Nasiib badan

2
2651

Hooyadu naaskay nuunuu ku habtaa

Walaashu naruuro Waa nicmadoo

Nimay la barbaartaybaa nafisee

Habluhu naago maaha loo nin xidhee

Naayada gabdhaha ka daaya niyow

Nuuraay magacaagu wa nassaboo

Nalbaad tahay daara duun nawiroo

Intaad nooshahay ma naaqusayoo

Nafaad ifisaa maansada nuqushoo

naxwaha garashada naqdiya bilaneey

hadalka nuxurkaad ka nuugtaayoo

nuunaas qawlkii nuxuusi hagtiyo

naxliga qalbigaagu Waa ka nadiif

 

jacayl naannaabka waan nassiloo

dadkuu nabar iyo boogaha ku naboo

niyadda qalbigaan nuskiis u jaroo

nusqaan male keenu Waa nooc kaloo

waxaan nacay sidaanan ku nicin

 

raggana nacas iyo nasakhu badanoo

labnimo nimanbay qab uun nafcisoo

badhbaa neef iyo naylaha lamidoo

wallee nafarkood nuskaa ma heloo

mid naadira ood naqaysata iyo

ma naawishid kaan ku naadininoo

ma naaxisiduun mid nooli sitoo

namiimka adaan kashaaa u nuglayn

 

nasteexadu Waa nafaqo buuxdoo

nasrigu Waa guul cadhada nicidhoo

badhbaan ku negayn haddana nuuraay

nafluhu waa kala nidaamkaasoo

adoo nastayoo riyaaq nafiisaad

haddana najaxdaa nasiib badaneey

 

jacayl naannaabka waan nassiloo

dadkuu nabar iyo boogaha ku naboo

niyadda qalbigaan nuskiis u jaroo

nusqaan male keenu Waa nooc kaloo

waxaan nacay sidaanan ku nicin

 

naqshada sidaa eeba kuu nabnabiyo

neecaw laydh iyo dhulkoo naqa iyo

nujjuum xiddigbaad ka tahay nuurkoo

hawada naqas iyo neeftaad tahayoo

nabdiyo uurkaagu Waa negiyoo

nitaaqo walaac malaha nixidoo

nadaabana waad ka nabad gashayoo

nayaayiradaadu Waa nacamoo

rassuul nebigaad u noqotaayoo

nagaad farxaddaad ku naalootaa

 

 

 

Xayasiis

2 COMMENTS

Comments are closed.