Hadmaad i jeclaanaysaa

5

Heestan waxa aan ka curiyay ruux dumar ah oo iisheegtay in ay jeceshahay wiil in muddo ahayd. Isagu se uu hadba meermeerin jiray, dabadeed maalintii danbe ay ku tidhi “Waan kugu daalaye, hadmaad i jeclaanaysaa?” Weedhaasaa aad ii damaqday, waxaanay sabab u ahayd in heestani curato.

Markaad tahay ruux wax jecel
Waxaad tahay ruux la jaray
Cadkiyo seedaha jidhkoo
Loo dhiibay qofkuu jantoo
Ku jira baryo tuugsi uu
Ku doonayo jeexa maqan

Muddaan kula joogaayoo
Muddaan jaalkaaga iyo
Ahaa jeexaaga midig
Muddaan samir jiidayoon
Sidii jirid taagayoon
Rajiyo ku waraabin jiray
Marbuu ku jeleeciyood
Ka raysan jadeerwecee
Hadmaad i jeclaanaysaa?

Huunooy lama jilo dareen
Huunooy lama karo jibaad
Jimiimica igu lammaan
Miyaa lagu helaa jabnaan

Dareen inanimo jiraa
Car juuq igu yidhi dhahoo
Ilmada aan jaxaasayaa
Jawaab uma noqon kartee
Hadmaad i jeclaanaysaa?

Sidii laba aan is jarin
Amaba aan jiq isku noqon,
Intay isku jeex noqdeen,
Jalbeebtama oo kaftama,
Is dhawrtoo isu jamciya,
Hadmaan kula cuni jidiin
Ooriyo kuu noqon jamaal

Jaadkaaga ii ah gaar
Jooggaaga ii ah maan
Jaahaagaa ii ah muuq
Naftaydaa kuu jajaban
Adoo iga jeestaybaa
Qalbigu kuu sii jilcaa
Jibbaar xiisuhu noqdaa
Nafbaad tahay igu jirtee
Miyaan kaa niyad jabaa

Jannaad i tahay adduun
Jaxiimiyo aan u maray
Cadaab iyo jahannamee
Macaan iga jiidh naxoo
I dhaafi jidkaa siraad

Ma joogo ma jiifsan karo
Jariyo dabarbay hayoo
Qaraar ma jihaysan karo
Qayrkaa ma jillaaban karo
Jirrani awgaa dhibbani
Ku jeellani sabab la’aan

Xabsiyo jeelbaan dhex aal
Weedhaaduna jeedal iyo
Ciqaab iyo way jidh-dile
Waxaan se ku jeel-baxaa
Jeefaafana aan helaa
Cadkayga intaanad jarin
Indhaha kugu jeedsadee
Jaleecada ka xadee
Adaan ragga kaa jantee
Hadmaad i jeclaanaysaa?

Waxaan kuu jujuubayaa
Naf aan run ka jiidayaan
Samaw jeeniga hayaa
Waxaan la jihaadayaa
Damiirkaygoo jactaday
Jaandheertayduu nacoo
Aduu jaalloow rabaa
Jawaab inuu kaa helee
Hadmaad I jeclaanaysaa

Adoo jiif tegay maxaan
Anigu jahwareeray fikir,
Maxaan jacbur heello iyo
Jiiftiyo kuu qoray odhaah,
Maxaan jabaqdaada iyo
Jaantada dhegaystay gelin,
Anoo jirran oo bukaa
Haddii juucjuuc ku helo
Jabkaagu i dhiig baxshee
Miyaan beer jixinjixaa
Talow kugu jirin walaal

Taran

0

Toddobaadba shaybaa caqliga, taallo ugu yaala

Toddobaadba qawlbaa u taga, maanka tirinaaya

Toddobaadba waayaha tarmaa, tanag kusii saara

Toddoobaadba maluhuu tuntaa, taawi kugu ooda

Toddobaadba melba ku tigan, tiiha kugu reenta

Toddobaadba tigidhbaa u go’an, duun ka tegistaada

Toddobaadba temminbuu I faray, toodibyo waano

Ereyga “Hees” Ha Qalad Fahmin

0
Ereyga “HEES” ha qalad fahmin!
 
Waxa aan dhawr jeer arkay bulsho badan oo dib u joogsata ama ka naxda kolka aan suugaantayda qaar ka mid ah ku sheego “HEES”. Ma garan karo waxa magac dilka intaas leeg loogu sameeyay ereygan iyo cidda ku samaysay ba.
 
Haa waa run, oo waxa aan ka mid ahay hal-abuurka aan jeclayn in ereyadiisa uu fannaan u dhiibo dabadeed miisig la saaro. Sababaha aanan u jeclaysan waxa ka mid ah; in aan ahay qof aad uga werwera cidda aan la jaalayo. Fanka-la-tumo kolka aad dhex gasho waxa aad noqonaysa qof had iyo goor mijiliskeeda, balwaddeeda iyo baadhigeeda ku milma. Haddii aanad ahayn qof intaasi ba ka suurawdo, ugu yaraan waad ka ag dhawaanaysaa oo ka war haynaysaa. Anna arday ayaan ahay oo taasi waa ii suurageliwayday.




 
Naxdinta ay dadka qaarkood ka naxayaan ereyga “Hees” waxa aan qudha ku sababayn karaa fannaankii, mulaxankii, misiishankii iyo dadkii ka ag dhawaa ayaa badankoodu inaga noqday dad aan wanaagsanayn. Xaasha’a oo dhamaantood ma wada xuma, qaar badan oo ka mid ah aqoon ayaanu isu leenahay oo waa dad furfuran oo qalbi wanaagsan.
 
Si kasta iyo sababkasta oo shakhsi ah oo anigu aan u diiddanahay in aan dhex galo fanka la tumo, marna taasi uma noqon karto sabab aynu uga didno ereyga “Hees”.
Waayo iyada oon cuud iyo kaman iman ayaa hooyooyinkeen inoo heesi jireen. Iyada oon jaaska la aqoon ayaa geela heeso lagu waraabin jiray. Weligeed na heestu waxa ay ahayd bad ka mida badaha maansada Soomaalida ee tirada badan.
 




Asxaab badan oo aanu is naqaanno ayaa hal-abuurkooda u ka dhiga fanka la tumo. Qaar badan oo kale na aniga ayay ila yaabaan oo yidhaahdaan maxaad ugu diidaysaa in la qaado ereaydaada. Labada ba ma dhibsado oo ma colaysto. Waayo qofku wuu kaa aragti duwanaan karaa. Sas kama qaado in hees miisig le agtayda laga shido. Ka qaadaya ee fanaanka ah na ma colaysto. Se kuwayga ayaanan la jeclayn uun in uu masrax la soo istaago.
 
 
Waad mahadsantahay.
Fadlan la wadaag asxaabta haddii aad ka heshay.
 




Xasiloonida Nafta :: Barnaamijka Sirta Nolosha.

0




Caannimada Baraha Bulshada

1

 

Muddo toban sanno ka badan ayaan baraha bulshada wax soo saar suugaaneed ku soo bandhigayay. Dadka aan ku baranayay iyo dhacdooyinka aan la kulmayay ayaa ahaa qaar wax badan iga beddelay dabci ahaan iyo hab feker ahaanba. Mashaakil badan oo aan kala kulmay se aan hadda meel ku suntaday xalalkooda ayaan arkaa dhalin badan oo haatan u taag la’. Mid ka mida dhibaatooyinkaas ayaan doonayay inaan wax yar halkan ku bidhaamiyo.

 

Dhalinyar badan oo caan ku noqday baraha bulshada kuwaas oo wax soo saar kala duwan ku soo bandhiga kobtan ayaa jira. Weriye ha ahaado, abwaan ha ahaado, fanaan ha ahaado, nin xil haya ha ahaado, qof wax sawira ha ahaado ama qof iskii isku diray oo adeege bulsho ah ha ahaado. Badankoodu wax qabadkooda halkan ayay inoogu soo tebiyaan.  Had iyo goor na dadyowgaas waynu u riyaaqnaa, iyagu na riyaaqaas ayaa hibooyinkoodu ku sii dararaan.

 

Dhalintaas oo riyaaqa iyo taageerada u baratay ayaaa waxa suuragala in ay hal mar soo dhigaan shay qaldan, ama saxsan se aan laga filanayn. Hal mar ayaa dadka ugu jira oo dhami ku qamaamaa oo eed iyo dhaliil dusha kala dhacaan. Iyaga oo dhawr jeer niyad jabsan oo wixii ay jeclaayeen ka tanaasula isle ayaan dhawr jeer la kulmay dhalintaas.  Ereygan kooban ee aan idinla wadaagayo ayaan u sheegay dhamidood.

 

Marka aanu caafimaadka baranayno, waxa la noo dhigaa in ay jiraan xanuuno loo yaqaan “Apportunistic infections” oo Af-soomaali ku noqonaysa caabuqa yimaad kolka uu qofka ka il-helo. Waxa ay ku dhacaan keliya xanuunadaasi kolka uu qofku il-darnaado ee uu difaaca jidhkiisu na itaal gabo. Inta kale waa qaar si dabiiciya kuula nool oo mararka qaar caawiya ba jidhkaaga.

 

Dadka na waxa jira taageero badan oo kumanaan kun ah oo la socda bogga aad ku leedahay baraha bulshada. Si dabiiciya ayay kuula socdaan dhaqdhaqaaqaaga iyo afkaarta aad hadba soo bandhigto. Waxa ay naawilayaan hal mar oo aad qaldanto ama wixii lagaa filayay wax aan ahayn aad soo dhigto. Halkii ay dood ama caqli celin kuu bilaabi lahaayeen, dhaliil kama danbaysa ayay kugu genbinayaan. Waxa ay eeganayaan oo ay sugayaan keliya mar aad u nuglaato oo aad qalad u gasho.

 

Dadka ku taageera, ama haddaan si kale u dhigo dadka kuugu jira ee kula socda baraha bulshada, ha wada moodin in ay yihiin qaar daa’im ah. Dadyow badan ayaa kuugu jira kuwaas oo naxli iyo nacayb ku ka buuxo se raadsanaya kola ad nugushahay.

 

Taas waxa lagaga gaashaantaa marar badan in mabaad’idaada iyo qiyamkaaga aanad halbeeg uga dhigin faalooyinka baraha bulshada. Se ay ahaadaan qaar aad waayo aragnimadaada iyo aqoontaada badankooda ka soo dheegto. Haddii laga maarmi waaayo, koox dad ah oo aad ku kalsoontahay ayaa la samaystaa kuwaas oo aad faaladooda ku shidaal qaadato.

Arinka labaad ee ay tahay inaad ogaataa waxa ay tahay; adduunyada isna ma liibaano qofka le na wax u ma taro qofka is yidhaa shakhsi kasta raali geli. Marka aad bulshada dhexdeeda wax ku soo bandhigayso, ku talo gal in aan aadmiga oo dhami kuu wada sacab tumayn, xataa adiga oo wanaag wada. Nebigeennii (NNKH) oo kitaab Rabbi siday ayaa kuwii uu ka dhashay dhib mariyeen. Sidaas darteed, ha ku talo gelin in aad dadka oo dhan raali geliso. Se ku dedaal in wixii aad u socotay iyo mabda’aagii aanu is bedbedlin ama taageero kun qof ah ku hel ama taageero hal qof ah ku hel.

Mahadsanid.
Haddii uu qoraalkani ku cajabiyay fadlan wadaaji oo “SHARE” taabo bogga xagga sare.

 

 

 

Yaahdo

2

Yaahdaan ku baxoo jacyal

Yaboohdaan galay scodaal

Dookhaa igu yidhi yabaal

Tusmana udubkeeda yuub

 

Kolkaan yabyabeen astaan

Riyada idhi dhab u yagleel

Xaqiiqadii soo yugnayd

Yurbay igu tidhi waryaa

 

Yaabbaan galay quusanwaa

Dabeed idhi sabab u yeel

Yacdaadiyo caydhintoo,

Miyaan kula yaray da’day

Wadnaha yartanaan la rabo

Miyaan yarad lagu helayn?

 

Waxay tidhi yuuska daa

Waayuhu waa yahan kakane

Talow yaa kuu yasiray?

Astaamahan kuu yabyaban

Yixdii weeyaan cishqiye

Ha yeedhin hadhaw kun kale.

 



Anoon yaaq dheer u korin

Ka yeeshay haween mid bilan,

Yamayskii aan darsaday

Bil iyo waxaan yawm ka cabo

Durtaba wuu yaabisoo,

Walaacbaan yara higgaday.

 

Kolkaan hadba yool akido

Waxbaa yumbiyoo dhufsada

Yeelaal goortaan shax dego

Yeegbaan ka tegaa I dila,

Markaan kob yaxoobsadaba

Waxaan daf idhaa yaxaas.

 

Yaalliin quus iga dhigtaa

Dhaliilihii yeedhsatoo

Samaantiibaan yax idhi

Yekaa dookh iga galoo

I yuuq qodxihii shakigu.

 

Yaqiinta siyaadaysay

Dharaaruhu yad u fidshaan

Dookhii I yahaaburshiyo

Kedlihi igu yoomayaa

Mar qudha Iga yaacayoo

Yaaquudka damiirka iyo

Tallame  maankii yaxyaxay.

 



Haddaan dhayal yeeli jiray

Wadnuhu yeel tuu I dhaho,

Haddaan yooc iyo galool

U jaray Yucub iyo Sarmaan

Haddeer yacay uma kacoo,

Dibbaan u yaxoobsadaa

 

Kolkuu gabadh yaable helo,

Wadnihii yablas reemi jiray

Anaa ba yaboohiyoo

Haddeer ma yaqaano dumar,

Is yeel yeelbuu qoroo

Wuxuu yasayaa cishqigaa

 

Dookhiibaa iga yabba’ay

Xiisaha yooyootamiyo

Dareenkiibaa shib yidhi,

Cidlaan keli yuubmayoo

Yamxeeraan galay cabsiya.

 

Waxaan muddo yawyaboon

Yahoon iyo daal u maray,

Intuu kala yaaciyuu

Yaleex I tubee wakhtigu

Hungada u yoolaalsanaa

 

Rejada yaambada siddee

Ku yookee tidhi carada

Iniin yiciboo farxada;

Rasmigu ka yureyn ogaa

Ogaalku yaciis badnaa!

 



Soomaalinimo

1

­­­­­

Tixi waa sarbeeb

Surin ruux lahaa

Isagoo ku siman

Laga sogordohoo

Dabadeed socoo

Cagta saar la yidhi.

 

Marna waa sifayn

Sugid iyo ilayn

Sixid iyo caddayn

Kolka shay samaw

Sidii qorax ahaa

Caad loo sasabo.

 

Luun kugu sarnaa

Sacabkaaga oo

Subag lagu shubtaa

Sahay kuu noqdee,

Baabbaco-saluug

Surmi kaama tiro

 



Sir ma sheegayee

Waxaan uga socdaa

Soomaalinimo

Ma le saylad iyo

Sicir lagu gadoo,

Han siyaasadeed

Lama siisan karo,

 

Diintaa soshoo

Dhaqankaa u seda

Dharku waa u sumad

Soortaa u cada

Afku waa u sahay

Sabadiyo kobtuna

Saamayn kulehe

Soomaalinimo

Qof su’aalayoow

Calan kuma suntana.

 

Cid ma seeranoo

Qolo kuma sidkana,

Mana aha salaan

Nin siyaasiyi ihi

Meel sare ku koro,

Sirsir maaha oo

Lama sii sarifo

Waa siman u siman

Soomaalidoo

Waa sawrac iyo

Sinji aan ummado

Kaga soocanoo

Ma sariigan karo.

 

Sagaal baasaboor

Ninka sii sitoow,

Soomaalinimo

Lama saydhi karo.

 



Soomaalinimo

Qof ka saar is yidhi

Sibiq iima tiro,

Waa sexeex Rabbigu

I dul saarayoo

Xididkeeda sugan

Uma siibi karo.

 

Haddii lagu sidkoo

Inta lagu subciyo

Gef siyaasi galay

Dawo saxal tirtiyo

Looga dhigo sabiib,

Wax ma saciddee

Sunta iyo ladhkaa

Seedaha gashoo

Dar sanaadha oo

Soomaalinimo

Sas ka qaadayay

Samankaas dhashaa

 

Waxaan uga socdaa

Ereygeeda sami

Waa saxar la’aan

Sifaduu yehee,

Sahan aanay wadin

Magac aanay sudhan

Madax aanay sidin

Yaan lagu sawirin

 

 

Yey saad u noqon

Sed bursiimo iyo

Ninka saa’id raba,

Siddeheeda bilan

Yaan laygu sirin.

 

Salfudaydka jaan

Waan salaw badnee,

Saajin raba dagaal

Yuu igu sasabin.

 

Soomaalinimo

Waa jacayl sadriga

Kaa saaqayee

Mid nacaybku simay

Yaan laygu solin

Yaan siidhi-wade

Koox kale la safan

Qaladkayga sixin!

 

Sababaynta guud

Waxaan saas u idhi,

Way sal guurtayoo

Way sinbiidhayoo

Saxal baa galoo

Waa lagu saxdaye,

Soomaalinimo

Haddii lagu siqoo

Lagu kala sed yahay

Siinaaybaan ku koray!

 

Dugsii sariyo

Kaygii soke ba

Kobtanaan ku sugay,

Saanqaadaayoo

Ilaa saakadaas

Sikin maan ka tegin,

Af soomaaligana

Suugaan duxlaan

Siin kuu marshee

Soomaligee

Soomaalinimo

Sakad iiga xiga?



Soomaalinimo

0

­­­­­

Tixi waa sarbeeb

Surin ruux lahaa

Isagoo ku siman

Laga sogordohoo

Dabadeed socoo

Cagta saar la yidhi.

Marna waa sifayn

Sugid iyo ilayn

Sixid iyo caddayn

Kolka shay samaw

Sidii qorax ahaa

Caad loo sasabo.

Luun kugu sarnaa

Sacabkaaga oo

Subag lagu shubtaa

Sahay kuu noqdee,

Baabbaco-saluug

Surmi kaama tiro

Sir ma sheegayee

Waxaan uga socdaa

Soomaalinimo

Ma le saylad iyo

Sicir lagu gadoo,

Han siyaasadeed

Lama siisan karo,

Diintaa soshoo

Dhaqankaa u seda

Dharku waa u sumad

Soortaa u cada

Afku waa u sahay

Sabadiyo kobtuna

Saamayn kulehe

Soomaalinimo

Qof su’aalayoow

Calan kuma suntana.

Cid ma seeranoo

Qolo kuma sidkana,

Mana aha salaan

Nin siyaasiyi ihi

Meel sare ku koro,

Sirsir maaha oo

Lama sii sarifo

Waa siman u siman

Soomaalidoo

Waa sawrac iyo

Sinji aan ummado

Kaga soocanoo

Ma sariigan karo.

Sagaal baasaboor

Ninka sii sitoow,

Soomaalinimo

Lama saydhi karo.

Soomaalinimo

Qof ka saar is yidhi

Sibiq iima tiro,

Waa sexeex Rabbigu

I dul saarayoo

Xididkeeda sugan

Uma siibi karo.

Haddii lagu sidkoo

Inta lagu subciyo

Gef siyaasi galay

Dawo saxal tirtiyo

Looga dhigo sabiib,

Wax ma saciddee

Sunta iyo ladhkaa

Seedaha gashoo

Dar sanaadha oo

Soomaalinimo

Sas ka qaadayay

Samankaas dhashaa

Waxaan uga socdaa

Ereygeeda sami

Waa saxar la’aan

Sifaduu yehee,

Sahan aanay wadin

Magac aanay sudhan

Madax aanay sidin

Yaan lagu sawirin

Yey saad u noqon

Sed bursiimo iyo

Ninka saa’id raba,

Siddeheeda bilan

Yaan laygu sirin.

Salfudaydka jaan

Waan salaw badnee,

Saajin raba dagaal

Yuu igu sasabin.

Soomaalinimo

Waa jacayl sadriga

Kaa saaqayee

Mid nacaybku simay

Yaan laygu solin

Yaan siidhi-wade

Koox kale la safan

Qaladkayga sixin!

Sababaynta guud

Waxaan saas u idhi,

Way sal guurtayoo

Way sinbiidhayoo

Saxal baa galoo

Waa lagu saxdaye,

Soomaalinimo

Haddii lagu siqoo

Lagu kala sed yahay

Siinaaybaan ku koray!

Dugsii sariyo

Kaygii soke ba

Kobtanaan ku sugay,

Saanqaadaayoo

Ilaa saakadaas

Sikin maan ka tegin,

Af soomaaligana

Suugaan duxlaan

Siin kuu marshee

Soomaligee

Soomaalinimo

Sakad iiga xiga?

Naf La Hadal

0

Shalay ruux negaa ba
Naxash caawa yaallee,
Sow ma neefsanaayoo
Kama nooli geerida?

 

Inta aan nitaaqiyo­­­­
Tirsanaayo nabarada,
Maan nimcooyinkaygiyo
Nasiibkayga fiiriyo?

 

Noloshaan tobnoobine,
Nuska iga maqnaadiyo
Nafarkaan tebaaya na
Rejo maan ku naawilo?

 

Way i noogtay dhaaxoo
Cabashada nuxuusta le
Waan ka naaxi waayee,
Maan nabad galyeeyoo
Nooli kulante aan dhaho.

 

Quustiyo nadaabada
Mugdigaa nac dhaliyee,
Maan nayaayiroodoo
Nalka ii baxaayiyo
Nuurkani iftiinsado.

 


Halka laga niyoodee
Marna laga nuglaadaa
Nabdigay u badantee,
Inta aan nadiifiyo
Naxli maan ka dhawroo
Xamdi naqa ku liiliyo

 

Naxar iyo cadaab iyo
Naarbaa danbaysoo
Janno lagu negaadaa
Nasri yahay xaqiiqdee,
Si buu iigu nabanyee
Maan naaro shaydaan?

 

Naaskaad ishaartiyo

Dareenkaad ka nuugtaa

Ninba xeel faraysa e,

Maan naabo yu’ashada

 

Hadba waa naruurada

Nudahaad ka eegto e,

Arinkaygan naasilan

Maan nasteexo daawado

 

Tabnidaa nawaaxiga

Nabaadguur u dihatoo,

Nag ka siinta aayuhu

Waa natiijadeede,

Kaska maan naqaysiga

Dhanka togan u naaqilo

 


Nacfi ma le shalayntuye

Naqa maan timaadada

Beridayda nuujiyo

Nafhurkayga dhiijiyo

Nuqsaantayda baajiyo

 

Macdantiyo naxaasuhu

Naqshddiyo hannaankay

Dhagax nooc wadaagaan,

Misna naadinteedeeiyo

Hadhaw niib gurkeedaa

Dahab lagu nimcoobiyo

Dheeman loo nisbeeyaa,

 

Anna niyad-jabkaygiyo

Neef-tuurka hibashada

Garan mayo nuxurkuu

Rabbii iigu nasiyoo,

Nootayo kama qoran

Naxwihiisa qaybkee

Armooy iiba noqotaa

Neecawda farajkaa!

 

Naxdintiyo is-waagoow,

Nawiraadda dhiillada

Nadi Layla dhacayoow

Nabsigaan waddacayee

I nabdaadinaayoow,

Najaaxaaddda guusha le

Nabyihi dafirayeee

Kol ha nuuxsan yidhiyoow,

Higsigii ma naaqusin,

Hanku naafo ima noqon,

Ma naqtiimi karayoo

Weli naalladaydaan

Naqdiyaa ladhkeedee

Naasnaasi tacabkaaad

Nujub iigu wici layd.

 


Maxay Dadku kaa Aaminsayihiin?? :: Barnaamijka Sirta Nolosha

0

Waxaa is jeclaada dadka is nici kara!

2
Roobka da’a dhibicda adiga kugu dhacda ayaa ka nasiib badan dhibcaha kale. Dhulka halka aad cagta saarto ayaa cawo le. Neecawda dhabata ee wejigaaga daarta ayaa ayaan le. Waxaad farxad u tahay tixahayga oo had iyo goor ku ammaana. Erey kasta oo aan kugu cabbiraa ereyada kale ayuu u hoodo sheegtaa. Habeenkasta waxa aan ka seexan kari waayaa ereyga “Dhabeel” oo u faanaya ereyga ‘Raaliya”.
 
Wakhtiga yar ee aad ila joogto inaan ku daawado iyo inaan kula hadlo ayaan isku hayaa. Aakhirka isha oon qancin iyo dibnaha oon si wacan u gaaxan ayaad iga dhaqaaqdaa. Dabeed dhaayahaa qabsada bishmaha iyagoo le “Maxaad wakhtiga nooga qaadaysay haddaanad hadli karayn waanu ka bogan lahayn araggeedee?”
Waxaan ogaaday in Af-soomaliga iyo afkastaa iga hiiliyay. Waayo lammaane kastaa waxa ay haystaan weedho metela dareenkooda. Anigu waan ka dhex waayay ereyadii aan dareenkayga saari lahaa. Waan ka waayay erey aan ahayn “Waan ku jecelehay” Ereygaas adeegsigiisa na kama helo. Waayo anigu kuma jecli. Waxaa is jeclaada dadka is nici kara!
 
Afkalaan samaystay kolkaa. Af kale oo le tamar uu ku qaado dareenkayga. Nasiib xumo se hadda na qeexdintii afka ayaa iga hiilisay. Waayo waxa la yidhi Af waa wixii ummad meel wada deggeni ay isku fahmi karaan. Kan aan samaytay na iskaddaa ummad e, adigaan ila fahmayn! Kuma lihi i guurso aniga. Kuma lihi ragga iga fariidsan iga so dhex xulo. Waxaan se ku leeyahay kaalay afkaas aan ku baro adna aad dadka aad sii bartide. Kaalay aynu afkaas ku darno afafka adduunka e.