Quman

Qofyey hammigaagu dhigan
Qalbiyo uurkaagu xalan
Hankaagu quruun ku filan
Qorshiyo falalkaagu ladhan
Ereyga qawlkaa maldahan
Murtiyo qiilkaagu hufan
Qasdiyo hadafkaagu shaxan
Xaqiiqda runtaa qayaxan

Dushana quruxdaadu shidan
Timaha dhabarkaaga quban
Xijaab qariyaa ku xidhan
Garbaha qoortaadan sudhan
Allaha qumiyaa xamdiyan

Xishoodka adaa qafilan
Haddana qalanjooy furfuran
Adaa qarykaa ka xulan
Hubaal qiimena ka badan

Habboon idileey qorqoran
Allaylehe qaab dhildhilan
Raggii awgaa qalqalan
Qushiye weli kuu jajaban
Yarkii ku maqlaa qayiran
Ninkii ku arkaa qaldhaban
Qofkii ku tebaa ka daran

Qushuucaye heedhe Bilan
Qureysh dhabankaaga godan
Malaha qosolkaagan wacan
Qisaan ka helee kor-dhalan
Waxbaa ku qarsoon la garan

Qab iyo kibir kaa aradan
Qawlkii xumi kaa tirtiran
Qushiyo mukurbaanad baran
Kashaada xadiis ku qoran
Quraan fadhiyaa ku shuban

Adaan qarqarsiiyo baran
Dadkana qaybtooda falan
Quudhsiga adigoon xaqiran
Adaan qaxarkooda guran

Qiyaastoodaa xaddidan
Lab kuu qalmayoo kal ulan
Mid qaad cunayoo bahdilan
Mid qiiq shidayaan ku hanan

Riyaaq farxadyey qobtolan
Anoon wacadkeenna qalan
Sidii nacas baal ka qoyan
Sannado garabkaa qottoman
Haddaan qiro uurka dedan
Dareen qasayoo ku maran
Maxaan qalday ee ku jaban?

Qudhyahay dabci ku yabyaban
Adaan danbi qiil u dayan
Mabda’a qodobkaaga dhilan
Qadhaadhka macaan ka dhigan
Khayaalkana qoys ku dhisan

Qiyaasta adaan xukuman
Rag iyo qaabkooda duwan
Xan iyo qudhunkeeda hilan
Adaan carabkaagu qoran

Adaan asturnaanta qalan
Mudh iyo qaawanida jaman
Adoon xaragada qasdiyan
Sankiyo dhabanada qorqoran
Sidii qorax guudka sudhan
Adaa qummaneey shacniyan

Qaraarkaaga mar go’an
Hankaaga quus ka faxan
Qanaacada uurka tuban
Kalsoonidan qarashka wadan
Ma jiro qof arkoon laqiman

Waayaha qaxayaan rogrogan
Tubtaad qaaddoon beddelan
kas iyo qofnimaanad gadan
Haynbaan xiska kaa qalliban
Kashaada samaanta qoyan
Facaa ka qadyoo qalallan
Waxaad tahay haybad qaran
Naf qaayibaysaa lac odhan

Markay talo tahay mid qasan
La qayliyo muranka taxan
Adoon qabqabtaas la iman
Adaa qunyar iyo si togan
Qaada dhiga qodobka saxan

Aqoon qasdiloo tarraxan
Qaamuusbaaa kuu rakiban
Qaayaha waxa taas faddilan
Kuu dheer garashada qaddaran

Astaamahan qun u sharaxan
Ee aan qodqodee dhigdhigan
Ma qeexi karaan dul-badan
Gob iyo qaryaddaadan bilan

Haweennimo qaab u dhalan
Quruuruxa gura fejigan
Samaantana qaas u faran
Qaldama qaladkeed turjuman
Ma qaybsama maan qoraxan
Ma qaadha qudheed u diran
Anoon wacadkeena qalan
Sidii nacas baa ka qoyan
Sannado garabkaa qotoman
Hadaan qiro uurka dedan
Dareen qasayoo ku maran
Maxaan qalday ee ku jaban

Xayasiis