Caannimada Baraha Bulshada

1
2522

 

Muddo toban sanno ka badan ayaan baraha bulshada wax soo saar suugaaneed ku soo bandhigayay. Dadka aan ku baranayay iyo dhacdooyinka aan la kulmayay ayaa ahaa qaar wax badan iga beddelay dabci ahaan iyo hab feker ahaanba. Mashaakil badan oo aan kala kulmay se aan hadda meel ku suntaday xalalkooda ayaan arkaa dhalin badan oo haatan u taag la’. Mid ka mida dhibaatooyinkaas ayaan doonayay inaan wax yar halkan ku bidhaamiyo.

 

Dhalinyar badan oo caan ku noqday baraha bulshada kuwaas oo wax soo saar kala duwan ku soo bandhiga kobtan ayaa jira. Weriye ha ahaado, abwaan ha ahaado, fanaan ha ahaado, nin xil haya ha ahaado, qof wax sawira ha ahaado ama qof iskii isku diray oo adeege bulsho ah ha ahaado. Badankoodu wax qabadkooda halkan ayay inoogu soo tebiyaan.  Had iyo goor na dadyowgaas waynu u riyaaqnaa, iyagu na riyaaqaas ayaa hibooyinkoodu ku sii dararaan.

 

Dhalintaas oo riyaaqa iyo taageerada u baratay ayaaa waxa suuragala in ay hal mar soo dhigaan shay qaldan, ama saxsan se aan laga filanayn. Hal mar ayaa dadka ugu jira oo dhami ku qamaamaa oo eed iyo dhaliil dusha kala dhacaan. Iyaga oo dhawr jeer niyad jabsan oo wixii ay jeclaayeen ka tanaasula isle ayaan dhawr jeer la kulmay dhalintaas.  Ereygan kooban ee aan idinla wadaagayo ayaan u sheegay dhamidood.

 

Marka aanu caafimaadka baranayno, waxa la noo dhigaa in ay jiraan xanuuno loo yaqaan “Apportunistic infections” oo Af-soomaali ku noqonaysa caabuqa yimaad kolka uu qofka ka il-helo. Waxa ay ku dhacaan keliya xanuunadaasi kolka uu qofku il-darnaado ee uu difaaca jidhkiisu na itaal gabo. Inta kale waa qaar si dabiiciya kuula nool oo mararka qaar caawiya ba jidhkaaga.

 

Dadka na waxa jira taageero badan oo kumanaan kun ah oo la socda bogga aad ku leedahay baraha bulshada. Si dabiiciya ayay kuula socdaan dhaqdhaqaaqaaga iyo afkaarta aad hadba soo bandhigto. Waxa ay naawilayaan hal mar oo aad qaldanto ama wixii lagaa filayay wax aan ahayn aad soo dhigto. Halkii ay dood ama caqli celin kuu bilaabi lahaayeen, dhaliil kama danbaysa ayay kugu genbinayaan. Waxa ay eeganayaan oo ay sugayaan keliya mar aad u nuglaato oo aad qalad u gasho.

 

Dadka ku taageera, ama haddaan si kale u dhigo dadka kuugu jira ee kula socda baraha bulshada, ha wada moodin in ay yihiin qaar daa’im ah. Dadyow badan ayaa kuugu jira kuwaas oo naxli iyo nacayb ku ka buuxo se raadsanaya kola ad nugushahay.

 

Taas waxa lagaga gaashaantaa marar badan in mabaad’idaada iyo qiyamkaaga aanad halbeeg uga dhigin faalooyinka baraha bulshada. Se ay ahaadaan qaar aad waayo aragnimadaada iyo aqoontaada badankooda ka soo dheegto. Haddii laga maarmi waaayo, koox dad ah oo aad ku kalsoontahay ayaa la samaystaa kuwaas oo aad faaladooda ku shidaal qaadato.

Arinka labaad ee ay tahay inaad ogaataa waxa ay tahay; adduunyada isna ma liibaano qofka le na wax u ma taro qofka is yidhaa shakhsi kasta raali geli. Marka aad bulshada dhexdeeda wax ku soo bandhigayso, ku talo gal in aan aadmiga oo dhami kuu wada sacab tumayn, xataa adiga oo wanaag wada. Nebigeennii (NNKH) oo kitaab Rabbi siday ayaa kuwii uu ka dhashay dhib mariyeen. Sidaas darteed, ha ku talo gelin in aad dadka oo dhan raali geliso. Se ku dedaal in wixii aad u socotay iyo mabda’aagii aanu is bedbedlin ama taageero kun qof ah ku hel ama taageero hal qof ah ku hel.

Mahadsanid.
Haddii uu qoraalkani ku cajabiyay fadlan wadaaji oo “SHARE” taabo bogga xagga sare.

 

 

 

1 COMMENT

  1. Abwaane xaqiiqdi ayaad taabatay ,waana dabciga lagu garan karo maangaabnimada.
    Diinteena ayaa nafaraysa inaan lagu dagdagin malaha xun oo qofku uu wax hubsado haduu lakulmo khabar xun,
    Sidoo kle diintayadu waa naseexo ,oo ruuxu waa bini aadam ,hadaad wanaag uga baratay mar unbuu simbirixi karaa warayso unaseexee ucaqli celi waliba si khaasa.

    Marka abwaane waa saas marnaba ha isku daalin raaligalinta bini aadamka yoolkaaga kuso wa tawakkal calallaah.
    Suaal
    Abwaanimada mafir ama hiddo ayaad uleedahay mise adaa isku arkay??
    Thanks
    Hooyo soomaaliyeed

Comments are closed.