Noocyada Fardaha

3
5268

Gammaan waa magaca guud ee la isku yidhaahdo fardaha, dameeraha, baqlaha iyo weli ba farowga.

Fardaha kiisa lab waxa loo yaqaan faras ama senge. Halka dheddiga na geenyo loogu yeedho. Marka ay da’da yaryihiin waa darmaan lab iyo dheddigba. Kolka se uu aadka u yaryahay bogcad waa la odhan karaa.

Farduhu iskuma jiraane midka aadka u dheereeya baxdow ayaa loo yaqaan ama sunnaari, ka gaabiya na magaan. Kolka ay boqol tiradoodu gaadho waxa loo yaqaannay wegen fardo ah. Kolka ay ciyayaan magac u khaasa ayay leeyihiinoo, farduhu waa dananaan.
Orodku maadaama oo uu astaan Ilaah ku galladay yahay, waa u magacyo badisay Soomaalidu. Gaalib, kadle, qaatimayn, nuuxayn, garmaame, koose, wankalaali, hardaf iyo jeegaaf dhammaan waa orodka noocyadiisa kala duwan kolka uu ugu gaabinayo ilaa kolka uu ugu xawaare sareeyo.
Fardahihii ku noolaa geyiga Soomaalidu degtaa waxa ay ahaayeen 7 nooc marka lagu saleeyo midabbadooda.
ASHKIR: Waa farsaka cas ee aan midab kale ku dhexjirin isaga oo timihiisu na cas yihiin.
XAMAR : Waa faraska cas balse ay timihiisu madow yihiin waana laba nooc; mid bunni xiga iyo mid casaan xiga.
BULLAALE : Waa faraska cad se caddaankiisa uu ku jiro dambarigu, timihiisa iyo minjihiisuna madow yihiin.
QAAJE : Waa faras caddaan khaalisa ah oo aan midabbo kale ku dhexjirin
CAYNAB : Waa faras madow ama dhuxuli ah oo aanuu midab kale ku dhex jirin.
BOOD : Waa faraska cad ee caddaankiisu cawlaan xigo.
BAROOR : Waa faras aan hal midab lahayn ee midabbo badanoo isku jira leh. Ilaa afar midab oo kala geddisan ayuu isugu jiri karaa.
Su’aashu waxa weeye kolkaa, midkan aan imika saaranahay waa midabkee adiga oo magaciisa sheegaya??
Xayasiis

3 COMMENTS

  1. Kani waa xamar-bunni badanaa haddii uu koobab cadyahay magaan ma noqdo mana jab weynaado sidaa awgeed waxaa la oran karaa sagaari haddii ugu xumaado wuxuu noqdaa sinnaari ama sunnaari

    Waana mahadsan tahay

  2. magacaygu waa mustafe farah jooga booraman hadaan iskudayon suaashana jawaabteexa

    Waa xamar sxp kani aad sarantahay

Comments are closed.