Si Xora U Feker

0
5175

 

Si Xora U Feker

 

Xumaan qof ku soo dhashoo

Ma jiro xaqiraad geyaa,

Xadiisku siduu na yidhi

Fidradu dadka waa u xool

Hooyada se xanbaartay iyo

Aabbaha xafidaa geddiya,

Hanuunku na waa xag sare.

Farxaddu waa xadantadee

Nolosha xaladdeeda doon

Xariijin qof kuu dhigiyo

Hankaaga xuduud ka kori

Haddana waxaad xeerisiyo

Xayndaab weligaa lahaw

Xog iyo waxa buug ku qoran,

Adoon dayin xaashiyaha

Xuruufta na soo akhriyin

Jaldiga iyo xuubka sare

Indhaha xukumaa qaldane

Hubsiimada xeer ka dhigo

Qabiil iyo xaafad iyo
Suldaan xabsigii ha gelin,
Haw xilan qolo aan ku xulan
Haw noqon ruux kale xamaal
Kaskaaga adaa xaq u le
Inaad xal ka raadsatee
Si xora weligaa u feker.

Xabadda lagu iil galiyo

Rasaasta xisbaa la yimi

Halbawlaha ay xushiyo

Dhiiggiyo xididkay jartana

Dawaa xinjiranaysoo

Xuskeeda qofbaa lahaa

Labadu marna waysku xeer

Mise na waa kala xisaab.

Waxaa xigmaddaas la mida

Baahida ku xubeerisiyo

Xujada kugu awdantaa

Waxay xayasiis u tahay

Waxaad ku xariif tahiyo

Beriyo xaajadaad la iman

Waxaad ku xisaabtantaa

Inaad xildhibaan u tahay

Kashaada dad xoomayiyo

Waxay unkayaan xidhiidh

Haddaanu xil qaad ahayn

Qofkuna xakamayn go’aan

Wuxuu xammilaa gefkoo

Wuxuu xawishaa culays

Culays dabrayoo xidhxidha

Xammaasadda kaa gudhaa

Lur iyo xagal daac dhashoo

Xiisaha nabaad guurayaa

Is-waa kugu xeerayoo,

Xanaaqbaad magansataa

Tabniyo quus xoog u badan

Xasuusuhu waah hal-beeg

Xaqsoor waa maxkamad

Damiirkaagaa na xidha

Hawada lagu xumo mutoo,

Canaan xabsi daa’imay

Falkii xunkuntaa gef ehe,

Xishoodka dastuur ka dhigo.

Hadday ku xanuujiyaan

Xadhkaha layskuma dhejee,

Samirka xaddigiisa baro

Falkana xudduntiisa dhugo

Xurmadu talantaalligay

Ku tahay shay xaasilee

Aduu keli xiiq ha mudan.

Naftaada xuquuq u fidi

Waxaan geyin xaal ka mari

Ku xeer dad ilaashadoon

Ka xagan beerkiyo wadnaha

Xaqdhawrkiyo samo falkaa

Xurmada aadmiga unkee,

Haddaad dar xanuun qabiyo

Is tidhi godob xanaf le bii,

Xalkeeda holloo wax qabo

<


>

Haddaad ku xabeebatoo

Caal-waa yahay xaalka kani,

Xilbaad gudday kaa dhecee

Intaad xuslin layd bannaan

Dhiraandhiri xeelad kale.

Inaad same xaawishood

Hadhaw xasanaad heshaa,

Ma aha is xayuubintiyo

Qofkaad tahayood xaddee,

Adoon xilofurin dabciga

Miyaan xaqu sheegmi Karin?

Xayasiis