Rabboow waxaan ahay ddoon
Islaam muslinoo xamdiya
Arkaantiyo tiirarkiyo
Qiroo ashahaadda falay
Rasuul malag aakhiriyo
Janniyo aaminay cadaab
Ku caabuday keli ahaan
Cid iyo soo marin abbaan
Ammaanaan kuu sidaa
Ayaankaygiyo hadhaw
Umuurana waan rabaa
Xabaalana waan arkaa
Wed iyo iil waan hubaa
Dharaara jashaydu bixi
Kob iyo arligaan ku gu’i
Rabboow ma aqaan middaas
Rabboow waxaan ahay addoon
Dhoobiyo laga uuumay ciid
Makhluuq eexliyo addoon
Iinsaan ceebliyo addoon
Addoon kugu yidhi “ilaah
Kalbaan ahay eedo sudhan
Qofbaan ahay iimo badan
ilawshuhu way astaan
ilduufkuna way aqoon
ibbaa igu taal waswaas
ka ulo damacayga falan,
Haddaanad ahayn Qafuur
Raxmaan danbi dhaaf isiin
Abuur baan noqon addoon
Khasaariyo eeday naar
Qiyaamuhu Waa ayaan
Dharaar ashtaakoyin badan
Nimciyo ikhtiyaaro gudhan
Awlaaddana aan la tirin
Anfaacina aan la tebin.
Hadduu kun lahaa adduun
Markuu eber taaganyahay
Dharaar arrad baahsanyahay,
Kulayl qorrax oomanbaa
Rabboow na idlaynaysee
Carshiga toddobada addoon
Hadhkiyo idinkaaga hela
Na keen Rabbiyoow agtood
Rabbow jannadaada udug
Indhaan sawirkeeda hayn
Dhegaan maqalkeed ekayn
Afkaarbaan lagu cabbirin
Waxaa ku dhex nool anbiyo
Udgoonoow nebi Maxamed
Caliyo Abubakar Siddiiq
Ansaartii madiina iyo
Asxaabtii baan rabaa
Inaan la jiroon arkee
Adaa karayee Rabboow
Abaajahal hay dhawayn
Af iyo carab iyo qoraal
Tixdiyo arartaan ka dhaho
Hadday tahay same adeeg
Adaan rajo kaaqabaa
Fadliyo ajar kaa filaa
Amaan iyo baan I hoda
Adduun iyo maalka gudha
cid kale kama sugo amaah
Qofkii ooyaan dartaa
Kulayl olol iyo cadaab
Jaxiima il-saarahayn,
Rabbow iga keen ilmada
Idaajaa iyo Wattiin
Kolkaan Araxmaan akhriyo
Rabbow iga keen ilmada
Kolkaan eegmada dhulkiyo
Abuurtiyo dheehdo buur
Cir iyo uunkaagan dedan
Eeboow labadii I bilay
Aabiyo hooyadii I dhalay
Siday anba ii korsheen
Rabbow adna iigu dhawr
Dharaar weeyaan ifkuye
Jaliil ha I oofsanuun
Anoon weli gudin abaal
Axsaantay ii faleen.
Haddaan anbadoon mugdiga
Ku lumo oogli’ habeen
Rabboow ii daar ilays
Iftiin iyo nuur cilmiya
Haddaan dhaldhalaal adduun
Ugbaad iyo moodo abid
Ormada sheydaanku wado
Qaraabiyo moodo ehel
Ogaan ma ehee Rabboow
Albaabka hanuunku jiro
Abbaar igu soo hadee
Falkayga ikhlaas ku deyr
Caqiidiyo diin ku ood
Asluub iyo dhaqan ku beer,
Rabboow iga dhawr iblays
Ishiyo ruux yu’asho kulul.
Raboow ducadiisa maqal
Il iyo cawrina ka dhowr
Adaan kuu beryee Raxmaan
Rasuulka jaar uga dhigoow
Allow jahannaba ha gayn.
Aamiin
Allow ka aqbal ducada
Jannadii fardowsana gee
Nimca iyo barwaaqa
Allow korkiis ka yeel
aamin aamin aamin ilaahay ducadaa ha kaa aqbalo Cilmiga Caafimaadka Caqliga iyo Cimrigana alle ha kuu siyaadiyo
Allaha aqbalo inshlh aad ban u jecelahy gabayadaada yaxye inkasto anan qaarkod horay ka fahmin 3 ama 4 markan aqriyo ama dhagesto ayan fahma mashlh allow kuu ziyaadi
rabow kii galad daada gala
guhaad ciil iyo cadaab
rabow jahanmo maglo
gasiin anfacuu cuno
gacal iyo xigta jcl
rabow marna ma waaya ye
rabow gargaar aduun
adoonkan tixtiyo
oraaah tii qurxon
tartiib ku nazahay
rabow sugaalki aaqirana
xural cayn tii janaad
rabow gacliki ka yeel
mashallah walalkay allow ku dhawr yaxye .
yaaa allah halka uuu wax ka arkay anagana naga yeel kuwii ka arka
aamiin
afkkisu ku toosiyaa
aflaagato kuma hadaaqo
aqbal eebow ducadiisa
Masha allaah masha allaah
Yaxye zxp walaahi xaqiiqatan aad baan uga helaa gabayadaada
Alle hakuuu siii siyaadiyo
Abwaan jira allow ku daaaaa
Comments are closed.