Isha lali bal daamaha
Dusha eeg bal fooraha
Cadceed iyo daruuraha
Dhibicdiyo darrooraha
Darandoorri tiixaha
Onkodkiyo dillaamaha
Danabkiyo mar guuxaha
Dayax iyo bidhaamaha
Inta duun ku meeraha
Xidig iyo dagaaraha
Ma ku daashay faayaha?????
Afartaa dabuubaha
Ma u daadshay dhaayaha
Ma ka diiday baanaha
Rabbi deeqsi kaymaha
Ku daboolay geedaha
Marna daayin uumaha
U daleeyay maalmaha
Ku shukriya bal deeqaha
duco tuuga Eebbaha
Duufaan wax laayaha
Ama daad wax qaadaha
Rabbigii dabaylaha
Nagu deyray buuraha
Nagu daahay beeraha
Marna daaqa xoolaha
Nala doonay caanaha
Ku shukriya bal deeqaha
Duco tuuga Eebbaha
Naf ka dabar waxyaabaha
Lagu ba’o dunuubaha
Ama daw hallaabaha
Dardar maan ku baaqaha
Damac waali qaadaha
Qofka kii danbaabaha
Kugu dira sameeyaha
Ka dabbaal umuuraha
Kugu duwa cadaabaha
Dunji dhalad addoomaha
Jidhkan daawo goobaha
Iyo diirka soocaha
Dusha guud dhalaalaha
Ka dawooba boogaha
Docdan eeg bal feedhaha
Ku darsoo bal seedaha
Ku il doogso waaxyaha
Xayawaanka duulaha
Ama geed dul fuulaha
Codka deggan dhawaaqaha
Ama diig sanaadhaha
Rarashada dameeraha
Daa’uus lamoodaha
Saca dibiga qooblaha
Dusha biyo sabbeeyaha
Bogga beer ku daaqaha
Badh dugaaga shaashlaha
Daris oo bal saanlaha
Ka dabbaalo hawlaha
Dhulku dooxyo laagaha
Banka daadsan reeraha
Carro duuban xeebaha
Dugsashada fagaaraha
Lagu daaho maalmaha
U dalxiis tag goobaha
Laga doonto qaayaha
Afartaa dux ii dhaha
Lagu daro xaq-kaabaha
Xasan daahir weedhaha
Sida uu dabuubaha
U dirsoocdo qaybaha
Aan u daadsho heesaha
Ku da’ gabay awaalaha
Ku digriyay umuuraha
Ku dacwiyay ma-faafaha
Una dooxay feedhaha
Sikastoon daliilaha
Ugu deexo haamaha
Maba laha dareemaha
Lagu diro dhaqaaqaha
Dirirtiyo colaadaha
Ka shidaa dab qiiqaha
Dimuqraadi sheegtaha
Sharci duul ka soomaha
Degel kale xagaafaha
Xeer keli ku daaqaha
danta qaran xarraashaha
Kugu daga la-moogaha
dugu duba af-qaadhaha
Ma ogtahay daliilaha
Dhab xadiis daweeyaha
Yaa ka roon dirsoocaha
Lagu kabay dudduucaha
Dulucdaydu hee dhaha
Waxa weeye doodaha
Dawarsiga ku quutaha
Qof dajjaal ahaanshaha
Qof dallacay u haystaha
Dawan iyo def qaataha
I dayaay ku dheefaha
Dub siyaasi yeeshaha
Ma ogtahay diraalaha
Adigoon dir-jiidhaha
Ama noqon dhab dooxaha
Inaad duni yagleelaha
Noqon kari dabiibaha
Loo bogo dadweynaha
mnsha allah bro
waxa tahay abwan hal abuur
hibo ilahay u siyay wax curinta wn kuu ducaynayaa
inad qonoto qof lagu daydo gayiga soomalida insha allah
Farshaxsnimada suugaaneed ee yaxye yeebaash marka laga tago Macnaha iyo humaaga mug weynaha ah ee ay xanbaarsan tahay maansadani, Waxaa aad ii xiisa geliyeyey oo uu yaxye kaga soocan yahay hal abuurada afka soomaaliga ama uu gaar la yahay (rhythm) oo macnihiisu yahay jaangooynta beydka heesta ama gabayga waxaana caan ku ah Gabayada ama heesaha afka carabiga iyo latin ka, marka laga tago xaraf raaca iyo habdhaca u fiirso jaangooynta beydkasta wuxuu ku dhamaynayaa rhythm ama dhawaaq is ku mid ah ,
Laha, Maha, taha, naha, dhaha , shaha….. Hal abuurada adeegsadaa ee asal ahaan soomaalida ahi way yaryihiin Dhawaaqyadan ma rhythm ka.
Allaa yacisak yaxye yeebaash!
Abwaan yeebaash walal wax badan wan dhagaystay gabayadaada waanan la dhacay ma filayo inuu jiro abwaan dhalinyaro ah oo illaahay siiyay mawhibadaada iyo caqligaaga oo kale alle haku dhawro walal oo hanoo kaa daayo aad baanu ugu baahanahay soomaali ahaan dadka adiga oo kale ah.. waad mahadsantahay
I dayaay ku dheefaha
Dub siyaasi yeeshaha
Ma ogtahay diraalaha
Adigoon dir-jiidhaha
Ama noqon dhab dooxaha
Inaad duni yagleelaha
Noqon kari dabiibaha
Loo bogo dadweynaha
Masha allah abwaane waa maanso micno weyn ku fadhiso
Comments are closed.