Saddex Shay Oon Aabbahay Ka Bartay

4
10989

Saddex Shay Oon Aabbahay Ka Bartay;

Maalin dhawayd waxa aan bartayda Facebook-ga ka codsaday dadkii ku jiray in uu qofkastaa nala wadaago hal waano uu waalidkii ka dhaxlay. Talooyinkii iyo qoraaladii la soo qoray waxa ay noqdeen qaar dareenkayga beddela. Waxa aan jeclaystay anna inaan idinla wadaago saddex aan aabo ka dhaxlay iyo saddex aan hooyo ka dhaxlay (Qormada tan xigta ayaan ta hooyo ku soo qaadan).

  1. “Hablahaygu shaqaale idiin ma aha”

Dhaqanka Soomaalida waxa caado iska ah in habluhu u adeegaan inamadooda.  Waa dhaqan qurux badan, bal se waxa gef ah in lagu jaangooyo kartidooda mid dharka iyo weelka uun maydhi karta. Aabbo sida uu hablaha u aaminsanyahay uma aaminsana inamada ila dhashay.  Haddii aanu isku dayno in aanu ku adeeganno ama jujuubno waxa uu nagu dhahaa “Hablahaygu idinka idiin ma shaqeeyaan ee shaqaysta, anigu idinka idiin maan dhalin.”

Inanta guriga ka shaqaysa ee mushaharka qaadata waxa uu u yaqaanna mishiinka guriga. “Sagaal caruura qofka cuntadooda iyo weelkooda ka shaqeeya ayaa haddana la siinayaa lacagtaas yar, bal kawarama?” ayuu badanka dhahaa. Raggu hawsha dumarka way yasaan, isagu se dhar maydhka, cunto karinta iyo guri nadiifintu waxa ay u tahay shaqooyinka ugu qaalisan. “Sow noloshu kuma xidhna?” ayuu ku odhanayaa.  Weedh baan ka helay uu maalin igu yidh; “Askarta iyo haweenku waa labada kooxood ee bulshada dulman, labadaba dedaalkooda waxa qunyar sheeegta nin xafiis iyo kursi wareegaya ku fadhiista”

  1. Afafka qalaad iyo Afka Soomaaliga

Aabahay waxa uu ahaa lodkii af-soomaaliga wax ku baratay dugsigoodii hoose, dhexe iyo sare ba.  jaamacaddii na waxa ay  ku qasbanaadeen inay wax ku bartaan Af-talyaani.  Haddeer na jaamacadaha dalka ayuu Af-ingiriisi ku dhigaa cilmiga dhaqaalaha. Mashaakil badan aya kala kulmay sidii uu isugu hal tebin lahaa dhawrkaas af isaga oo arday iyo macalinba ah. Anigu hal-abuur suugaanta sameeya ayaan ahay, aniga oo jibbaysan ayaan u imaadaa kolkaasaan ku dhahaa “Af qalaad aqoontu miyaa?” Waxa aan u imaadaa aniga oo aaminsan in ay saxsanayd waagii afka soomaaliga waxbarashada lagu dhigi jiray.

Si yar oo deggen ayuu maalin ii qanciyay. Maalintii laga bilaabo fahanka aan ka haysto afafka iyo adeegsigooda wax weynbaa iiga baxay. Wuxuu igu yidhi “Afkeenna in aqoon lagu qoro dabadeed wax lagu dhigtaa waa guul, se su’aashu waxa weeyaan afkeennu ma gaadhay in aqoontaas lagu qoro?  Ma leennahay awoodda uu ilmuhu ku heli karayo intaas oo buug oo cilmiga Sayniska ah oo Af soomaali ku qoran si uu ilmuhu aqoontiisa u tixraacan karo? Annaga ayay sidaasi nagu dhacday oo inta buug yar oo Soomaali ah lana qaybsiiyay dabadeed aanu weynay jaamacaddii meel aanu aqoontii uu doonno. Dib ayaanu u soo wada bilawnay “Terms-kii” aqoonta oo af kale ku qoran. Kolkaa afkeenna aqoonta ayaa ka muhiimsan. Xalku na waxa weeyaan in la isla koriyo afka iyo aqoonta, oo ardayga ereyga oo Ingiriisi ahi buugga ugu qornaado sharaxana Soomaali loogu sheego (Bilingual policy of education). Laakiin se ma aha aqoonteenna iyo awooddeenna oon korin inaynu afkeenna hor cararsiinno ama markaba dugsiyada hoose iyo dhexe Soomaaliyeenno. Taasi waxay dhalaysaa jiilal aqoon ahaan dhufaanan oo aan laybareeriga geli Karin. Carabta oo inaga da’ weyn af ahaan iyo dawlad ahaanba,  way awoodaan inay dhammaaan aqoonta jaamacadaha u beddelaan Af carabi laakiin qof jaamiciya oo dhego xidhan ayaa soo baxaya. Kolkaa afkaaga inaad wax ku dhigato oo buugta taalla laybareeriyaddu dhammaan afkaaga ku qornaadaan waa meel la gaadho oo ummaddu gaadho se ma aha meel afka uun loo daaqsin geeyo.”

  1. “Crowd-ka ha ka mid noqon”

Weedh ayuu maalin igu yidhi aniga oo yar. Maalintaas maan fahansanayn waxa uu u jeeday, waayo weedhaas erey af Ingiriisi ahbaa baa ku jiray. “Crowd-ka lagama mid noqdo waa se laga aragti dheeraadaa” ayay odhaahdu ahayd. Waxa ay qiyaastii u dhigmaysaa kolka la soo hal-tebiyo “Dadka caadiga ah ha la mid noqon, waa se laga aragti dheeraadaaa” Haddii annaga oo TV daawanayna ama BBC dhegaysanayna uu soo galo qof aan aqoon lahayn dabadeed laga warsado wax aanu aqoon u lahayn, waxa caado u ah in uu yidhaahdo “Qof caadiya oo suuqa jooga ayay wax weydiiyeen.” Kolka uu arko nin xil haya oo aan lahayn aqoon uu wax ku hoggaamiyo waxa uu yidhaahda “Kani waa qof caadiya oo caqligiisa caadiga ah buu inagu wadaa!”

Aadbaanu u qosolnaa kolka uu sidaas yidhaahdo.  Laakiin marba marka ka danbaysa xigmadda ku jirta ayaan fahmaa. Isaga oo maalin sharaxaya sababta uu sidan u yidhaahdo ayuu nagu yidhi “Qofku waxa uu leeyahay indhaha caadiga ah ee uu wax ku arko, sidoo kale waxa uu leeyahay caqliga oo uu wax ku arko. Qofka se aqoonta lihi indho saddexaad ayuu leeyahay oo ay aqoontu u yeeshaa. Qofka ay tahay inu ku amraa waa qofka isha saddexaad le, laakiin qof indhahaaga iyo caqligaaga oo kale lihi waxba kuuma sheegi karo kumana hoggaamin karo waayo kaas waad murmaysaan”

Inta waalidkood u noolyahay dhammaantood cimri dherer iyo cibaado suubban ayaan u rejeynayaa inta ay ka geeriyoodeenna naxariis iyo janno ayaan u baryayaa.

 

Yaxye Yeebaash

Guul iyo gobonimo

 

4 COMMENTS

  1. waan kaaga mahad celinayaa Fekerkga qurxda leh e aad nala wadgy aqoonyan Yahye Yeebaash.
    buug aan qorayay imika 4 bilood (bilingual) oon is leeyahy sandkn daba yaaqadiisa soo bandhig ayn waayay terms kii af soomaliga. marka waxn is weydiiyay ma waxd qortaa buug aad soomaali iyo ingriisi ku tilmaamayso haddana ku wada qoran ingiriisi.. ileen Erey bixin rasmi ah ma jirto af soomaliga e. muddo kadib waxn door biday inaan Somaliga ku qoro keliya hor dhaca ah ama DULUCDA oo ah innaha u muhiimsan. markaa qodob aan arkay ayaad ka hadashay.. Allena halkaa Afkeenna ha gaadhsiiyo..mar 2aad mahadsanid Dr YY 🙂

  2. Waad Ku mhad San tahay wll fikirkaaga qurux da badan ee aad nala wadaagtay
    Wll qofka aqoonta leh wax badan ayaa laga faaiidaa mahadsanid huno alle haku sharfo
    Dr yaxye yeebaash

  3. Amiiin amiiin alle ha unaxaristo dhaman wlidka wlhi yexye dhaxal wangsan weyan
    Qof kuna hadu mar dardaranki wlidka qato wadadi gusha ayuu usocda

Comments are closed.