Soddon iyo sifir

6
2223

Subax iyo aroor hore

Maalin ay salaasadu

Tahay yawm lawada sugay

Cadceedduna sideedii

Sagal nuur ifaysoo

Diigguna sidiisii

Ciyay oo sannaadhoo

Shinbiruhu sidoodii

Sogsogtii dusheedii

Subciyeen afkoodii.

 

Subaxdaa lasoo kacay

Dadku waxay ku seermeen

Dusha ay ka saarmeen

Laba dood isugu safan;

Midi waa sabooloo

Sifir weeeyi magacii

Kakale-na Siciidoow

Soddon weeyi tira oo

Surka iyo intaa hore

Sida goray haldhaabuu

U socdaa adduunyada.

 

Sifirbaa hadloo yidhi

Soddonoow la’aantay

Saddex maad ka badataa?”

 

Soddonbaa xanaaqoo

Yidhi “sifir dalooloow

Siirooga eberkoow

Magac laysku sara oo

Dadku wada saluugoow

Aniga ku sabayoo

Dadka kaa saldadayoo

Silic kaa yar duwayee

Ma haddaad sinbiidhiyo

Saddex maad ka badataa

Dadka aad ku siraysaa”

 

Walee sifir dalooloow

Intaan kaaga saydhoon

Suuqyada dhex geeyaan

Saddex aniga oo kale

Ku labayn salkaygoo

Soddon iyo markasaan

Saddex waiba dhafiye

Hay carin sideedaba”

 

Sifirbaa qosloo yidhi

“Alleylehe si-alagtaa

Iyo si-xun u hadalkaa

Waan kaa sugaayoo

Hadalkana sartaada

Hortaaba dar saaqmiyo

Dadku igu siifeeyo

Yaab iima saafnee,

 

Ma ogtahay siqiiroow

Saaxiib nimaan nahay

Afar lagu sammeeyoo

Tiro kaa sal-weynoo

Sina kaa gu’ waynbaan

Uga yeedhi surinkoon

Ku labayn salkaygoo

Soddonkaba miskiinoow

Saddexbaad wax dhaaftee

Tobanbaan ku saayidin,

Afartanbaan sidaydii

Tiro aan dul saariye

Iska soco qabwaynoow”

 

Soddonbaa haddana yidhi

Sidaa waan karaayoo

Anba saddex labaadbaan

Ku labayn salkaygoo

Saddex boqol in iyo dhawr

Si-allaan ku gaadhiye

Hay carin sideedaba

 

Sifirbaa yar fikiroo

Sirta hoos u eegoo

Yidhi “kaagan soddonoow

Magacaygu waa sifir

Saranseer gu’ jiilaal

Saydhi maayo abidkay

Soddonoow se duuboo

Tiro lagu dhuftaa sifir

Milyan haba sabbaysee

Eberbay ku siisaa !!!”

 

 

Xayasiis

6 COMMENTS

  1. Waa maalmo duniduye farxad ku noolow abwaanka macalinka aftahanka soomaaliyeed Allah haku.xiftiyo walal

  2. Walee ninkan waa ABWAAN dhaba runtii ereyo miisaamana leh waan kuu hambalyaya nayaa halkaa kawad , haka daalin hawshaa zxp.

  3. ninkaan waa nin wanaagsan rida kamiuqada wajigiisa ilah ha xifdiyo walal ken aamin.
    halkaas kasii wad walal

Comments are closed.