Maxaa curri Land-ta jooga
Dadkoo casar gaaban seexday
intuu caanaha dhammeeyo
Cad iyo hilibkana idleeyo
Ciddii fashay goor la-yaabay
Indhaha intuu soo caddeeyo
Cakuye ku idhaa ma joogin
Manaan cunin jiidh ayaamo
Maxaa curri Land-ta jooga
Markuu curri kale dilaayo
Intuu afka uun ka caayo
Rasaastiyo qoriga caaggan
U dhiga wadhatada cadkooda
Hadhaw godka goor la ciiray
Islaantuna curadka wayday
Ku caan baxa way dileene
Cutiya tacsidayda qaado
Maxaa curri Land-ta jooga
Aroortii suudh ku ceesha
Caawiyo fiidkeena gaaban
Cimaamad intuu hagoogto
Beeshiisa caways la qaato
Suldaan iyo caaqil sheegta
Maxaa curri Laan-dta jooga
Dad caawi markaad tidhaaho
Ee aad cabashana u sheegto
Caydhiyo filin mooda gaajo
Abaarta ciyaar u haysta
Ku ciida dhibtaad ka oydo
Maxaa curri Land-ta jooga
Intuu bisadaha canaanto
Dadkana caammada kaxaysto
Caqaar iyo jaad ku keeno
I doorta kusoo cabaado
Kuwiiyoo caleemo saarka
Ku heesaya caawiyoow
Adaa naga hayya colkoo
Adaa caadila halyey
Cod iyo taageero buuxda
mujaahid curroow ku siinay
Kollay cadka waad badhaaye
Adaan naga cunin bariiska
Maxaa curri Land-ta jooga
Ciddiyo miciyaha libaaxle
Cir iyo dalqadiisu wayntay
Haddana genayow codkiisa
Marku ciyo aad qushuucdo
Maxaa curri Land-ta jooga
Caruurtisiyo gurboodka
U diray carabaha dalkooda
Ciyaalkagana gadoodsha
Maxaa curri Land-ta jooga
Kitaabka cadiim quraanka
Sagaal cisho gacanta saaray
Ku dhaartay casiiska uunka
Haddana cakisaaya diinta
Caantaynkiyo quud idlaada
Ka door biday eebe ceeshka
Maxaa curri Land-ta jooga
Ciyaarta garoon la buuxo
Da’diisoo gabaw ku ciiray
Kasoo bax markuu colaadshay
Huruuddana lagu ciqaabay
Markuu weli sii ciyaaray
Cassaan goortii la siiyay
Intuu ciilkii gadooday
Tollaay sawmuu cabaadin
Maxaa curri Land-ta jooga
Curriga bisaddiisu qaado
Casaysooy dhaga barjayso
Hadduu caasiyo falkeeda
Amaba camalkeeda diido
Curriga dawarsada ficiisa
Haddana carshigeena seexda
Curriga xulashada ku faana
Talada u yaqaana cayda
Ammaantana caadi moodaa
Dhalliishana ceeb u haysta
Curriga sawirkiisu yaalo
Gidaarada lagu caweeyo
Laabtiyo caqligii dadkiisu
Intooy karahdooy ka caagtay
Cidkale sudhatooy ku faanto
Curriga currinimo ku baaqa
Haddana curriyada layaaba
Markay ku daydaan cagtiisa
Curriga Engineer ka sheegta
Siyaasiyo ruug caddaaga
Dhul iyo cirmareenka buuxa
Cilmina ab-tiirsiin yaqaana
Ku caashaqa reer heblaayo
Ku doorta caddaalad waarta
Caynaanka u dhiiba tuugga
Islaan laba canbaa gadaysa
Gaajada laba cunug la goohsan
La baayicin caawo oo dhan
Xammaal iyo kuuli cawlan
Cashuurta saboolku dhiibo
Cir-weyne kusoo hagaaja
Baloodhka agoon ku ceesho
Dillaal iyo waalid caaqa
Cokane ugu geeya fooqa
Caddaanka madaw ka yeela
Cassila dacaaddo gumeeya
Dacaayad usoo cantoobsha
Ku caawiya beenta faafta
Cagkira oo kala dhantaala
Cadaadis culayska saara
Hanjaba oo caga jugleeya
Cabbaar suga mahadniqiina
Wow Mansha allah ilaahay maskaxdaada hakuudaayo
asc wr wb saaxib anigoo ah magaca kor ku qoran waxaan ku waydiinayaaaa su,aaal ah xageed ku nooshahay? ama joogtaa? ma suuugaanyahan soomaaliyeed oo soo baxay wakhtigan ayaad tahay? maadaaaaaaaaaaa curiyey gabaygan aan soo arkay? hadaba waxaan si sharafi ku dheehantahay kaaga codsanyaa wwiwnaad iiga soo jwbto dhamaan su,aalahan
mahadsanid
Comments are closed.