Home Qoraallo Shaqo Waa Sharaf QoraalloSuugaanShaqo Waa SharafBy yaxye - October 18, 201904353Facebook Twitter Pinterest WhatsApp TixShay uu xoogsadayNin ka shaahiyomid shaxaatamayOon ka shiixiniIsma sheegtaanShabbahaaddeeShaqo wa sharafShaqlan duunyadaNin u shaaxidayOo shiddoodaaShidhka fuulooKu shaxaartama.SharcigaasaaShaandha miirta ah.Shax adoon dhididMar u soo shubinRaaxo shooc iyoShabbac kaa dheer.SharaxaadaasWaxa sii shadaOo la shaanbadaMa shahaadahaDhaxal shaaximanQunyar sheegtaa,Shaamareer iyoShilku waw halisShaqo waagunaWaa shaqaysigaOo shuruud lehe,Ma shaqaystahaU shaqeeyuhuKa shaqaystoowShaqo waa sharafSha’nigiisiyoQof shantuu dhalayGaajo shoogeen,Misna sheekiyo“Shacabkaan hagayOon shukaamiyay”Ku shalleeyaaShacni ma leheeShaqo waa sharafRiyo shuush ihiYey ku shaaximan,Qabka shaashka leShushub haw tolan,Shafka haw tumanQuustu shawkadoWaa shirqoolla eShabaggeediyoShaxda haw gelinQof shindhaladiyoShakhsibaad tahayWax shirrabi kara,Kal shucuurliyoShakhis baad tahayAan shaahadadduSharraxaynine,Show adoon odhanShaki taas gelinShukri naqa baroHanka shiish dhigoShamso soo bixiShamac daar noqoWahsi shawraaTamar sheele’ eShalwi taag muruqHa shu’aysaninShilin xoogsiga,Ama shaadh maydhAma shaah kariAma shaagliyoNoqo shoofeerShaqo waa sharafShare this:Click to share on Twitter (Opens in new window)Click to share on Facebook (Opens in new window)Related RELATED ARTICLESMORE FROM AUTHORTilmaamaha Imtixaanka iyo NoloshaMaxsuulka Habdhaqanka CadhadaThe motive behind Yaxye’s Tour “Si Xora U Feker”Yaxye Yeebaash; The new Somali Lessons Head of LearningThe new generation’s Hadrawi: Yaxye Yeebaash