Hadmaad i jeclaanaysaa

5
19816

Heestan waxa aan ka curiyay ruux dumar ah oo iisheegtay in ay jeceshahay wiil in muddo ahayd. Isagu se uu hadba meermeerin jiray, dabadeed maalintii danbe ay ku tidhi “Waan kugu daalaye, hadmaad i jeclaanaysaa?” Weedhaasaa aad ii damaqday, waxaanay sabab u ahayd in heestani curato.

Markaad tahay ruux wax jecel
Waxaad tahay ruux la jaray
Cadkiyo seedaha jidhkoo
Loo dhiibay qofkuu jantoo
Ku jira baryo tuugsi uu
Ku doonayo jeexa maqan

Muddaan kula joogaayoo
Muddaan jaalkaaga iyo
Ahaa jeexaaga midig
Muddaan samir jiidayoon
Sidii jirid taagayoon
Rajiyo ku waraabin jiray
Marbuu ku jeleeciyood
Ka raysan jadeerwecee
Hadmaad i jeclaanaysaa?

Huunooy lama jilo dareen
Huunooy lama karo jibaad
Jimiimica igu lammaan
Miyaa lagu helaa jabnaan

Dareen inanimo jiraa
Car juuq igu yidhi dhahoo
Ilmada aan jaxaasayaa
Jawaab uma noqon kartee
Hadmaad i jeclaanaysaa?

Sidii laba aan is jarin
Amaba aan jiq isku noqon,
Intay isku jeex noqdeen,
Jalbeebtama oo kaftama,
Is dhawrtoo isu jamciya,
Hadmaan kula cuni jidiin
Ooriyo kuu noqon jamaal

Jaadkaaga ii ah gaar
Jooggaaga ii ah maan
Jaahaagaa ii ah muuq
Naftaydaa kuu jajaban
Adoo iga jeestaybaa
Qalbigu kuu sii jilcaa
Jibbaar xiisuhu noqdaa
Nafbaad tahay igu jirtee
Miyaan kaa niyad jabaa

Jannaad i tahay adduun
Jaxiimiyo aan u maray
Cadaab iyo jahannamee
Macaan iga jiidh naxoo
I dhaafi jidkaa siraad

Ma joogo ma jiifsan karo
Jariyo dabarbay hayoo
Qaraar ma jihaysan karo
Qayrkaa ma jillaaban karo
Jirrani awgaa dhibbani
Ku jeellani sabab la’aan

Xabsiyo jeelbaan dhex aal
Weedhaaduna jeedal iyo
Ciqaab iyo way jidh-dile
Waxaan se ku jeel-baxaa
Jeefaafana aan helaa
Cadkayga intaanad jarin
Indhaha kugu jeedsadee
Jaleecada ka xadee
Adaan ragga kaa jantee
Hadmaad i jeclaanaysaa?

Waxaan kuu jujuubayaa
Naf aan run ka jiidayaan
Samaw jeeniga hayaa
Waxaan la jihaadayaa
Damiirkaygoo jactaday
Jaandheertayduu nacoo
Aduu jaalloow rabaa
Jawaab inuu kaa helee
Hadmaad I jeclaanaysaa

Adoo jiif tegay maxaan
Anigu jahwareeray fikir,
Maxaan jacbur heello iyo
Jiiftiyo kuu qoray odhaah,
Maxaan jabaqdaada iyo
Jaantada dhegaystay gelin,
Anoo jirran oo bukaa
Haddii juucjuuc ku helo
Jabkaagu i dhiig baxshee
Miyaan beer jixinjixaa
Talow kugu jirin walaal

Xayasiis

5 COMMENTS

  1. Aaaaaax dhib badanaa jaceyl una nuglaa dumar allow kuwaan mana habaari karnee na jecleysii

Comments are closed.