Home Blog Page 8

Dheelmasho

2
    (12/12/2013) Dhanqalnaanta uurkaaga qaday, dhan u higgoodkaaga Dhafandhaaf ujeeddada la gabay, kala dhantaalnaanta Is xaq-dhawrka noloshaan ku dhafay, iinta dhagaraysay Fahan dhoofay maagguu dalbaday, dheygag ku hilaabtay Ku dhawaaqa erey aan damqaday, aahda dhinacayga Badhkaliyo in aad dhaaftaayoo, dhiiri kugu...

Boqool

0
Barqo hore salaadii Anigoo bar joogoo Nimcadiisa boqorkay Ku bannaanbaxaayoo Baraad li’ ku noolbaa, Midaan beri aqaanoon Kubbaddiyo baloonida Beryo dheelnay waayoo Gubanaaya bayloo Burqanaaya ii yimid   Salaan iyo bariidada Barxaddii midkaayaba Ku guddoomay baal oo Warku waa ballaysime Igu yidhi “bil-dhaladoow Dalkii wuu bustooboo Boodh iyo kulayl iyo Basanbaas abaar...

Heesteydaay laguma qaado

5
Heestaydaay laguma qaado miisiga laxan laguma saaro lab iyo dhadig kuguma jaaso iblays hadba kuguma laabo lurkiyo danbigiyo dhibtiisa lilaahada kuguma seejo heestaydaay laguma yeesho ma lehe abid kuma lahaado nin lumay adi kuguma faylo fanaan libin kaama eegto hantida lacag kuguma doono laafyaha adi...

Hilaado

0
  HILAADO Waa habeen habeenkii Hebeloow dadkoo yidhi Dibnahaygu hee iyo Haa toona kari jirin   Waa habeenhabeenkii Halkasaacomiririyo Hankakaabsifarasiyo Hardafyaacijirayee Hawolaydhanoqonjiray   Waa habeenhabeenkii Hiilkaygunoqonjiray Xarafraacaheestiyo Habkaqaabdheceediyo Godkaheelladaydiyo Hal-haleelkaereyada   Waa habeenhabeenkii Hooyadaywarkeediii “wuukelihadraaiyo Waalibuuhalkeediyo Ugutegayhoggeedii Aabo loo haltebinjiray   Waa habeenhabeenkii Cuntaaananhawsheed Mar haleelijirinoo Hadhawaan is odhanjiray “Hadhimiyomabaadcunin Gassiinaad la hoyatee Hanboorodbalsoodayo”   Waa habeenhabeenkii Haddiiaanaboorkiyo Ayaxhaadkaduuliyo Ku hakadoqudhaanjada Hadal loo qushuuciyo Cibroaankahelijiray   Waa habeenhabeenkii Dadkahoobalodhanjiray Heblauujeclaaiyo Hodanbaakadhooftoo Kalgacaylkuhuuriyo Heerkaajacaylbaa Ku hubsadaydadweynoow   Waa habeenhabeenkii Hirashadugeddeediyo Hibashaducarteediyo Gocashaduhirkeedii Berihorewixiidhacay Hinqomaan I odhanjiray   Waa habeenhabeenkii Jidhkaqaybtahogatee Gabayadakuhiratee Dadkuhaybadgaariyo Hiboabid la dhawrtiyo Hal-aabuurkusheegaa Sidiiholacdhinbiiliyo Lagushidayhulaaqyada Reenkeedahoosiyo Hirdankeedubadanjiray   Waa habeenhabeenkii Ummadaananhayniyo Tarabtarab...

Hargeysa

4
Wuxuunbaan idhaa Hargaysa Maxay dadku kuugu heesan Hawraaraha kugu ammaanaan Markay kaayara hayaamaan Maxay kuugu soo hiloobaan Wuxuunbaan idhaa hargaysa Afweyne markuu ku haystay Markuu dhagaxtuur hig yeedhay Halbawlaha raggii la gooyay Markuu dhiiggaagu hooray Hayaaydu hayaayda gaadhay Muxuu hal-abuurku maanso Hargysaay hooy ma toostay Muxuu ulahaa...