Layaab weli shay ma yaabtay
U yeedhay nimaan layaabin
Markaad tidhi waa layaabna
Layaabka ma kuu xambaaray
Adoo libin-laab layaabban
Dushaada layaabka saaran
Maansada ma layaab dhawaaqday
Layaabkan layaab layaabay
Haddaad adiguna layaabto
Layaabka waxaa lahaaday
Layaabbadan kii u yeedhay
Naftaydu qof ay layaabtay
Layaabtay markay ka yaabtay
U yaabtay markay layaabtay
Ayaan wali ruux layaabban
La arag lana maqal layaabye
Adduunyadan aan layaabay
Dadbaa jira aan layaabin
Layaabka markaad layaabto
Dadbaabaa layaab ka qaada
Layaab sababtaad u yaabtay
Waxaa jira ruux layaabban
Aduunyadan aan layaabay,
layaabka markaan abbaaro
Ku sheego layaab layaabo
Ka yaaba sidaan layaabka
Layaab ugu qaab tilmaamo
Waxaa jira ruux layaable
Layaab u yaqaan layaabka
Si aan dadku uba layaabin
Layaab dafiroo yidhaahda
Layaab maba arag layaable
Layaabbadu kala layaabsan
Dadkuna kala goor layaabban
Ha yaabin markaan layaabka
Ku sheego layaab aan yaabay
layaab badan maansadaydan
Layaab male kii layaabay
Kolay adiguba layaabtay
Layaabadan aan dhuraayo
Layaab se waxaa lahaaday
Layaabba nimaan ka qaadin
Layaabka wixii mar keenay
Layaab iga yaabka baaji
Ii hiili layaab mar uunbal
Layaab ila yaab hadduun bal
Ha yaabo dadkuye layaabbal
Layaab isu sheeg layaabkan
Layaaban naftaydan yaaban !!
Alleylehe waa layaabay
layaab kala jooji yaabka
U jooji dad aan layaabku
Ahaynba layaab kashooda
Layaabse waxaa waxaa lahaaday layaaba nin aan ka qaadin layaabka wixii mar keenay waa run wlh
allah jecliyaa gabayadaadu wixii laga gabyaaba waarun la iskama gabyo wlle ciyaar looma gabyo waxaasaa inana
Masha Allah akhii casiis jasaaa ka laahu khayr maasooyinkaaaa oo kale ayey dadku u baaahanyihiiin
Masha allah wlh waa gabay aad u macan run ahantii inta badan gabayada abwan yaxye wa gabayo an aad u qadariyo sameeyn wayne igu yeesha masha allah markale il cadsw allaha kaa dhawro abwaan
layab mansadan aad bey ii jidatey
abwaane yeebaas wallahi waxaa tahay abwaan aan jeclahay lkn mid makaa codsadaa abwaan in aan gabetadaada isticmaalo oo aan sii gudbiyo oo bulshadad aan la wadaago kawaran abwaan
Maa sha Allah
Masha allah calyk
Masha allah waa gabay aad u fiican
mash alh ilahy caqliyo fahanka kama qaaado
Comments are closed.