Dhibic waa darroortoo

Qorrax dheega saarnayd

Ku dhirbaaxday muuqoo

Lala dhacay fallaadhaha,

Jeegaan ka dhalatiyo

Neecaw ka dhabataay,

 

Xasuustaadu dhudiyeey

Way igu dhagtaayoo

Ruuxii I dheehdaa

Dhakhso way gartaayoo,

Subaxdaan ku dhaashado

Xaqiiq waan dhalaalaa !

 

Inaad tahay dhabeel iyo

Qof dhamaysa Bilaneey

Maxaan kuugu dhaartaa ?

 

Dhanka bidix wadnaha yaal

Inuu dhiig la tuuriyo

U dhug-leeyo awgaa,

Nin ka dhoohan mooyee

Dhakhtar kuu caddeeyoo

I dhigtaa ma joogee

Seen u dhaabbadeeya ?

 

Dhooshaad caddaysiyo

Dhabankii la xoodmaa

Lagu dhafay xiskaygoo,

Qumman dhaayahaagaa

Dhab inaan u jecelahay

Dhegteen kuugu sheegaa ?

 

Adaan dhuuxa feedhaha

Ama dheeha saantiyo

Kuu dheegay beerkee

Sideen kuugu dhiibaa?

 

Dhugashada adaan gelin

Kugu dheygagaayoon

Kugu dhuuni seegee

Dhinacayga goormaad

Talow dhaadi doontaa ?

 

Markaan kuu dhawaadeen

Dheegaaga joogana

Waxbaa ila dhaqaaqoo

Cirka iila dhoofee,

Dhawr erey daraaddaa

Aan kuu dhib sheegtee

Dhulka ruux I keeniyo

Talaw yaa isoo dhiga?

 

Dheel dheel odhaah aad

Dhayal iigu tuurtaa

Waran iiga dhiganoo

Aamuskaan shib dhahayaa

Waa dhaawacaagooy

Damqashadu dhibaysoon

Hadba dhawr isleeyahay

 

Riyo aan dhadhabayaan

Xaqiiqada ku dhooboo

Dhafar iyo hurdo la’aan

Dartaabaan u dhaxay oon

Saqda dhexe u kacayee

May dhabaandhabaysaa ?

 

Waxa aan dhulsugayaa

Shay aan dhacaynoo,

Waan dhadaanbi luudoo

Laba gebi dhexdood baan

dhalandhoolayaaayoo

Waan dhimasho noolee

Allow yaa labada dhinac

Dhanuun iiga guri daya

 

Xidhiidh keennii dheeraa,

Dhismihii walaalnimo,

Dhex-roorkiisa anigaa

Dhidibada u siibaye,

Misna caashaq dhiino

Sida dhamac u kululbaa

Ku dhac yidhi falkaas oo

Xiisaa I dhadhiyaye

Talow yaan dhaliishiyo

Waxa dhacay dul-saaraa ?

 

Waan dhabar adaygee

Miyaan dhuux adaygaa?

Mise qaab dhadhaab iyo

Waan dhagax dixoobaa ?

 

Inkastuu jacayl dhilay

Xasan iyo rag dheef tiray

Badan oo dhiggaygaa,

Waxa laygu dhaamaa

Qirashada la dhahayee

Talaw dhiirranaantaa

Yaan dharaar ka qaata ?

 

Waxa aan u dhaadhacay

Hoostiyo dhulkeennoo,

Dhufaysbaan gadaashii

Ka dhawaaqayaayoo,

Dhuumashaa dantaydii

Kala sii dhantaashoo

Dhacanbaaygu awdane,

Inta uu fig dheer kore

Yaa dhambaalkan heest ah

Tusa dheemmantaydoo,

Yarkii Waa bastii dhaha

 

 

Xayasiis

1 COMMENT

Comments are closed.