Tilmaamaha Imtixaanka iyo Nolosha

0
3509

Marka imtixaanka la gelayo, waxa jira shuruuc iyo tilmaamo macallinku ardayga siiyo. Maadaama oo noloshu imtixaan iska tahay, waxa aan gadaal ka ogaaday in tilmamahaasi ay mashaakilka maalinlaha ah wax inaga tari karaan. Anigu tilmaamahaa waxa aan ka xasuustaa:

1. “Fahanka su’aashu, jawaabta waa ka badh.”

Waa arrin iyo haddii aad dhugato runtii ku anfacaya. Wax kasta in aad fahanto ayaa qaybweyn ka ah in falcelintaadu habboonaato.

2. “Su’aali ba su’aasha ay ka fududdahay ka hor shaqee, ta aad garanweydo wakhti ha ku lumin.”

Maadaama noloshu malamo kooban tahay, wakhti badan ayaa inagaga luma inta aynu sugayno, baranayno ama quudaraynayno arrin ama qof aynaan hubin. Arrinka iyo cidda aynu hubno ayaa fiican in aynu wakhti ku luminno.

3. “Magacaaga iyo lambarkaaga ku qor warqadda, haddii kale adigu kamaad shaqayn imtixaanka.”

Wax kasta oo nolosha aad soo kordhisaa waa in ay yeelataa sexeex iyo summad aad leedahay. Haddii kale in la sheegto ama lagu murmo ayaa sahlanaanaysa.

4. “Hubso tirada xaashiyaha imtixaanka inta aanad ka shaqayn.”

In aynu innagu qalad samayno ayaynu ka werwernaa. Se ogow qofka imtixaankan iyo mixnaddan keenay in uu mararka qaar qaldami karo. Adiga oo boqolkii ba boqol xal haya, ayaa nasiib darro mishkiladdii aan laguu wada sheegin. Hubso oo dib u weydii kolkaa in ay dhan tahay mishkiladdu inta aanad ka shaqayn.

5. “Akhri ciwaanka su’aalaha, inta aanad su’aasha ka shaqayn”

Mararka qaar ayaa macallinku ku odhanaya, “afartan su’aalood saddex keliya ka shaqee”. Adigu na waadiga isku wada qaaday. Marar badan nolosha looma baahna in aynu mishkiladaha oo dhan xallinno. Inta aad u baahantahay ee yoolkaaga wax ku darsanaya uun xalli. Inta kale adiga kuuma taallo. Wakhti iyo werwer ayuun bay kuu saa’idinaysaa.

Bal maxaad ka xasuusataa tilmaamihii imitxaanka dugsiga adigu.

Xayasiis