Waxa aan Dhigayaa af-Soomaaliga!

0
2014

Waxa aan wakhti u helay mihnad aan muddo fakaag iyo firaaqo u naadinayay. 10kii sanno ee aan bahda suugaanta ka tirsanaa waxa kalgacal ii hayn jiray in aan noqdo bare afka Soomaaliga ah. Waxa aan gaar ahaan xiisayn jiray in ubadka dugsiyada hoose ku jira aan u far qabto afkooda hooyo. Taas darteed waxa aan marar badan bilaabay in aan sameeyo heeso yaryar oo gaagaaban kuwaas oo aan ugu talo geli jiray ubadku in ay ka dhigtaan heeso ay qaadaan kolka ay daabuurka ku jiraan.

Maadaama oo aan Caafimaadka/dhaktarnimada baran jiray , wakhtiga iyo waayuhu iima saamixin in aan arimo badan oo ku saabsan barashada afka sii hanaqaado. Waxa se Ilaahay mahaddii ah in aan arinkaas imika u helay firaaqo fiican.

Sannadka cusub ee 2020 waxa aan Language College – Hargeisa la bilaabi doonaa casharo af Soomaali bilaw ah. Qaab “ONLINE” ah oo khadka la adeegsanayo ayay casharadu ku bixi doonaan. Adduunka meel kasta oo aad ka joogto waad ku heli kartaa duruusta aan bixinayo iyaga oo maqal iyo muuqaal ah.

Si aad isu diiwaan geliso ama aad warbixin dheeraada u hesho, nambarkan Whatsapkiisa la xidhiidh;

0636587777

Xayasiis