Isha lali bal daamaha

Dusha eeg bal fooraha

Cadceed iyo daruuraha

Dhibicdiyo darrooraha

Darandoorri tiixaha

Onkodkiyo dillaamaha

Danabkiyo mar guuxaha

Dayax iyo bidhaamaha

Inta duun ku meeraha

Xidig iyo dagaaraha

Ma ku daashay faayaha?????

 

Afartaa dabuubaha

Ma u daadshay dhaayaha

Ma ka diiday baanaha

Rabbi deeqsi kaymaha

Ku daboolay geedaha

Marna daayin uumaha

U daleeyay maalmaha

Ku shukriya bal deeqaha

duco tuuga Eebbaha

 

Duufaan wax laayaha

Ama daad wax qaadaha

Rabbigii dabaylaha

Nagu deyray buuraha

Nagu daahay beeraha

Marna daaqa xoolaha

Nala doonay caanaha

Ku shukriya bal deeqaha

Duco tuuga Eebbaha

 

Naf ka dabar waxyaabaha

Lagu ba’o dunuubaha

Ama daw hallaabaha

Dardar maan ku baaqaha

Damac waali qaadaha

Qofka kii danbaabaha

Kugu dira sameeyaha

Ka dabbaal umuuraha

Kugu duwa cadaabaha

 

Dunji dhalad addoomaha

Jidhkan daawo goobaha

Iyo diirka soocaha

Dusha guud dhalaalaha

Ka dawooba boogaha

Docdan eeg bal feedhaha

Ku darsoo bal seedaha

Ku il doogso waaxyaha

 

Xayawaanka duulaha

Ama geed dul fuulaha

Codka deggan dhawaaqaha

Ama diig sanaadhaha

Rarashada dameeraha

Daa’uus lamoodaha

Saca dibiga qooblaha

Dusha biyo sabbeeyaha

Bogga beer ku daaqaha

Badh dugaaga shaashlaha

Daris oo bal saanlaha

Ka dabbaalo hawlaha

 

Dhulku dooxyo laagaha

Banka daadsan reeraha

Carro duuban xeebaha

Dugsashada fagaaraha

Lagu daaho maalmaha

U dalxiis tag goobaha

Laga doonto qaayaha

 

Afartaa dux ii dhaha

Lagu daro xaq-kaabaha

Xasan daahir weedhaha

Sida uu dabuubaha

U dirsoocdo qaybaha

Aan u daadsho heesaha

 

Ku da’ gabay awaalaha

Ku digriyay umuuraha

Ku dacwiyay ma-faafaha

Una dooxay feedhaha

Sikastoon daliilaha

Ugu deexo haamaha

Maba laha dareemaha

Lagu diro dhaqaaqaha

 

Dirirtiyo colaadaha

Ka shidaa dab qiiqaha

 

Dimuqraadi sheegtaha

Sharci duul ka soomaha

Degel kale xagaafaha

Xeer keli ku daaqaha

danta qaran xarraashaha

Kugu daga la-moogaha

dugu duba af-qaadhaha

Ma ogtahay daliilaha

Dhab xadiis daweeyaha

Yaa ka roon dirsoocaha

Lagu kabay dudduucaha

 

Dulucdaydu hee dhaha

Waxa weeye doodaha

Dawarsiga ku quutaha

Qof dajjaal ahaanshaha

Qof dallacay u haystaha

Dawan iyo def qaataha

I dayaay ku dheefaha

Dub siyaasi yeeshaha

Ma ogtahay diraalaha

Adigoon dir-jiidhaha

Ama noqon dhab dooxaha

Inaad duni yagleelaha

Noqon kari dabiibaha

Loo bogo dadweynaha

Xayasiis

5 COMMENTS

  1. mnsha allah bro
    waxa tahay abwan hal abuur
    hibo ilahay u siyay wax curinta wn kuu ducaynayaa
    inad qonoto qof lagu daydo gayiga soomalida insha allah

  2. Farshaxsnimada suugaaneed ee yaxye yeebaash marka laga tago Macnaha iyo humaaga mug weynaha ah ee ay xanbaarsan tahay maansadani, Waxaa aad ii xiisa geliyeyey oo uu yaxye kaga soocan yahay hal abuurada afka soomaaliga ama uu gaar la yahay (rhythm) oo macnihiisu yahay jaangooynta beydka heesta ama gabayga waxaana caan ku ah Gabayada ama heesaha afka carabiga iyo latin ka, marka laga tago xaraf raaca iyo habdhaca u fiirso jaangooynta beydkasta wuxuu ku dhamaynayaa rhythm ama dhawaaq is ku mid ah ,

    Laha, Maha, taha, naha, dhaha , shaha….. Hal abuurada adeegsadaa ee asal ahaan soomaalida ahi way yaryihiin Dhawaaqyadan ma rhythm ka.

    Allaa yacisak yaxye yeebaash!

  3. Abwaan yeebaash walal wax badan wan dhagaystay gabayadaada waanan la dhacay ma filayo inuu jiro abwaan dhalinyaro ah oo illaahay siiyay mawhibadaada iyo caqligaaga oo kale alle haku dhawro walal oo hanoo kaa daayo aad baanu ugu baahanahay soomaali ahaan dadka adiga oo kale ah.. waad mahadsantahay

  4. I dayaay ku dheefaha

    Dub siyaasi yeeshaha
    Ma ogtahay diraalaha
    Adigoon dir-jiidhaha
    Ama noqon dhab dooxaha
    Inaad duni yagleelaha
    Noqon kari dabiibaha
    Loo bogo dadweynaha
    Masha allah abwaane waa maanso micno weyn ku fadhiso

Comments are closed.