Hadraawi iyo afar nin oo ay jaal ahaayeen ayaa waxa ay ka soo guureen Cadan iyaga oo yimi magaalada Muqdisho. Guriga ay degeen midka ka soo hor jeeda waxa u hoyata gabadh aad u qurux badan. Marka laga reebo Hadraawi, afarta nin ee kale waxa ay la dhacsanaayeen quruxda gabadha. Waxa ay guriga ka samaysteen dalool ay ka eegaan gabadha. Midba midka kale isaga oon arkayn ayaa uu daloolka ka eegaa.

 

Maalin uu roob weyni da’ay waxa dhacday in daad xad-dhaaf ihi soo galay gurigii ay deggenaayeen. Hadraawi oo magaalada ka yimi ayaa soo galay iyada oo guriga daadku qulqulayo. Waxa uu arkay afartii nine e kale oo iyagu ku hawlan In ay gurigii inanta daadka iyo biyaha ka soo saaraan, halka koodii biyuhu cimidh yihiin!

 

Muddo kadib ayaa afartii nin is ogaadeen. Waxa ay ula yimaaddeen sheekadii abwaanka.

Halkii ayaa uu ku curiyay heesta la magacbaxday “Suleekhaay araggaagu!”. Heestaa markii la qaaday ayaa ay inantii si wacan u dhegaysatay oo ay fahantay. Markii riwaayaddii laga yimi ayaa ay inantii wiilashii ku sii sugtay kaabaddii guriga. Waxa ay u sheegtay in ay go’aan gaadhaan oo ay iyada u soo cugtamaan. Hadraawi na waxa uu soo jeediyay in ay iyadu mid doorato. Halkii ayay ku dooratay oo ay ku calfatay afartii wiil mid ka mid ah.

 

Heesta oo qoran halkan ka akhriso:

 

Idaa subag laga lulaa,

Lo’baa saan laga baxshaa

Geel baa sidig loo ogaa,

Sengaa orod lala ekayn

Sareedo Illaahay baa leh,

Hablaa Soomaaliyeedna

Haddaan quruxdooda saanyo,

Haddaan miisaanka saaro

Sagaal tobankii adaa leh

 

Suleekhaay araggaagu,

Nafta waw samir-siiso

Saddex bay ku qaddaaye,

Ha ka goynin salaanta

 

Sansaankaagiyo jaaha,

Sara joogiyo tooska

Dhexda soohane tooxda,

Sayn fardoodda ka dhuuban

Biixiyaa isa saran,

Gaaraara kala soocay

Sanqaroorka la dhiibshaa,

Nafta aan sasabaayo

Somal-haad gelinaaya

 

Suleekhaay araggaagu,

Nafta waw samir-siiso

Saddex bay ku qaddaaye,

Ha ka goynin salaanta

 

Saatirkii ku abuuree,

Saluuglaay indhahaaga

Saldhiggooda qorsheeyee,

Saxarkii ka daboolee

Baalashooda ku saabshee,

Suunniyaa ku hadheeyee

Hareeraa kaga seeraa,

Hibo gaara ku siiyoon

Cidna kuula sed qaybin

 

 

Suleekhaay araggaagu,

Nafta waw samir-siiso

Saddex bay ku qaddaaye,

Ha ka goynin salaanta

 

Saatirkii ku abuuree,

Qoortan aad samay mooddo

Cabbaadhyaa ku sargooyiyo,

Sidrigaagiyo laabta

Timahaagan ku seexdee,

Kolka aad doc u saydho

Sararaa ka degaayee,

Sabarkaaga tegaayaan

Samayskooda la yaabay

 

Suleekhaay araggaagu,

Nafta waw samir-siiso

Saddex bay ku qaddaaye,

Ha ka goynin salaanta

 

Saaray baanad ahayne,

Saancad weeye jacaylku

Surradaan la dhigaynin,

Heeryo weeye ku saran

Soodh halbowlaha gooya,

Seef ku guud sudhan weeye

Nin ka saahidey oonta,

Aawadaa uga soomay

Saymo looma horseedee

 

Suleekhaay araggaagu,

Nafta waw samir-siiso

Saddex bay ku qaddaaye,

Ha ka goynin salaanta.

 

Xayasiis

1 COMMENT

Comments are closed.