Barqo hore salaadii

Anigoo bar joogoo

Nimcadiisa boqorkay

Ku bannaanbaxaayoo

Baraad li’ ku noolbaa,

Midaan beri aqaanoon

Kubbaddiyo baloonida

Beryo dheelnay waayoo

Gubanaaya bayloo

Burqanaaya ii yimid

 

Salaan iyo bariidada

Barxaddii midkaayaba

Ku guddoomay baal oo

Warku waa ballaysime

Igu yidhi “bil-dhaladoow

Dalkii wuu bustooboo

Boodh iyo kulayl iyo

Basanbaas abaar iyo

Wuu bisaarad dhaafoo

Baxarkiisa samadaa

Lagu boobay jeeroo,

Badankooda dhallintii

Baxsad iyo tahribbay

Ku galaan Baariisoo,    (Paris)

Iyagoo baabuur iyo

Daba buur kaxaystoo

Kolba Bilan ku qaaday

Dalka berry yimaaddaan.

Anna waan han -boodoo

Ficilbaan is bidayoo

Boqol iyokun lacagoo

Doolar beensadeenaan

Ku uruurshay boholoo

Baxsanoow dhawaanbay

Doontaydu baxaysaa.”

 

Naxdinbaan bannaankii

Bacadkiyo kulaylkii

Baraf gebi qabooboo,

Tahriib loo buseeliyo

Dilis loo badheedhana

Waa been la sheegiyo

Dhalanteedka baahiyo

Buuqbaan lahaayoo,

Ma raggaanu barashada

Isla soo barbaarnaa

Nafta biimo galiyoon

Hadda baaq u dirayaa ?

 

Intaan uurka baadhoon

Bishmahayga furaybaan

Kuna idhi “nin bilanoo

Hanku buuxo maankoo

Aqoontiisa beertoo

Himilada berdaan iyo

U yagleelay buuloo

Boqran baan kumoodee,

 

Show ruux is biiyoo

Muuqu been u sheegoo

Kolba buur ka tuuriyo

Waxaad tahay nimaan baran

Bisaaradi waxay tahay!

 

Meeshani ku baabtiyo

U boqool tahriibkaad

U bannaan baxaysaa

Bacdu iiga xidhantoon

Biyo-diid ka qaadee

 

Saxaraha bartiisiyo

Ciidda baaxaddeediyo

Bayhoof kulaylkaad

Dhex bagaafsanaysiyo

Biyo li’I harraadkaba

Billee aad u dhimataa?

 

Bullaaloow mug weyn iyo

Badda mawjaddeediyo

Baaxaa-deggeediyo

Duufaan ku bi’ yaa

Geed go’an bannaaniyo

Kaa helaa ban weynoo

Qudhu kaa baxdaa ood

Bakhti mayda noqotaa?

 

Adigoo berdedayoo

Cabsi gaajo baqayoo

Dhawr beri ayaantood

Cunto boobin shay’oo

Ummad qaar bidhaanshoo

Bashar kula absheegtiyo

Bini-aadan moodoo

Hanku booqo ku idhaa,

Armay ruux bakhayliyo

Bahal kugu noqdaan oo

Cidlo kugu bireeyaan?

 

Adigoo Is bixiyoo

Isle waad baad-baaddoo

Baladkaad u  socotiyo

Bartii waad dhex joogtaa

Armay ciidan boolisi

Baasa-boorka keen iyo

Kugu bayd furtaan oo

Sannad bilo wax dheeryiin

Ku beeriisataa jeel?

 

Filan-waaga balafsigu

Billeey kugu dhacdaayood

Geesaas baroor iyo,

Qoomamo ku biirtiyo

Bohol kugu ridaan oo

Berri aad tawaawaca

Ku baraarugtaayoo

Shallayntaadu badataa?

 

Adigoo badhaadhiyo

Barqo dhereg ku nolbaad

Belaayada u xiistoo

Baraday ku nooshiyo

U tagtaa bahdeedee,

Bal caddee boggaagoo

Maxay kaaga badantahay ?

 

Wuxu yidhi bishaariyo

Bilkhayr mala-awaalay

Bulshadiyo hal-doorkuba

Buun-buuniyaan oo

Dal la biiyay goormoo

Bilic daah ka saarmoo

Hadda baabah joogay

Ka dhigaan belaayee

Alleylehe bilaashbaad

Baladkani u joogtaa

 

Ereyguu la boodiyo

Hadalkuu ku baaqaa

Jidhka qayb la baxayoo

Kuna idhi billaahiyo

Boqor eebbahaybaan

Boqol jeer ku dhaartee,

Bu’ da taan ka uunmiyo

Dhulka baadi-soocdee

Kasku abid ku baanee

Awoowgay ku beermee

Barashada dushiisana

Sidaa buug la eegiyo

Aan u qaybay baacbaac

Ninna buus I odhanayn

Kuma doorto balad ay

Bisaduhu xaq dhaamaan

Basharkiyo addoomaha

 

Baxsan gebileydeenniyo

Kala baydh galbeedkiyo

Awdal baarqabkeediyo

Beeraha wajjaaliyo

Booramaanad aragoo

 

Bulaxaar agteediyo

Dekkeddeena bari iyo

Boodhari jacaylkii

Bartii uu ku aasiyo

Batallaale xeebtiyo

Beberaanad teginoo

 

Harta-buurta sheekh iyo

Ballidhiig togdheer iyo

Bartamaha dalkeenniyo

Burco waanad maqaloo

 

Badhan ceerigaabiyo

Figta Daalo beeraha

Daruuruha biyeystee

Ka dul guud bislaadiyo

Sanaag waanad baranoo

 

Buuhoodle geestaa

Baradii darwiishkiyo

Soolbaan ku bilinoo

 

Hargeysada bidhaantiyo

Shacabkaa baxnaaniyo

Lagu wada badhaadhiyo

Shidhka baalleheediyo

Goljannaanad berigii

Fataatiir ku baranoo,

Beeqaaqadoodiyo

Bilqashada xusuustaan

Uba deign boggaagee

Bashiir maad tahriibteen

 

Wuxu yidhi “Baxnaanoow

Inkastoo balaaqiyo

Afku yahay badddaadoo

Cidi kaaga badinayn,

Beer ku taalladayda

Kumanaan ka badanoo

Ma bashiicin karayee,

Haddii aabbahaa biil

Iyo qaato beensada,

Barqo hore salaadday

Hooyaday bacdeediyo

Qaadataa budhkeedoo,

Booshaari halkaasay

Hilibkiyo basbaaskiyo

Ku gadda bariiskoo

marmarbaan la baayicin!!

 

Haddii aad bangale weyn

Burji deyr ku meeriyo

Dabaq iyo ku beridaan

Barandiyo kob raaxo le,

Waxa daaro biiraan

Buul dhinac ka seexdaa!!

 

Badhax tirashadaydiyo

Bagi uma tahriibine,

Xaqiiqada bug tidhabaa

Rajadayda beenta ah

Qabri ba’an ku aastee

Saw GABOOYE baas iyo

Layma bixin midgaan iyo

Bahal-bahal ka quutoo

Bakhti cune si aan ahay

Ruuxaan bariidshaa

Iima beer nuglaadee

Baxsadbuufirdhanayaa

 

P.S taydii Gollisbaan

Beri hore ka qatee

Ma shaqaa bannaan meel

Haddii aan ku soo baxo,

Kuna beegmo meel uun,

Ballan layma fuliyee,

Waxa loo banneeyaa

Kolba ruuxa beeshii

Tiradoodu badantahay!

 

Bulsho lays dir-soocdoo

Keli kuu bahawdoo

Sharaftaada boobtoo

Bahal kuu taqaannoo,

Birma-geydadoodiyo

Gabadh kuu bannaynayn

Ama Bilan ku siinayn

Looma sii baroortoo

Birta loomatuma’oo

Nolol lagama beertee,

Laba baab midbaan geli

Midna waan ka bari noqon;

Yurub bari galbeedkiyo

dhulalkaa la boqdee

laga baallaleeyee

lagu beri-samaadaan

bashbash iyo riyaaq iyo

kula degi barwaaqoon

barkhadkooda noqon oo,

qof iskii u bilan oo

Xuquuqdiisa baadhiyo

Ruux British-aan noqon,

Ama baahi-laawoow

Bilaash maaha taasiye

Baxsashada darteed iyo

Barabaxa iskeedbaan

U badheedhayaayoo

Ka badbaad midgaan iyo

Magac baaska maantaan

Geeri kaga bogsanayaa

 

Xayasiis