Suugaan Mayd Ah!

8
3068

Suugaan mayd ah!

Mooji sababta ee suugaanta ay sameeyaan hal-abuurkan danbe, een ka midka ahay, dhamaantayo waxaad moodda in aanay noolayn tixahayagu. Hadda godku waa sax oo laaxin ma jiro, hadda xaraf raax way leedahay oo hadal ma aha, hadda mawduuca ay ka hadlayso waa la fahmayaa, haddana mooji si bay mayd u tahay. Qofku marka uu dhinto wuu qabooba dhaqdhaqaaqa na wuu gabaa, se xubnihii jidhkiisu way u idilyihiin. Sidaas oo kale ayay suugaanteennii noqotay, xeerarkii maanso way raacaysaa laakiin se ma noola oo way dhaqdhaqaaq gabtay.

Waxa aan is weydiiyay sababta ay tani u dhacday dhawr jeer. Siyaasigu marka uu waddaniyad ka hadlayo iyo hal-abuurku marka uu waddaniyad ka hadlayo waa in ay kala duwaanataa, waa in ay kala xiiso badnaata ama kala saamayn badnaataa. Waxa aad arkaysaa iyadoo ereyadii siyaasiga korka laga hayo oo ay qalbiyadii gilgileen, halka beydadkii suugaanta ahaa na la odhanayo uun “Hebelbaa ka gabyay meesha.” Show sababtu wax kale ba ma aha e, hadalkii caadiga ahaa ayuunbaa imika xaraf raac iyo god loo yeelaa!

Waxa aad arkaysaa hal-abuurka danbe oo isagu ku faanaya “Ala, anigu xarafka Ya’ ayaan ka tiriyay tix weliba gabay ah.” Wuu kuu akhriyayaa oo mise waa siduu sheegayay oo waa gabay sax ah oo xarafka Ya’ ku socda. Se halka beladu ka dhacday waxa weeyaan, tixdiisu dareen ma laha. Mawduucan uu ka hadlayo ahmiyaddiisa waxa ilawsiisay intuu ku mashquulsanaa xarafka iyo soohdinta. Dareenkii mawduucani qalbigiisa ku lahaa waxa hilmaansiiyay siduu maskaxdiisa uga baadhayay ereyo culus. Show tixda ba qalbiga kamuu marine maskaxda ayuu ka soo raadshay. Tixda na haddii aan dareen qalbiga ka yimaaddaa burqanin waa iska ereyo xaraf-raac le.

Markii aan dugsiga sare dhigan jiray imtixaanada afka waxa halka danbe ku jiri jiray curis ka qor mawduuc aad rabto. Dabadeed ardaydu waxa ay jeclayd inay ka hadasho Qaadka, Waxbarashada iyo mawduucyada ay wax badan ka qori karaan. Dabadeed odhaahyo ay meelahaas ka dhegadhegayeen ayay ku qori jireen. Sida faa’ido darooyinka qaadka iyo waxyaabo caynkaas ah oo doqoni garatay ah. Bog ama laba bog ayay gaadhsiin jireen. Waa qoraal badan oo fiican se dareen ma leh, waa meyd. Dugsiyadeenna waxa fiican in ardayga lagu dhaho mawduuc aad jeceshahay in aad ka hadasho wax ka qor si uu u barto tabta dareenkiisa loo cabbiro. Curis aad dareenkaaga ka qortay iyo curis aad u qortay buundo fiican aad ku heshid marna ba isku mid ma noqonayaan, isku saamaynna ma noqonayaan.

Hal-abuurka aan ku jiro ee suugaantoodu iska daalaa dhacayso waxa aan kula talin lahaa in aanay dareenka suugaanta badhxin. Marka jacayl laga hadlayo ayuunbaa dareenka aad loo cabbiraaye, aynu baranno sida aynu dhammi suugaanteenna daren ugu ladhi lahayn. Haa, xaraf qurux badan haddaad qaadato iyo god naadira waxay muujinaysaa cabqarinimo, bal se marna gaadhi maysid afarey yar oo dareen lagu curiyay. Iyadaa kaa sal balaadhanaysaa oo kaa saameyn badnaanaysa. Bal adigu soo tiri tixaha aad jeceshahay ee hal-abuurka kale curiyay, dhamaantood waa kuwa ku taabanaya ee ma aha kuwa xaraf raacoodu ku cajabiyay.

Xayasiis

8 COMMENTS

  1. Masha Allah Abwaan´e aad ayaaan u mahad san tahay sida Xikmada leh ee aad ugu hadashid Arimaha Muhiimada leh. Een anigu waan kula qabaa Fikradaas ah in ay waqtigaan Suugaanta dhalintu curiyaan aynan dhadhan laheen. Waxaana sabab u ah ayaan anigu is leeyahay Tusaale ahaan Dhalintu badi waxay ku dhasheen Balad ama Magaalo ma tagin Miyi ama Baadiyo mana yaqaano Afsomaligii waa weena oo waxay ku hadlaan afka laga hadlo magaalada ay ku dhasheen oo waxaaba dhici karta in uusan waligood tagin ama uusan aqoon magaalooyika kale waxa looga hadlo marka sidaas ayay ugu adkaaneysa in uu Hal-abuukan da´da yar uu helo Erayo ku filan oo ka caawiyan kara Dareenkiisa. Markaad eegto suugaanta hore waxaad Arkaysa in hees dhan ama Gabay Lagaga Hadlaayo Jaceyl oo aadan ku arkeenin Erayga JACEYL oo la adeegsanaayo Erayayo kale oo la micna ah. Lkn maantana Heesaha qaar 5 jeer iyo kabandan ayaad ku arke isla hal Eray oo ku soo noqnoqdqa.

  2. masha allah abwaan run ahaantii xaqiiqdaaad kahadasheee garashadaad gartay kuwa sugaantaa kudhelayaaa rabi hagaradsiiyo wllo thanks

  3. Adigoo bartii lagu yunkiyo jooga Yumaraysa
    Ya’ada xarafka ereyadu yaryiin yoolka ku hagaaji
    Yagleeloo afkeenana u curi ereyo (yoorkeeya) Modell
    Waxba haygu yowlayne yaxyoow iiga yara caawi
    Hoos iigu yara sheeg dhagtoo yoomka iga jeedi kkkkkk

  4. Yaxye walaal waxaad tahay mid ka mida hal abuuryada aan maanta somaliland ahaan ku faano koley anigu qof ayaan ahay afkaarna waan leyahay ma aamunsani yahye yeebaash
    Suugaano madhax ah oo erey ka raaca ah ujeedkiisu ayuu tiriyaa bal se waanku faana waana soo hal qabsanaa waxaan filayaa inaanu dunidu dhameys ahayn ayse jiri karto some how waase guul hadii aad khaladaadkiina idinka dhici kara aad garanaysid adigu waxaanse ku faraxanahay qiraalada aad nala wadaagto waxaanse rajeynayaa inaad guul noloshada ku dhameysato cabirida dareenka bulshadana aad ayaad uvu horeysaa waxaanba iran karaa waa sababta aad raga halabuurka kale ku kaga duwan tahay jir oo joog wll qaaliyaad tahee

  5. Masha allh wll yaxye dhab ahaan waxaa thy jiilka cusub ee soomaaliyeed qof haldoor u ah ka umulkhayr ahana ii ah qof aan ku daydo nolow wll

  6. Maasha allah yaxye runtii waxaa tahay abwaan xikmad iyo murti eebe ku galaday anaguna waxaad noo tahay ruux aan ku dayano hori u socod wacan

Comments are closed.