Maxsuulka Habdhaqanka Cadhada

0
3049

Waxa jiray wiil yar oo lahaa waxa loo yaqaan ‘temper” oo ah cadho degdeg ah oo aan habdhaqankeedu maangal ahayn. Wiilka yar aabbihii ayaa u dhiibay boqol musbaar. Inta uu cadhooday auuu boqolkii musbaar ku taagay gidaarka gurigooda.

Markii uu kala degay ayuu aabbihii u sheegay waxa uu sameeyay, isaga oo dambi dareemaya. Aabbihii waxa uu u sheegay in uu ka rujiyo masaabiirta gidaarka. Sidii ayuu yeelay, isaga oo faraxsanna waa ku soo noqday aabbihii.

Markii uu aabbihii u sheegay in uu dhammaan masaabiirtii ka guray gidaarka, aabbihii waxa uu ku yidhi gidaarkii waad daloolisay. Daloolku kama ba’ayo si kasta oo aad masaabiirta uga gurto. Sidaasi darteed, adiga oo cadhaysan falkasta oo aad samayso ama hadal kasta oo aad tidhaa raalligelintu dhaawaca rasmiga ah ma daawayso.

Xayasiis