Home Blog Page 6

Kasmaal

0
Kasmaal Kal gunuunucdoo Uurkiyo kelyaha Keligeed gubtaa Korka gaadhayoo, Kurka qiiqaybaa Dadku kaamilkood i dheheen "Kamaal Waa maxay karkani?" Afar jeer kac iyo Fadhigii kursiga Kadaloobsadoo, Cabbirkii kalaam kari waayayoo, Gabaybaa kobtii Kaalmiyo gargaar Kadle iigu yimi. Kaah ii baxaay Kaalin aan galaay Karti Eebbahay Abid igu kabaay, Maansooy kor dhalan Kun jibbaar abaal Igu keydsaanbaad Keli leedohoo, kaskanaad...

Naruuro

1
          Tixdan gabayga ah waxa aan u sameeyay walaashay oo ila dhalatay, waxa aan u hibaynayaa gabadhkasta oo soomaaliyeeed oo la dhalatay inamo, iyada oo inamadaas had iyo goor u dedaasha una danqata.   Naruuro Aabbahay nimcadii uu...

Quman

0
Quman Qofyey hammigaagu dhigan Qalbiyo uurkaagu xalan Hankaagu quruun ku filan Qorshiyo falalkaagu ladhan Ereyga qawlkaa maldahan Murtiyo qiilkaagu hufan Qasdiyo hadafkaagu shaxan Xaqiiqda runtaa qayaxan Dushana quruxdaadu shidan Timaha dhabarkaaga quban Xijaab qariyaa ku xidhan Garbaha qoortaadan sudhan Allaha qumiyaa xamdiyan Xishoodka adaa qafilan Haddana qalanjooy furfuran Adaa qarykaa...

Hadmaad i jeclaanaysaa

5
Heestan waxa aan ka curiyay ruux dumar ah oo iisheegtay in ay jeceshahay wiil in muddo ahayd. Isagu se uu hadba meermeerin jiray, dabadeed maalintii danbe ay ku tidhi "Waan kugu daalaye, hadmaad i...

Suugaan Mayd Ah!

8
Suugaan mayd ah! Mooji sababta ee suugaanta ay sameeyaan hal-abuurkan danbe, een ka midka ahay, dhamaantayo waxaad moodda in aanay noolayn tixahayagu. Hadda godku waa sax oo laaxin ma jiro, hadda xaraf raax way leedahay...

Farqiga u dhexeeya “Abwaan” iyo “Hal-abuur”

10
Farqiga u dhexeeya ereyga “Abwaan” iyo “Hal-abuur” Kadib markii aan badweynta suugaanta sannado kooban ku jiray, waxa aan yar dareemay in labadan erey dawakh badani ka taaganyahay. Taasi aniga ayay mararka qaar I saamaysaa ...

Iga raali noqo

0
Waan reemayoo Rarankii jacayl Waa i riiqayoo Waan rafaadsane Iga raali noqo Kaama reebi karo Ruuxdii shalay Ku rejeysatee Iga raali noqo Riix udgoon le iyo Hawo raaxo loo I ruxdaad tehee Iga raali noqo Kaama riixi karo Run ahaan qalbiga Rakadaad kortee Iga raali noqo   Rubucaad maqnayd Waan ku raadiyoo Waan ku...

Soddon iyo sifir

6
Subax iyo aroor hore Maalin ay salaasadu Tahay yawm lawada sugay Cadceedduna sideedii Sagal nuur ifaysoo Diigguna sidiisii Ciyay oo sannaadhoo Shinbiruhu sidoodii Sogsogtii dusheedii Subciyeen afkoodii.   Subaxdaa lasoo kacay Dadku waxay ku seermeen Dusha ay ka saarmeen Laba dood isugu safan; Midi waa sabooloo Sifir weeeyi magacii Kakale-na Siciidoow Soddon...

Anigu waxaan ahay afkayga

6
Itaal iyo muruq laxaadka Awood iyo cudud ladnaanta Kartida adag iyo hal deeqa Anigu waxaan ahay afkayga   Astaan muuqliyo sifaynta Abbaar toosiyo caddaynta Sawraca Soomaali aadka Anigu waxaan ahay afkayga   Abtiga iyo inaabtigayga Adeer iyo ina-adeerka Awoow iyo oday mocooyga Anigu waxaan ahay afkayga   Axdiyo aahdiyo...