Yaahdo

2
6288

Yaahdaan ku baxoo jacyal

Yaboohdaan galay scodaal

Dookhaa igu yidhi yabaal

Tusmana udubkeeda yuub

 

Kolkaan yabyabeen astaan

Riyada idhi dhab u yagleel

Xaqiiqadii soo yugnayd

Yurbay igu tidhi waryaa

 

Yaabbaan galay quusanwaa

Dabeed idhi sabab u yeel

Yacdaadiyo caydhintoo,

Miyaan kula yaray da’day

Wadnaha yartanaan la rabo

Miyaan yarad lagu helayn?

 

Waxay tidhi yuuska daa

Waayuhu waa yahan kakane

Talow yaa kuu yasiray?

Astaamahan kuu yabyaban

Yixdii weeyaan cishqiye

Ha yeedhin hadhaw kun kale.

 



Anoon yaaq dheer u korin

Ka yeeshay haween mid bilan,

Yamayskii aan darsaday

Bil iyo waxaan yawm ka cabo

Durtaba wuu yaabisoo,

Walaacbaan yara higgaday.

 

Kolkaan hadba yool akido

Waxbaa yumbiyoo dhufsada

Yeelaal goortaan shax dego

Yeegbaan ka tegaa I dila,

Markaan kob yaxoobsadaba

Waxaan daf idhaa yaxaas.

 

Yaalliin quus iga dhigtaa

Dhaliilihii yeedhsatoo

Samaantiibaan yax idhi

Yekaa dookh iga galoo

I yuuq qodxihii shakigu.

 

Yaqiinta siyaadaysay

Dharaaruhu yad u fidshaan

Dookhii I yahaaburshiyo

Kedlihi igu yoomayaa

Mar qudha Iga yaacayoo

Yaaquudka damiirka iyo

Tallame  maankii yaxyaxay.

 



Haddaan dhayal yeeli jiray

Wadnuhu yeel tuu I dhaho,

Haddaan yooc iyo galool

U jaray Yucub iyo Sarmaan

Haddeer yacay uma kacoo,

Dibbaan u yaxoobsadaa

 

Kolkuu gabadh yaable helo,

Wadnihii yablas reemi jiray

Anaa ba yaboohiyoo

Haddeer ma yaqaano dumar,

Is yeel yeelbuu qoroo

Wuxuu yasayaa cishqigaa

 

Dookhiibaa iga yabba’ay

Xiisaha yooyootamiyo

Dareenkiibaa shib yidhi,

Cidlaan keli yuubmayoo

Yamxeeraan galay cabsiya.

 

Waxaan muddo yawyaboon

Yahoon iyo daal u maray,

Intuu kala yaaciyuu

Yaleex I tubee wakhtigu

Hungada u yoolaalsanaa

 

Rejada yaambada siddee

Ku yookee tidhi carada

Iniin yiciboo farxada;

Rasmigu ka yureyn ogaa

Ogaalku yaciis badnaa!

 



Xayasiis

2 COMMENTS

Comments are closed.