Carab Dura

0
4555

Carab-Dura

Carabeey carabeey

Cuddoonow nebigii

Rabbi soo calmadaa

Cadkiinna ka dhashoo

Horto cay ma geydaan,

Wax se aan cabudhoon

Is cadaadiyo jeer,

Tixahaygii  culnaa

Caawa waan godlayaa,

Soomaalaan cabdiyow

Ku canaanan jiree,

Carabbaan durayaa

Oon ku ciil baxayaa

 

Carabeey Carabeey

Yuhuud caasi ahayd

Muslinkay ku cunaan

Caruurtay ku dilaan

Falasdiin casarkii

Cidla sow ma dhigtaan?

Ma haddaad carabeey

Soomaaloo cawlanoo

Cidhifkaa afrikaad

Deggen caawinlahayd?

 

Candadawlka anuu

Ciirsi laan ka jeclee,

Sidii aad u cabteen

Casiirkii biridaan

Ama aad u cusheen

Caanihii amrikaan

Calool dhaayo furtoo

Cawaraydun tihiin.

 

Waan ogaa carabeey

Sakadaannuu cunnaa

Inay ciin tahayood

Na cabiidsanaysee,

Dar aan ciilka fahmayn

Ood casiis xulan iyo

Cir kasoo dhac u taaan

U calaacalaalaya.

 

Bi’ waa carabeey

Col waxaad la tihiin

Caafimaadka naftoo,

Sinnaantaad caddibtaan,

Wuxuunbaad caddishaan

Mar Cashuur ka guurtaan

Marna caydhinaysaan

Carradiinna qofkay

Curadawgu dhashaan.

 

Waa xalaal cad ilayn

Geyaankii is calfaa

Inay guur cammiraan

Ooy caways ku  gam’aan

Farxad caashaq dhalee,

Car kumaan cariyoo

Cadraddiisa baxshoo

U caruusa qof aan

Carabtiinna ahayn.

 

Is addoonsi cawaan

Cunsur liid adna baan

Cuqdaddaad ka heshan,

Culimaydun tihiin

Mar khamiis cad xidhoo

Cayda gaalka yaqaan

Marna caashaqsanoo

La ciyaari karee,

Cabsidiinnu miyaan

Cadho Eebbe aqoon?

 

Iskaddaa cid kaloo

Idinkays casiloo

Is cadaadinayoo,

Qaza waad caddisheen

Cadan waad bi’seen

Arladii cammirnayd

Ciraaqbaad u dhigteen

Horror ciidan watoo,

Camalkaad huriseen

Cidhibteedi danbaad

Hadda soo calmateen.

 

Waydinkaa carabeey

Kala caaggan cidloo,

Cimrigaydun jirteen

Iyo caynkanaad tiin

Waa cibaaro kalee,

Cadawggiinna raggii

Iska caabbin jiraiyo

Waxaad ceeb ku tihiin

Cidda aydun tihiin.

 

Aabbaa cuud u dhaqnaa

Waxa dhaanta cabdow

Cadaylaan ka ehee,

Taariikhdiinnii cuslayd

Cabashaa ka hadhoo

Cisi beeshay kolkaad

Cimradiiyo xajkii

Ku casuuntay Trump.

 

Casiis Eebbahaybaa

Quraankii af-carbeed

Caynaddaas u qoree,

Miyaydaan cabbirayn

Codadkiisa fahmayn?

Caqligiinnu miyaan

Saan caddaaliyo gaal

Cisho uun ka korayn?

 

Bi’ waa carabeey

Cadadkiin ma yaroo

Cududdiin ma dhinnee

Calaamaydin heshoo

Damiirkaad casisheen

Badhkiin waa cayilaa

Waa cadceedsanaysaa

Cantarbuu kibrayaa

Casriguu la socdaa

Badhna waa u colaad

Waa u caymad qax oo

Cid kaluu baryayaa

Cunug saaka dhintuu

Caawa duugi rabaa

Cawo muu aragoo

Cadceediii dhalataa

Dar cillaan marsanbay

Carmal miidhan dhigtaa.

 

Col waxaydun tihiin

Rabbi caabudayoo

Misna caalkii Quraysh

Cudurkoodii qabee,

Haddaan Eebbe caddayn

In cadaabi danbayn,

Caku maan tirsadeen

Wax cumaamad xidhoo

Carab ay ka tay kow

Xayasiis