Dhamaysnimo Waa Is Baro

3
12036

 

Dhammaysnimo waa is baro

 

Nafyahay I dhaliilaysaa

Da’ kuu korodhaa dharaar

Dhugmiyo samir kugu ladhoo

Waxaad dhaaftaad shalay

Ku dheygagaysaa haddeer

Macaan shay kuu dhadhamay

Dhunkaal iyo shay qadhaadh

Hadduu kula yahay dhanaan.

 

Hurdadan dhafarkaa ku baray

Dhakhsaha daahaa ku faray

Gaajana dhereggaa ku simay,

Haddaan dhabankaagu arag

Dhirbaaxada ruux ka jara

Salaaxa ma dhaadi karo

Far iyo dhunkashaa u siman.

 

Dhallaanimadii shalay

Laftiyo dhuuxiyo jidhkaa

Sidii dhalo kuu siddoo

Ilayn kaa jiray dhibtee,

Haddeer dheeldheeliyaay

Ta dheer baa laga jabaa

Haddaad dhacdo ood kuftee

Dhammays xis ku kaafiyo

Caqligu waa lama dhigaan.

 

 

Dharaaruhu waa rasaas

Rasaas aan dhimasho wadin,

Dhufays qof ka soo gala

Gabaw kama dhuuman karo,

Ogow waxaan iil ku dhigin

Duruusbaa laga dhigtaa.

 

Nafyahay dhasha doonaysaa

Taariikhdaad dhiig u shubi

Dhigaalka abtaad u noqon

Awoowo guushaa ku dhihi

Waxaad dhali dhawr milyane

Dedaalka dhaqoo wax baro

Wax kaydsiga dhiil u tolo.

 

Libtaad u dhegtaagaysa na

Waxaa ku dul dheehan xuub,

Nimaan baran dheemantaa

Ilayn dhagax moodayee,

Dhiraandhiri baahidiyo

Caalwaagiyo dheygaggoo,

Ka dheego xalkii wakhtiga.

 

Nafyahay dhalandhooliyaay

Shalay dhabbadaad I tidhi

Ku dhiiro oo soco dhaqaaq

Waxay ku dhacaysay jare

Dhammaadka halkay tagtiyo

Haddaan dhererkeed aqaan

Miyaan u dhuyaali laaa?

 

Ilaan dhamcay maan se garan

Inaan dhab ahaan lug go’ay,

Yeelko e dhaxal waan sitaa

Dhitiyo mahadhiyo xasuus

Midaan beri dheefsan karo

Kolkaan dham’o een tallamo.

 



Dhoobada laga uumanyaa

Dhacdhaca wadatee nafyahay

Dhiggaa adigoon qododin

Dhalleeco carooog u noqon,

Dhaliishaadood heshiyo

Dhammaysnimo waa is baro.

 

Rejeda dhiidhida gashiyo

Fig dheer riyo kaa kortaa

Hadday kula tahay dhadhaar,

Ragbaa waxay dhaafsadaan

Cuntiyo dhuuniga naftee

Nasiibka ha gaagax dhumin.

 

Hadday dhaayuhu arkaan

Dhibaatada shayga xiga

Talaabadu dhufashadiyo

Jid dheer kama daalaysee

Nafyahay aan tamar dhidbee

Dhawaan arag hayga noqon.

 

Dhabiiltanku maaha ceeb

Dhaliishu na maaha hoog

Wax kaa dhiman weeye eeg,

Qof kuu dhaamiyay xumaan

Marbaad ka dhantaa wanaag

Dhurwaaga la waabiyiyo

Ogow dadku maaha dhidar

Ku taga soco iyo dhaqaaq,

Badhbay dhaqankaaga yiin

Waxaad dhisto waa ka qayb.

 

Wuxuu dhakhtarkeedu yidhi

Is waagiyo dhalan roggii

Haddaad  dhakafaartay jeer

Nafyahay cidlo maaha dhoof,

U dhaadhac xal taa ka roon

Siduu dhulka iyo jawigu

Dhirtiyo geedahaw xukumo

Ayaa dadka waxaa dhanbala

Xogtuu waayuhu dhuriyo

Intaad hadba dhiijiso e,

Kobbaad Dhebi iyo ku tahay

Nafyahay Dhamas iyo Galool

Markale Yacay dherer gabiyo

Ogow waxaad tahay dhul-jiif.

 

Haddaan qofku dhaafay odhan

Sidaan ku dhasheen ahaa

Haddaan qofku dhuuxay odhan

Darsiga uu dhigay wakhtigu

Xasuustiyo dhaawicii

Haddaan dhaymuhu ahaan

Koriin ma dhamaystirnee

Dib soo dhalo oo nafyahay

Jidhkaa ku dhismaye markale

Ka qaangaadh maanka dhiman.

Xayasiis

3 COMMENTS

Comments are closed.