Suugaanta Soomaalida iyo Diinta Islaamka

1
3612

Suugaanta soomaalida iyo diinta Islaamka

Diinta Islaamku in ay tahay diintii rasmiga ahayd ee ka timi Rabbi ayaynu yaqiinsannahay. In diintani tahay mid loogu talo galay sinji kasta oo samankasta nool ayaynu iyada na aaminsannahay. Waxa taasi caddaymo wax ku ool ah u noqon kara marka aad aragto Jayniis muslin ah, Baakistaani muslin ah iyo Nayjeeriyaan muslin ah. Iyaga oo dhaqan kooda iyo dhaqaalohoodu ba aanu lahayn xidhiidh aad u badan ayay hadda na midaysay laaboohooda diintani. Iyaga oo afaf kala duwan ku hadla, maryo kala duwan xidha goobo kala duwanan ku dhaqan ayay haddana leeyihiin dhufsane yare wixii lagu odhan jiray af xisaabeedka.

Biyaha xareedda ah ee dul qulqula dhagax cadka, waxa lagu yaqaanaa in iyaga oo dul qulqulaya haddana dhagaxii iyo cammuudii ka hoosaysay laga dhex arko. Diintu waa tabtaas oo kale, waa biyo xareed ah oo dul qulqulaya dhaqannadeenna, taas oo ka maydhaysa wasakhda iyo qaldaaadka dhaqankeena ku jirta, se aan qarinayn kala duwanaansheheenna dhaqan. Iskaddaa in ay tirtirto e, Rabbi waa inagu ammaanay waa na inoogu manno sheegtay kolkii uu lahaa “Waxa aanu idinka yeelnay shacbiyo iyo qabiilooyin si aad isu garataan”

Haddii adiga oo reer Qansax ah marka aad ashahaadato aad noqonayso reer Qudhac, dee taasi “Islaamayn” ma aha ee waa reer “Qudhacayn.” Haddii marka aad soo islaanto adiga oo Soomaali ahaa aad noqonayso Carab, dee taasi Islaamnimo ma aha ee waa Carabayn. Halka diinta iyo iimaanku buuxiyaa na ma aha halka sinjiyaddu buuxiso.

Dhawaanahan waxa aan arkay dad Carab nacayb badan cabbudhsan, dabadeed ay taasi mararka qaar ku keento ba in ay diinta aflagaadeeyaan. Qawmiyad dhan oo meel deggen oo xumaan iyo samaanba le ma dhaleecayn kartid iskaddaa in aad diintaada wax ka sheegto e. Sidoo kale iskama caashaqi kartid oo uma qaadan kartid in ay dhammaantood awliyo yihiin oo ay carabnimadooda kaaga Islaam sanyihiin. Taasi na naska ayay inoogu caddahay oo Rabbi loogu ma kala sareeyo sinji iyo abtirsiine taqwada iyo iimaanka ayaa raali ahaanshihiisa lagu kala hor helaa.

Intaas haddii aan gogol dhig uga dhigo qoraalkaygan yar, aan ku soo durko weedhihii ciwaanka aan doortay hoos imanayay. Waxa aan ka mid ahay hal-abuurka suugaanta curiya kolalka qaar. Dhib badan waxa aan kala kulmaa sidii aan isu la fal gelin lahaa diinta Islaamka iyo dhaqankeennii jiray intii aan diintu ba iman. Dhaqanka soomaaliyeed iyo diintu laba ma kala aha, se waa isku degel oo waa ay isa saameeyaan. Intii diintu soo gaadhay geyiga soomaaliyeed waxa wax weyni iska beddelay hannaankii ay u dhaqmi jireen. Suugaantu waxa ay hadda ba cabbirtaa ama laga daawadaa dhaqankaas hadba is geddiyaya.

Waxa aad moodaa in lagu dedaalay in la kala fogeeyo diintii Islaamka iyo suugaantii Soomaalidu lahayd. Waxa la kala fogeeyay wadaaddadii iyo abwaanadii. Sheekhu ninkii gabyayay ama suugaanta ku jiray ayuu odhanayaa waa faasiq, ninkii abwaanka ahaa na waxa uu durayaa wadaadkii oo uu leeyahay Carab buu noqday oo maba haysto dhaqankeennii. Taasi waa ta keentay in marar badan qudbadaha ama muxaadirooyinka aynu ku aragno iyada oo la adeegsanayo tixo carbeed iyada oo suugaanteenii muush tahay. Sababtu na wax kale ma aha ee nus qarnigii ugu danbeeyay waxa kala tagganaaday labada oo waxa ay noqon waayeen laba is kaba ama is cabbira.

Sidaas darteed aynu isla fal gelinno suugaanta iyo diinta. Aynu dadka tusno in ay labadu isku mid yihiin. Aynu ka dhiganno suugaanta agab aynu diinta ku fidino se yeynaan ka dhigin agab diinta ka soo horjeeda. Dadku tixdooda iyo gabaygooda ayay kaga fahmi ogyihiin diinta tix carbeed. Haddii laga deyriyo suugaanta masaajidada, oo wadaaddadu adeegsan waydo, oo cidda suugaanteedu diinta ka hadlayso laga soo sooci waayo cidda suuugaanteedu fisqiga leedahay, haddii dhammaan wixii tix mariyaa isku baab noqdaan waa ayaan darro weyn. Aynu labada isu soo dhaweyno oo aynu noqonno ummad Islaanimada ay u raacdo Soomaalinimo.

Xayasiis

1 COMMENT

Comments are closed.