidaa waa baryaanoo

Ruuxii kol waayaa

Gudcurada wanjaaciya

 

Indhahaagu waanada

Waa wadaad af-dheeroo

Qof samaan ka weecdoo

Waalid caasiyaayay

Waaxidkii abuuriyo

Wacdi doora siiyaan.

 

Indhaahaagu wiilkay

Ka wadaan dareenkoo

Gude walalacdoodiyo

Weynaantu hilawbay

Wanqashaa astaanoo,

Wejigiyo dibnaha iyo

Camankay wareegtada

U diraan war faraxlooy

Abdidkood wakiishaan

 

 

Caro edeg wax yaalliyo

Indhahaagu waa wadan

Shacab iyo wasiiro le,

Xigto iyo walaallo le

Wadartoodu waa boqol

 


 

Xayasiis