Itaal iyo muruq laxaadka
Awood iyo cudud ladnaanta
Kartida adag iyo hal deeqa
Anigu waxaan ahay afkayga
Astaan muuqliyo sifaynta
Abbaar toosiyo caddaynta
Sawraca Soomaali aadka
Anigu waxaan ahay afkayga
Abtiga iyo inaabtigayga
Adeer iyo ina-adeerka
Awoow iyo oday mocooyga
Anigu waxaan ahay afkayga
Axdiyo aahdiyo jibaadka
Aheey iyo caku tolaayda
Wirtiyo carta iyo allaayda
Anigu waxaan ahay afkayga
Isaga iyadiyo tusmaynta
Kuwaas iyagiyo intaasba
Innaga adigiyo inteenan
Anigu waxaan ahay afkayga
Haddeer ammintiyo ayaanka
Hadhawtiyo arag fogaalka
Illaa dura taariikh awaalka
Anigu waxaa ahay afkayga
Abwaan hal-abuur le eegga
Odhaah gabaygiyo ujeedka
Ararta beyd liyo geeraarka
Anigu waxaan ahay afkayga
Indhaha dibnihiyo sankayga
Gacmaha addimada jidhkayga
Oogada saantiyo dushayda
Anigu waxaan ahay afkayga
Hayinka awrliyo hashayda
Hantida adhi iyo lo’dayda
Fardaha ashkirliyo gammanka
Anigu waxaan ahay afkayga
Alliyo Nebigay ammaanka
Caqiidiyo diin iimaanka
Addoonnima iyo islaamka
Anigu waxaan ahay afkayga
Himilo yididiillo oolka
Aqoon garashiyo xiskayga
Yoolkiyo ulashada hankayga
Anigu waxaan ahay afkayga
Akhriska shaqalkiyo qoraalka
Shibbane aamusan xuruufta
Ayidka ereygiyo dhawaaqa
Anigu waxaan ahay afkayga
Ab iyo ka abkay awoowga
Sinjiga isir sheegadkayga
Magaca iyo habel ahaanta
Anigu waxaan ahay afkayga
Af iyo af sooomaaligayga
Yaxye, ilaah hanoo badiyo noocaaga, insha’allah
man sha allah wll yaxye illahey adiigo kale ha naga ka dhigo aad ayaan uga heleyna maansada [aigu waxaan ahay afkeyga ]
Masha allah walaal allaha ku deyso
Message*masha allah alle ha ku ilaaliyo
Yahye illhy hkuu dayo cqliga iyo garaafkana hkuuu siyaadiyo abwaan qiimo leh waad thy runtii
masha allaaaah abwaan illaaah hak xafido
Comments are closed.