Soo Dhawoow Jamaadeey

2
7484

 

Soo dhawoow jamaadeey

Inkastood jadeerwaca

Muddo aad u jeellnayd

Jabadkii Hargeysaad,

Hadda waad dhex joogtaa

Jahadaad bidaysiyo

Meeshaad ka jamataba

Jid anaa ku geyniye

Soo dhawoow jamaadeey

 

Baqashuu jidhkaagii

Malaa yara jareeyaye,

Haddaan jaadku waalayn,

Waa jamhuur is doorto,

Jaahil kuu aftaagiyo

Cidna kuma jujuubtoo

Kuu juuqi maysee,

 

Waxa aad la joogtaa

Nin Hargeysa jeex iyo

Jigjiga yar ku nooloo

Marna jiic aboorkiyo

Jameecada ka shaahoo,

Halka fooqa Jaanbiir

Jagi iyo cayaar iyo

Jabadaan ku dheeloo

Boqol-jire ku korayoo

Jirri reer Cabbaayiyo

Dhuruq soo ahaan jiray!

 

Soo dhawoow Jamadeey,

Jadwalkaagaa eegoo,

Waan ku geyn Jumeeriyo

Jire iyo Suldaan iyo

Hiddo-dhawr Jimcaha oo,

Halka laga jalleecee,

Magaaladu ka jeeddiyo

Daaqadbaynu joognaa

Masalluhu ku jaad yahay.

 

Soo dhawoow Jamadeey,

Kala jeexa dooxaa

Bilicdeeda joojoo

Juquraafigeedaa
Dalcad iyo jar miidhana!

 

Jugta gaadhigaygu na

Haddii uu jidhkaagiyo

Jilbahaaga dhaawacay,

Jidadkiyo dariiqyada

Bohalahan ka jeexmiyo

Jidhaamahan ragbaa qoday!

 

Waxa looga jeedaa,

Jirriqaagaa boodiyo

Jarri iyo xamaam iyo

Jinac iyo abeesbaa

Jiilaal ka cabba oo,

Jirjiroole oomiyo

Intuu jiir bakhtiyi laa

Shakal jeenta sida iyo

Ha jabaan baabuurtuye

Soo dhawoow Jamaadeey.

 

Markaluu jidhkaagiii

Gabadhyahay jareeyaye,

Jeebbayntu hoog iyo

Jeedal iyo ciqaab iyo

Jeelku maaha jeelkii

Jawhar iyo kuyiil bari,

Waa jaad kaliyo meel

Qurux iyo Jamaal loo

Gol-jannuu ku yaallaa!

 

Jiifkaad xaniid iyo

Liin jeeg ka buuxdiyo

Jallaatada ku cunaysaa!

 

Dadka jiibinaayee

Hadhaw ku jalwinayiyo

Jamaadeey free daa,

Sharaf aad ku joogtiyo

Sumcad kuu jaraysoo,

Haddaad jaarka aado na,

Jarjarkeeda lacag iyo

Jumlad baad ku helaysaa

Jago iyo wasiirnimo!

 

Soo dhawoow Jamaadeey

Walaw aan jirkaan iyo

Kolba joog ku miisnoo

Booyaduhu na jiidhaan,

Nin jidiin ku qooyoo

Biyeheeda jaraybaa

Jannadii ka cabbayoo,

Walax jawhar luulaa

Ku jirtaan maleeyoo,

Oromada jarmaaddee

Lug ilaa Hawaday jara,

Bil kolkay dhex joogaan

Dhawr jeer ku maydhaan

Timahaw jilcaayoo,

Jaahooda nuurkay

Jilib reer Hargeysiyo

Ilma Jaamac sheegtaan!

 

Jago weeye awliyo

Jookh iyo shallaad iyo

Tuf ku jeeniqaartoo,

Qandho loo jareeyiyo

Jirro ma le kaneecadu,

Maska ruux ku joogsado

Suntiisaa ka jaadoo

Jareexiyo dhib kama helo

 

Dadka uu Jaliilkay

Jiiddani ku uumaa

Jiritaanka aan ahay

Jeex weyn ka qaatoo,

Waxa aan ku jecelahay

Been kuuma jilayaan,

Runta kaama jirayaan,

Jarna kaama ridayaan,

Walaw ay jibboodaan,

Sharaf kama jiciirtaan,

Jiilba jiilka waw door

Xasuustoodu waa juus

Jiiftadoodu waa sooc

Jidhnaxoodu waa taam

Cadaw waa u jidhif adag,

Mararkay si jiidhaan

Walaw ay jiciirtaan

Ama kala jarmaadaan

Xaq markuu jilbaha dhigo

Taladii jihaysiyo

Jiitintoodu waa meel

 

 

 

 

 

Xayasiis

2 COMMENTS

  1. Masha allh wlhi ad ayay uqurux badantahay maansadu
    Illh xikmada iyo afkaga hakuu xijaabo

Comments are closed.